Marmar-Media

Marmar-Media WELCOME TO MARMAR MEDIA

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
KU SOODHAWOOW MARMAR MEDIA
Siaad ula socoto maqaalada aan halkaan ku qorno iyo muqaalada aan halkaan idin kula wadaagno
waxaad sidookale naga heli kartaa dhamaan Social media sida. youtube&Facebook&Twitter&Instagram|Marmar-Media|

wax yaabaha aad kaheli karto

1- kobcinta aqoonta [ intellectual development ]
2- dhiirigelin [ encouragement ]
3-Taariikhda dadka kow

oodii h**e & danbe [ History of the past and present ]
4- kobcinta maskaxda waa waxa ugu muhiisam [ brain development is the most important thing ]
5- dhisida mustaqbal cusub iyo sida lagu heli karo [ building a new future and how to achieve it ]
6- soo jeedinta buugaagata taariikhda [ presentation of history books ]

waxwalbo aan uaragno in ay faaido inoo wadatahay
insha'allah.

30/11/2022

Magaca buugga: Dab iyo dhagax
Qoraagabuuga: Muxammad Yuusuf
Cutubka kowaad: Dumintii Darbiga

"Sawtan idin idhi dab iyo dhagax kala daaya"
—Cali sugule

Cutubkan ugu h**eeya waxa uu so mug iyo miisan leh uga waramaya qoraagu bilawgii islaamnimada, Nebi Maxamed iyo saxaabadiisa dhibaatadii ay reer Quraysh ku hayeen iyo isku dayadii fashilmay ee Nebi Maxamed lala beegsaday. Hijradii Nebiga iyo saxaabadiisa iyo fidintii diinta islaamka. Sido kale ficilkii deeqsinimada lahaa ee Cusman binu Cafan ku kacay ka dib markii muhaajiriintii la qabsan waayeen biyihii magalada Madiina, ka dib markii uu u iibiyay ceelki Biyaha macaan halkaana uu Nebigu ugu balan qaaday janno.

35-hijriyada waxa bilaabmatay fidnadii waxaana dumay dayrkii hortaagna. Ka dib markii Cumaan binu Cafan oo ahaa khaliifkii muslimiinta ee wakhtigaa lagu dhex dilay gurigiisa. Cusmaan cadaw gaalo ahi ma dilin, balse wiilal yar yar oo uu u soo joogay dhalashadoodii ayaa shaydaanku isu tusay una qurxiyay in ay iyagu uga fahan badan yihiin Qur'aankii uu gacantiisa ku qoray marku Nebiga ku soo d**o. Iyagoo og kana dheregsan taariikhda milgaha leh ee Cusmaan ku dhex leeyahay diinta islaamka. Waxa ay raaceen isle'eg ay iyagu isku dhufsadeen waxayna uusoo saartay in Cusman ku kacay falal diinta lid ku ah, sidaasna dhigiisu xalal ugu noqday oo ay halka ku dileen Cusmaan oo sooman, Qur'an akhrinaya, maalin jimce ahna ay tahay, laguna jirro bishii xurmada lahayd ee Dul-xijah, kuna dhex dileen magaladi barakaysnayd ee Madiina.

Sidaasna waxay ku fuliyeen xukun gacan ku samaysa oo aanay malaysan karin waxa ay kala kulmi donaan waxayna dumiyeen dayr dhidibo adag ku taagna oo aan ilaa Maanta dib uu dhismin.

Ugu danbayntii "Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalana kuuma geyso.”—Gaaleysiinta Muslimiintu dadkana waa ay kaa dhex saartaa, adduun iyo aakhirana waxba lagama dheefo aan dab iyo dhibaato ka ahayn. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka shahaadanaya.

Hamda Abdulkadir Hassan [Arbaco 30-November 2022].

Casharo kala duwan ayaan ka bartay safarkii xiliyeysanaa ee aan ku tagay dalka Talyaaniga!.  Magalada muqdishu ayaan ka ...
10/08/2022

Casharo kala duwan ayaan ka bartay safarkii xiliyeysanaa ee aan ku tagay dalka Talyaaniga!.

Magalada muqdishu ayaan ka tagay Maalin Arabco ah, oo tariikhdu tahay 16 May 2022.

Safarkeyga waxaa igu wehelinayay rag Saxiibeyda ah, ujeeda socdaalkeygu waa Dalxiis iyo dhul barasho.

Caasimadda Dalka Talyaaniga ee roma, ayaan ka degay 10:00Pm. Waxaan galay jawi kale oo degan.
Waxaana arkay wax aan weligay arkin, Waxaan cunay wax aan weligay cunin..

Madaarka Roma waxaa ku xardhan hal-ku dhig ah "Roma Maalin laguma dhisin ( rome wasn't built in a day)" Waxaa hubaal ah inaad maah-maahdaan mar uun noloshaada ah maqashay. Roma, waa Caasimadda dalka Talyaaniga iyo caasimadda dawladda adduunka ugu yar ee dawlad-diimeedda ah ee vaticanka, sidoo kale waa magaalo madaxda gobolka lazio. Waa caasimadda 3aad ee ugu dadka badan midawga yurub. Waxaa ay jirtay magaaladaan inta tariikh laga haayo 28 qarni.

Maalin Maalmaha kamid ayaan safar Dhulka ah ku tagay Venice caasimada gobolka veneto ee dhacda waqooyi bari talyaaniga. Waa gobol ka kooban 118 jasiiradood oo yar-yar oo ay 400 oo buundo isku xiraan.

Venice waxa lagu naanaysi jiray La Serenissima qarniyadii dhexe iyada oo lagu sharfay quruxdeeda, laakiin sanaddaan dambe waxaa ka muuqata hoos u dhaca ballaran.

Dadka deegaanka ayaa hoos ugu dhacay in ka yar 50,000 laakiin Venice waxaa soo booqata 36 milyan oo dalxiisayaal ah sannad kasta.

Genova waa magaalo xeebeed dhacda waqooyiga talyaaniga, waa caasimada gobolka liguria. Waa magalada lixaad ee ugu weyn talyaaniga. Waa mid ka mid ah magaalo xeebeedyadii tariikhiga ahaa ee badda mediterraneanka, ugu hantiilaysan.
Intii aan joogay Magalada waxaan booqday matxafka Genoa oo ah Matxafka ugu weyn waqooyiga talyaaniga, Waxaan halkaas yaalla buugaag ku xusan taariikhda Maagalada iyo xiriirka ay la leedahay adduunka intiisa kale.

Milan waa Magalada labaad ee ugu weyn talyaaniga roma ka dib, waana magaalo madaxda gobolka lombardy.waxa ay dhacdaa waqooyiga talyaaniga. Waxa ay ka mid tahay afarta magaalo ee adduunka dhar xayaysiinta ugu haysta.

Subax kamid subaxyaha ayaan safar ku tagay Ferrera oo ah magaalo ku taalla talyaaniga oo ka tirsan tahay gobolka emilia romagna. Waa magaalo ku xusan sooyaalka talyaaniga ee waayihii hinqashada.

Waxaan safarkeyga ku soo gabo-gabeeyay Carmagnola oo ah waa degmo ka tirsan deeganka turin ee gobolka piedmont, talyaaniga. Ninka magaladaas ka talinaayey waa reeer venice ka cabsi qabeen waxaa la oran jiray francesco da bussone (1382kii—1432kii).

—Ustaad Xasan Abshir
[email protected]

W/Q : Ustaad Hassan Abshir Waa bartamaha bisha May, waana maalin axad ah, Muqdishu waxay isku diyaarineysaa in lagu qabt...
15/05/2022

W/Q : Ustaad Hassan Abshir

Waa bartamaha bisha May, waana maalin axad ah, Muqdishu waxay isku diyaarineysaa in lagu qabto doorashada hogaanka sare ee dalka. Anigu waxaan ahay muwaadin soomaaliyeed ma ihi kan wax dooranaaya sidoo kale ma ihi kan la dooranaayo. Dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad jooga waxay indhaha ku hayaan doorashada, muwaadin walba waxaa uu sugayaa qofkii noqon lahaa madaxweynaha dalka. Goobaha waxbarshada iyo ganacsiga dhamaantood waa ay xeran yihiin isku socodka magaaladu waa mid aad u yar markii loo eego maalmahii la soo dhaafay.

In ka dhow 40 musharax ayaa u taagaan hogaanka dalka, dhamaantood isku ujeedo iyo isku mowqif maha. 329-Xildhibaan ayaa wax dooraneysa, xildhibaanadaas ayaa go'aaminaaya aayaha dalka iyo umadda Soomaaliyeed. Qaar xildhibaanada ka mid ah waa kuwa miisaan culus ku leh siyaasadda soomaaliya.

Marka eego hadalhaynta shacabka ilaa 5-musharax ayaa loo saadaalinayaa inay noqodaan Madaxweynaha dalka.
Mushraxiinta raba inay hogaamiyaan dalka waa kuwa balanqaad badan. Maha kuwa rumeeya afkaarta u qoran in la aamino ay adag tahay.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa madaxweynihii sagaalaad ee dalka haddase waa mushrax raba inuu mar labaad hogaanka dalka qabto, waana mushraxa ugu hadalhaynta badan bulshada.
Xasan Sheekh Maxamuud oo h**ey u soo noqoday Madaxweynaha JFS ayaa ka mid musharaxiinta miisaan weyn ku leh doorashada.

Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweynihii h**e ee ku meelgaarka ayaa ka mid ah murashaxiinta loo saadaalinaayo madaxtanimada dalka. Xasan Cali Kheyre Waa ra'iisul wasaarihii h**e dalka waana musharax u taagan qabashada xilka madaxtanimo. Markii loo eego shacabka waa musharaxa loo saadaalinaayo inuu helo hogaanka dalka.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame waa Siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya waaa mushrax u taagan qabashada xilka madaxtanimo.

Baafin waxa la baafinya gabadhan magacedu la yirahdo Iqro Xasan Axmed oo ka lunty xafada Khaliil ee degmada  dharkenley ...
02/05/2022

Baafin waxa la baafinya gabadhan magacedu la yirahdo Iqro Xasan Axmed oo ka lunty xafada Khaliil ee degmada dharkenley cid kasta aragto kala so xirira Tell :619846642 ama 617750175

Halkaan waa magalada madiina oo aan goor gabal dhac ah aan soo gaaray, degananta magaalada waa mid aad markiiba aad dare...
26/04/2022

Halkaan waa magalada madiina oo aan goor gabal dhac ah aan soo gaaray, degananta magaalada waa mid aad markiiba aad dareemaysid waa meel sanqar yar oo makkah aad ugu duwan sidoo kale madiina waa magaalo ay soo booqdaan kumanaan muslimiin ah. Leerta macaan ee halkaan ka dhacaysa waa mid xoojineysa xasiloonida naftaada.

Aniga oo jawi wacan ku jira oo jidadka madiina hadba dhinac u jaleecaya ayaan meel dheer ka milicsaday nalalka bidhaanta dheer leh ee masjidka nabiga docol walba kaga dhegan.Waa ilays baahsan oo indho-qabad leh, waa iftiinka ugu weyn ee indhaha reer madiina ay arki karaan.

Safar dheer ka dib markii dhismihii masjidka nabiga ku soo dhaweyday ayaan kaabad yar oo masjid in yar u jirta fariistay si aan uga il-buuxsado bilicda masaajidka. Halkaa aniga oo fadhiya oo hadaba dhinac u dhuganaya oo dhimrinaaya oo laab kacay oo nafteyda ku cananaya sidii ay wadadii wacneyd uga weecaty ayaa mar qura dhagaheyga ku soo dhacay cod dheer oo masaajid nabiga ee madiina ka soo baxaya.

W/Q Ustaad Hasan Abshir

Do you want to earn more money at home?$ 1000This huge development has been brought to you by an online company that ope...
21/01/2022

Do you want to earn more money at home?
$ 1000
This huge development has been brought to you by an online company that operates cj onstyle
so if you are interested
Go ahead and register at the link below👇
https://cjonstyle.app/ #/register?referCode=m0cxqr

Do you live with a sweet mother?🧡هل تعيشين مع أم حلوة؟Today's the best photo
19/01/2022

Do you live with a sweet mother?🧡
هل تعيشين مع أم حلوة؟
Today's the best photo

Today's best photo ❤️🥀  1million like 
13/01/2022

Today's best photo ❤️🥀 1million like



Nelson Mandela, you're 100% true! 👍  Marmar-Media somali🇸🇴
07/01/2022

Nelson Mandela, you're 100% true! 👍
Marmar-Media somali🇸🇴

Today's the best photo سبحان الله  🧡🧡🧡🧡🧡🧡🧡
06/01/2022

Today's the best photo سبحان الله
🧡🧡🧡🧡🧡🧡🧡

Today's the best photo سُـبْحانَ الله  like and love 🧡🧡🧡🧡🧡🧡🧡
05/01/2022

Today's the best photo سُـبْحانَ الله like and love
🧡🧡🧡🧡🧡🧡🧡

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Marmar-Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Marmar-Media:

Share

Category