Marmar-Media

Marmar-Media WELCOME TO MARMAR MEDIA

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
KU SOODHAWOOW MARMAR MEDIA
Siaad ula socoto maqaalada aan halkaan ku qorno iyo muqaalada aan halkaan idin kula wadaagno
waxaad sidookale naga heli kartaa dhamaan Social media sida. youtube&Facebook&Twitter&Instagram|Marmar-Media|

wax yaabaha aad kaheli karto

1- kobcinta aqoonta [ intellectual development ]
2- dhiirigelin [ encouragement ]
3-Taariikhda dadka kow

oodii h**e & danbe [ History of the past and present ]
4- kobcinta maskaxda waa waxa ugu muhiisam [ brain development is the most important thing ]
5- dhisida mustaqbal cusub iyo sida lagu heli karo [ building a new future and how to achieve it ]
6- soo jeedinta buugaagata taariikhda [ presentation of history books ]

waxwalbo aan uaragno in ay faaido inoo wadatahay
insha'allah.

30/11/2022

Magaca buugga: Dab iyo dhagax
Qoraagabuuga: Muxammad Yuusuf
Cutubka kowaad: Dumintii Darbiga

"Sawtan idin idhi dab iyo dhagax kala daaya"
—Cali sugule

Cutubkan ugu h**eeya waxa uu so mug iyo miisan leh uga waramaya qoraagu bilawgii islaamnimada, Nebi Maxamed iyo saxaabadiisa dhibaatadii ay reer Quraysh ku hayeen iyo isku dayadii fashilmay ee Nebi Maxamed lala beegsaday. Hijradii Nebiga iyo saxaabadiisa iyo fidintii diinta islaamka. Sido kale ficilkii deeqsinimada lahaa ee Cusman binu Cafan ku kacay ka dib markii muhaajiriintii la qabsan waayeen biyihii magalada Madiina, ka dib markii uu u iibiyay ceelki Biyaha macaan halkaana uu Nebigu ugu balan qaaday janno.

35-hijriyada waxa bilaabmatay fidnadii waxaana dumay dayrkii hortaagna. Ka dib markii Cumaan binu Cafan oo ahaa khaliifkii muslimiinta ee wakhtigaa lagu dhex dilay gurigiisa. Cusmaan cadaw gaalo ahi ma dilin, balse wiilal yar yar oo uu u soo joogay dhalashadoodii ayaa shaydaanku isu tusay una qurxiyay in ay iyagu uga fahan badan yihiin Qur'aankii uu gacantiisa ku qoray marku Nebiga ku soo d**o. Iyagoo og kana dheregsan taariikhda milgaha leh ee Cusmaan ku dhex leeyahay diinta islaamka. Waxa ay raaceen isle'eg ay iyagu isku dhufsadeen waxayna uusoo saartay in Cusman ku kacay falal diinta lid ku ah, sidaasna dhigiisu xalal ugu noqday oo ay halka ku dileen Cusmaan oo sooman, Qur'an akhrinaya, maalin jimce ahna ay tahay, laguna jirro bishii xurmada lahayd ee Dul-xijah, kuna dhex dileen magaladi barakaysnayd ee Madiina.

Sidaasna waxay ku fuliyeen xukun gacan ku samaysa oo aanay malaysan karin waxa ay kala kulmi donaan waxayna dumiyeen dayr dhidibo adag ku taagna oo aan ilaa Maanta dib uu dhismin.

Ugu danbayntii "Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalana kuuma geyso.”—Gaaleysiinta Muslimiintu dadkana waa ay kaa dhex saartaa, adduun iyo aakhirana waxba lagama dheefo aan dab iyo dhibaato ka ahayn. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka shahaadanaya.

Hamda Abdulkadir Hassan [Arbaco 30-November 2022].

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Marmar-Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Marmar-Media:

Share

Category