ٍSomalia Network

ٍSomalia Network Isha ku hay goobta Soomaaliya

Jarmalka ayaa soo saaray digniin safar oo ku socota muwaadiniintiisa sugan ama u safraya dalka Kenya, isagoo uga digay k...
16/10/2025

Jarmalka ayaa soo saaray digniin safar oo ku socota muwaadiniintiisa sugan ama u safraya dalka Kenya, isagoo uga digay khatar sii kordheysa oo la xiriirta weerarrada argagixisada, gaar ahaan meelaha dadku ku badan yihiin sida hoteellada, suuqyada waaweyn, iyo goobaha gaadiidka dadweynaha digniintan ayaa lagu sheegay in gobollada ku dhow xadka Soomaaliya sida Lamu ay yihiin meelaha ugu halista badan, maaddaama ay ka jiraan kooxo argagixiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarnalka ayaa tiri,“Waxaa jira khatar sii kordheysa oo weerarro argagixiso ka dhaca Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarro ka gaysan doonto Kenya, si ay uga aarguddo ka qaybgalka ciidanka Kenya ee howlgalka AUSSOM waxa kale oo lagu daray in weerarro h**e u dhacay iyo kuwo la fashiliyey ay muujinayaan sida ay argagixisadu ugu go’an tahay weerarro kale. Goobaha halista ugu badan waxaa lagu sheegay, dhismayaasha dowladda, hoteellada, baararka iyo maqaayadaha, suuqyada waaweyn, kaniisado, gaadiidka dadweynaha sida basaska, doonida, garoomada diyaaradaha, iyo goobaha kale ee dadku ku badan yihiin

LIX Bilood oo maalin qura dhiman ayaa u hartay.Ma yahay mise waa ku badan tahay shacabka?
15/10/2025

LIX Bilood oo maalin qura dhiman ayaa u hartay.
Ma yahay mise waa ku badan tahay shacabka?

Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday magaalada Koothattukulam ee gobolka Ernakulam ee Kera...
15/10/2025

Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday magaalada Koothattukulam ee gobolka Ernakulam ee Kerala, kaddib markii wadne istaag ku haleelay intii uu ku jiray socodkiisa subaxnimo, sida ay sheegeen booliska iyo maamulka isbitaalka Odinga, oo 80 jir ahaa, ayaa wadnuhu istaagay isagoo socod ku marayay gudaha xarunta daawaynta dhaqameed ee Ayurvedic, waxaana si degdeg ah loogu qaaday Isbitaalka iyo Xarunta Cilmi-baarista Indhaha ee Sreedhareeyam Ayurvedic ee Koothattukulam, halkaas oo lagu dhawaaqay inuu geeriyooday saacaddu markay ahayd 9:52 subaxnimo waqtiga dalkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka

DEG DEG; Alshabaab ayaa maanta ciidamadoodii ugu badnaa iskaga baxay Degmada Jilib marka ee gobalka shabeelaha hoose oo ...
14/10/2025

DEG DEG; Alshabaab ayaa maanta ciidamadoodii ugu badnaa iskaga baxay Degmada Jilib marka ee gobalka shabeelaha hoose oo ay maamulayeen in muddo Ah shacabka degan degmadaasi ayaa sheegey in jabhadihii ugu badnaa faarujiyeen maanta degmadaani shacabka ayaa sidoo kale shaaaca ka qaaday inay hareen kooxaha Booliiska ah ee shabaabka u shaqeeeya balse jabhadaha halkaasi ay faarujiyeen ma cadda sababta shabaab halkaasi ugu baxeyn.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in  codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed ...
14/10/2025

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu saxyahay, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf horseedo, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC warbixin lagu daabacay EBC ayaa lagu sheegay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliya 12-kii December 2024, uu ahaa mid muhiim ah oo si weyn u xoojiyay xidhiidhka labada dal, isla markaana uu horseeday is-afgarad cusub oo ku saabsan arrimaha badda, nabadda iyo iskaashiga dhaqaale iyadoo Turkigu uu door weyn ka qaatay fududeynta heshiiska, labada dal ee deriska ah, oo uu ka dhexeeyo xidhiidh dhiig iyo taariikhi ah, ayaa u tallaabay waddo cusub oo iskaashi iyo nabad ku dhisan" ayaa lagu yidhi warbixinta

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dhageysanayo warbixinta Taliyaha Guutada 3-aad ee qeybta 12-ka April Sarreeye Guuto Saneey ...
13/10/2025

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dhageysanayo warbixinta Taliyaha Guutada 3-aad ee qeybta 12-ka April Sarreeye Guuto Saneey Cabdulle Nuur.

Wararka ka imaanaya Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in habeenkii xalay lagu dilay degmada sarkaal s...
13/10/2025

Wararka ka imaanaya Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in habeenkii xalay lagu dilay degmada sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Korneyl Macalin Cumar Cali, oo 62 jir ahaa, ayaa lagu dilay xaafadda Siciid Rooraaye, qaybta saddexaad ee degmada Dharkenley. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, waxaa dilka geystay labo nin oo hubeysan oo aan la aqoonsan, kuwaas oo si degdeg ah uga baxsaday goobta marka uu falka dhacay Dilka ayaa ka dhacay afaafka h**e ee guriga uu Korneyl Macalin Cumar ka deganaa, iyadoo aysan jirin wax jawaab celin ah oo degdeg ah oo laga bixiyey dhinaca hay'adaha ammaanka.

Ugu dambeyn WhatsApp ayaa lagu soo kordhinayaa maalmaha soo socda in lagu soo gali karo username.Hada kadib uma baahnid ...
12/10/2025

Ugu dambeyn WhatsApp ayaa lagu soo kordhinayaa maalmaha soo socda in lagu soo gali karo username.

Hada kadib uma baahnid inaad teleefan numberkaaga qofka siiso, kaliya waxaad u siineysaa Usarname-ka

Qaar ka mid ah senatarada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in golahoodu ku fashilmay gudashada doorkii iyo masuuli...
12/10/2025

Qaar ka mid ah senatarada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in golahoodu ku fashilmay gudashada doorkii iyo masuuliyaddii ka saarnayd xal u helidda khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada qaarkood intii lagu guda jiray dood ay yeesheen senataradu, waxay sheegeen in Aqalka Sare uu isagu ku dhex milmay khilaafka labada dhinac, isla markaana aanu muuqan kaalintii dhabta ahayd ee loo aas-aasay qaar ka mid ah xubnaha ayaa xusay in goluhu u egyahay meel lagu qaato mushaar kaliya, halkii laga rabay inuu noqdo gole mideeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe

Geesiyaasha koonfur Galbeed uga masuulka ah  Sugida Amniga iyo Ciribtirka khawaarijta ku dhuumaaleysata Magaalooyinka iy...
11/10/2025

Geesiyaasha koonfur Galbeed uga masuulka ah Sugida Amniga iyo Ciribtirka khawaarijta ku dhuumaaleysata Magaalooyinka iyo Howdka.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Jubbaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si kul...
11/10/2025

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Jubbaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen waxa ay ku sheegeen damac siyaasadeed oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in lagu wiiqo nidaamka Federaalka iyo maamulka Jubbaland war-saxaafadeedka oo si adag u dhaliilaya Madaxweynaha, ayaa xusay in la helay xog ku saabsan in Xasan Sheekh Maxamuud uu wado qorsheyaal lagu faragelinayo maamulka Jubbaland, taasoo ujeedkeedu yahay in la burburiyo nidaamka dowlad goboleedka Jubbaland Xildhibaannadu waxay sheegeen in Madaxweynaha uu dib u bilaabay dhaqamadii muddadii xilheyntiisa h**e ee 2012–2017, xilligaas oo ay dhacday faragelin uu ku sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh.

War Cusub : Mareykanka  ayaa Barnaamijka DV-Loterry ka dhigay lacag, oo qof walbo waxaa laga qaadi doono $1 marka uu isd...
09/10/2025

War Cusub : Mareykanka ayaa Barnaamijka DV-Loterry ka dhigay lacag, oo qof walbo waxaa laga qaadi doono $1 marka uu isdiiwangalinayo.

Baqtiyaanasiibka DV- Lottery ayaa markii ugu horreeysay laga dhigay Lacag. Taas oo Malaayiinta soo dalbaneeysa laga qaadi doono Hal dollar oo isdiiwaangalin ah

Soomaalida ayaa kamid ah dadka ugu badan ee sanad walba xareysta barnaamijka nasiibka ee Mareykanka lagu galo ee DV-Lottery.

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ٍSomalia Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share