OGSAN MEDIA

OGSAN MEDIA It is an independent news agency that reports news and stories from the Horn of Africa.

Xogo kuu muhiim ah :👇
22/06/2025

Xogo kuu muhiim ah :👇

20/06/2025

Talyaani, Ingiriis iyo Daraawiish sidee uga wada xaajoodeen xadhigii Suldaan Keenadiidkii Hobyo?.

  :-Iran ayaa goor dhow sheegtay inay labo diyaradood oo F-35 ah ay Kaga soo riday Isra11l dhanka galbeed ee Tehran.-Chi...
17/06/2025

:
-Iran ayaa goor dhow sheegtay inay labo diyaradood oo F-35 ah ay Kaga soo riday Isra11l dhanka galbeed ee Tehran.
-China ayaa diyaarad xamuul oo sida agab milatari ka dejiyay saacad ka hor Tehran.
-Mareykanka ayaa u arka caawinta China ee Iran Mid cimri degdeg u keenaysa Isra11l.
- Gantaaladii u danbeeyay ee ay Iiran ku riday TelaAviv oo dhibaateeyay dadka ku gabanayay dhulka hoostiisa.
- Hab difaaca gantaalada ee Isra11l oo u muuqanaya kuwo meesha ka baxay.
- Isra11l oo beegsatay saldhig milatari oo weyn oo ku yaala duleedka Tehran.

OGSAN MEDIA

Xogo muhiim ah oo la xidhiidha dagaalka Iran iyo Isra11l. 👇
16/06/2025

Xogo muhiim ah oo la xidhiidha dagaalka Iran iyo Isra11l. 👇

14/06/2025

Safka halkaas ayaa laga bilaabay, caawana halkaas kale ayay joogtaa, sidey ukala dhiiranaayeen baa noo loo kala hormariyay.

1- Somalia = 1990s
2- Lebanon = 1990s
3- Afghanstan = 2001
4- Iraq = 2003
5- Syria = 2011
6- Libya = 2014
7- Sudan = 2023
8- Iran = 2025..???

Bal qiyaas labadaan xigta.
9-.....? = 2027
10......... = 2029

Sidee Israa'iil Ku Dishay 3-dii Nin Ee Ugu Awooda Badnaa Iran dhanka difaaca iyo milatariga?Ugu yaraan saddex ka mid ah ...
14/06/2025

Sidee Israa'iil Ku Dishay 3-dii Nin Ee Ugu Awooda Badnaa Iran dhanka difaaca iyo milatariga?

Ugu yaraan saddex ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa militariga Iran ayaa ku dhintay duqeymo is xigxigay oo ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil oo lala beegsaday xarumaha ugu sarreeya militariga iyo xarumaha horrumarinta Nukliyeerka Iran.

Hawlgalka loo yaqaan (Rising Lion) Libaaxa soo kacaya, ee ay dulisay Israa'iil waxay dishay Hossein Salami, oo ahaa madaxii Ilaalada Kacaanka Iran; Mohammad Bagheri, oo ah madaxa shaqaalaha ee ciidamadeeda qalabka sida iyo Ali Shamkhani, taliyihii h**e ee amniga qaranka.

1- Sareeye Gaas Xuseen Salami

Major General Hossein Salami, oo ahaa madaxa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) tan iyo 2019, wuxuu ahaa mid ka mid ah saraakiisha ugu saameynta badnaa Iran, isagoo madax u ahaa cududa militari ee ugu awoodda badan dalkaas, si toos ahna u hoos taga hogaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei.
Ka dib dilkii Salami, Ahmad Vahidi ayaa loo magacaabay inuu noqdo bedelka Salami.

"Iyada oo ay qalbiyada ka buuxsameen murugo iyo murugo, waxaan u barooranaynaa shuhadada xaqdarada lagu dilay ee uu ka midyahay taliyaha daacadda ahaa, Major-General Hossein Salami, oo ahaa taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah," IRGC", sidaas waxaa lagu yiri bayaan ay soo xigatay wakaaladda wararka Iran ee IRNA Jimcihii shalay ahaa.

2- Cali Shamkhani

Wuxuu ahaa Hogaamiye sare oo ka tirsan xafiiska Ayatollah Ali Khamenei, Ali Shamkhani ayaa sidoo kale la dilay intii uu socday howlgalkii loogu magacdaray Libaaxa soo kacaya ee Israel ay u fulisay hab gaadmo ah oo si laga yaabay loo soo qorsheeyay.

Samkhani Wuxuu sidoo kale ahaa Mid ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah ee Iran, Mr Shamkhani ayaa Tehraan u matalayay wadahadalo ay ka soo baxeen natiijooyin hordhac ah ama heshiis taariikhi ah oo lagu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Sacuudiga.

Waxa uu soo noqday sarkaalka ugu sareeya amniga qaranka 2013 ilaa 2023. Mr Shamkhani waxa uu kormeerayay wada xaajoodyada nukliyeerka ee Mareykanka isaga oo xubin ka ahaa koox uu magacaabay taliyaha ugu sarreeya si ay u maamulaan wada xaajoodkaas.

3- Major General Mohammad Bagheri

Major General Mohammad Bagheri, oo ahaa madaxa guud ee ciidamada Iran tan iyo 2016, ayaa sidoo kale la dilay Jimcihii.

Marka loo eego dukumeenti ka tirsan maaliyadda Mareykanka oo dhigaya cunaqabateyn ka dhan ah isaga kuna beegnaa sanadkii 2019, Mr Bagheri waxaa lagu soo rogay cunaqabateyn isaga iyo sargaal kale oo saaxiib dhow la ah Ayatollah Khamenei "kaas lagu eedeeyay wax loogu yeeray caburinta dadka Iran, dhoofinta argagixisada, iyo siyaasado kale oo lagu tilmaamay kuwo qalafsan.

Maj. Gen. Abdolrahim Mousavi ayaa bedelay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

Habeenimadii Jimcaha iyo subaxnimadii h**e ee Sabtida, waxay Iran wacad ku martay in ay u aargudi doonto dadkeedii lagu laayay weerar gudaheeda laga fuliyay.

Iran ayaa ilaa maajta gantaaladeeda ballistic-ga ah oo ay si raxan ah u soo fasaxayso waxay ku ruxday Tel Aviv iyo qaybo ka mid ah Qudus.

Guuxa dayuuradaha iyo diryanka madafiicda ayaa laga maqlayay labada magaalo, taas oo dadka ku qasabtay in ay gabaad ka raadsadaan guryaha xagga hoose dhulka ku diyaarsan, si ay uga fogaadaan gantaalada xooga leh ee sida roobka ugu socda magaalooyinkaas ay sheegato Israaiil.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca uu ku jiro shaqada, iyagoo ka hortagaya UAV-yada iyo gantaallada Iran, sidaana waxaa waramaysa waakaladda wararka Reuters.

Walow Israel ay aad u qarinayso qasaaraha gantaalada difaacooda birta ah ka gudbay ee ku dhacay gudaha meelo muhiim ah oo ku yaala Tel Aviv iyo magaalooyin kale oo xiga koonfurta dhulka ay maamusho Israel, hadana warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Iran ay beegsatay xafiisyo Muhiim ah sida xarumaha Israel ee bacriminta Nuclearka iyo gaashaandhiga.

Waxaa mugdi ah oo korontadii waayay meelo badan oo Israel ka mid ah. Shacanka Israel na waxay ku jiraan marxaladdii abid ugu cabsida badnayd ee soo wajahda tan aasaaskodii 1948.

OGSAN MEDIA

14/06/2025

Sidee Isra'iil ay ku dishay 3-dii sargaal ugu muhiimsanaa Iran?, Haddase xagee wax marayaan?.

13/06/2025

Cunaqabateyntii hubka ee ugu horaysay Soomaali lagu soo rogo waxay ahayd 1903-dii, sabab?.

12/06/2025

Saraakiishii ingiriiska ee ka soo adkaaday Daraawiishtii Suudaan iyo warbixinta ay ka sameeyeen Daraawiishtii Soomaaliyeed.

11/06/2025

Qabsashadii Daraawiish ee Beladweyne 1913-kii.
Xogo muhiim ah.

𝐉𝐢𝐠𝐣𝐢𝐠𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐤𝐚𝐲 𝐢𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐚, 𝐥𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲'𝐞.𝗗𝗶𝗯 𝘂 𝗺𝗶𝗹𝗶𝗰𝘀𝗶 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗗𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗶𝗶𝘀𝗵 𝗸𝘂 𝗴𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗝𝗶𝗴𝗷𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝗹 𝗾𝗼𝘆𝘀 𝗼𝗼 𝗸𝘂...
08/06/2025

𝐉𝐢𝐠𝐣𝐢𝐠𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐤𝐚𝐲 𝐢𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐚, 𝐥𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲'𝐞.

𝗗𝗶𝗯 𝘂 𝗺𝗶𝗹𝗶𝗰𝘀𝗶 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗗𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗶𝗶𝘀𝗵 𝗸𝘂 𝗴𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗝𝗶𝗴𝗷𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝗹 𝗾𝗼𝘆𝘀 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗮𝘆 𝟭𝟭 𝗾𝗼𝗳

“Wadaadku wuxuu ku nagaaday carri Ogaden mudo, taas oo uu dadaal badan ku bixiyay in uu Ogaden ka helo xoolo badan, hub badan iyo rasaas badan, wuxuu la wareegay dhamaan Ogaden ka; qabaa’ilada xagganaga soo jirana cabsi bay ku noolaayeen ay ka qabaan weeraro kadis ah. Cabsidani waxay dhaboowday markii bishii June 1000 Daraawiisha ay weerareen Ciida-gale laha Hawd daga ayna ka qaadeen 2000 oo geel ah. Markaas ka dib waxaa soo qaxay qabaa’iladii nala jiray.
Dadka raacay wadaadka waxaa lagu qiyaasay 1200 oo nin laakiin waxaa intaas dheer in Ogaden ku dhamaan ay raaceen wadaadka.
Ganacsigii ukala gooshayay British Somaliland iyo Ogaden ayaa gabi ahaanba la bililiqaystay, waxaana khal khal galay dhamaan Maxmiyada Ingiriiska ee Somaliland.
Bishii March waxaa la wariyay in wadaadku uu joogo Hara-digeed ama Mil-mil ee Ogaden dhulka reer Cali, isla bishii March hawlgal ciidan oo aad u hubaysan oo Abbassinian ah oo 1500 ah ayaa laga soo diray Harar si ay oola dagaalamaan wadaadka oo uu hogaaminayay Gerazmatcht Bante. Ciidankaas Abbssinian k ah waxay ku guuldaraysteen in ay helaan meesha uu wadaadku iyo ciidankiisa halka ay ku suganyihiin ka dibna waxay bililiqaysteen Xoolo ay leeyihiin reer Cali waxayna oola laabteen xoolihii ay dhaceen Jigjiga, halkaas oo ay xero ooga dhiseen xoolihii halkaas waxaa ku soo weeraray wadaadka ciidankiisa oo gaadhaya 6000 oo Ogaden ah.
“ Halka ciidamada Ogaden ku ay ku hubaysnaayeen warramo marka loo fiiriyo Abyssinians ka oo ku hubaysnaa qoryo waxay is haleeleen maalin cadeey waxayna Daraawiishtu qabsatay xoolihii Abyssinian ku ay ka dhaceen Ree Isaaq-ree Cali, inkasta oo ciidamada Ogaden ku soo gaadhay khasaare culus, Abyssinian ku uma bar bar dhigi karin awooda warmaha Ogaden ka.
Consular ku xigeenka Harar noo fadhiyay ayaa sidan ku waramay:
“ waxaa muuqata in Abyssinian ku ay Soomalida aad ooga cabsadaan, waligay ma arag cid u cabsata sida Abyssinian ku ay Soomalida ooga cabsanayaan, markay soo jabeen Abyssinian ku waxay hubkii u dhiibeen caruurtii si loogu maleeyo in meesha ciidan joogo. Kuwa buun buuniya dhacdadii Adowa ee Abysinnian ku Talyaaniga ku laayeen waxay ogaanayaan in Abyssinian ku aysan ahayn dad dagaalama.
Markii dagaalka Jigjiga uu dhacay ka dib wadaadku( Sayid Mohamed) wuxuu sii joogay dhulka Ogaden ka asaga oo awooda saaray in uu helo xoolo badan, hub badan iyo rasaas. Hada wuxuu saamayn ku yeeshay Ogaden ka oo dhan, qabiilada nala jirayna waxay ku noolaayeen cabsi joogta ah”.

Buuga “ Churchill and The Mad Mullah of Somaliland” Dagaalkii ay Daraawiish ku gashay Jigjiga muxuu ka yidhi:

“ Abbassinian ka oo raadinaya Sayid Mohamed ayaa geel badan dhacay, dadkii xoolaha lahaa ayaa u soo cabasha tagay Sayid Mohamed, ka dib 6000 oo isbahaysigii Sayid Mohamed ee Ogaden ka ahaa ayaa xoolihii soo furtay, waxayna dib u soo celiyeen xoolihii ay Abbassinian ka bililiqaysteen, inkasta oo ciidanka Sayid ka jab culus soo gaadhay, abaanduulihii Abbassinian ka wuu inkiray guul darada soo gaadhay Abbasinian ka, laakiin qunsulkii Ingiriiska u fadhiyay Harar ayaa soo wariyay:
“ Waxaa muuqata in Abyssinian ku ay Soomalida aad ooga cabsadaan, waligay ma arag cid u cabsata sida Abyssinian ku ay Soomalida ooga cabsanayaan, markay soo jabeen Abyssinian ku waxay hubkii u dhiibeen caruurtii si loogu maleeyo in meesha ciidan joogo. Kuwa buun buuniya dhacdadii Adowa ee Abysinnian ku Talyaaniga ku laayeen waxay ogaanayaan in Abyssinian ku aysan ahayn dad dagaalama”.

Dhanka Soomalida dhacdada Dagaalkan maxay ooga warameen?????

Xabaalaha 12 wiil oo hal qoys ah 9 walaalo ah iyo 3 ay dhaleen ayaa ka mid ahaa xusuus reebka dagaalkaas, oo lagu dilay dagaalkii ay Daraawiish ku gashay Jigjiga 1900.
Xabaaluhu waxay ku yaalaan duleedka Jigjiga.
Waxaa kale oo jirtay in isla dagaalkan ay ku shahiideen 5 wiil oo walaalo ah oo ilma Cilmi Xirsi Dalal ah xogtan waxaa laga soo xigtay Cali Maadhle Abdullahi Oomaar oo oday taariikho badan oo dagaalkan raggii ka qayb galay ragg ka mid ah la kulmay.

Xasan-bidde oo ay 9 wiil oo dagaalkaa ku shahiiday walaalo ahaayeen 3 na uu waalid u ahaa, ayaa mar ay ragg ree tolkiis ah is qabteen, oo uu dareemay in lagacan bidixeeyay ayuu tixdan hoose mariyay asaga oo soo qaadanaya ragga walaalihiis ee dagaalka Jigjiga ay Daraawiishi ku gashay ku shahiiday:

Jirrid nimaan lahayn Faaraxoow, waa jaguugnimo'e
Waa lagu jid bari baa la yidhi, waana shay jira'e
Jigjiga maalinkay igu dhacdaa, laygu joogsaday'e.

Dagaalka Jigjiga sidaas wuxuu ku noqonayaa dagaalkii gundhiga u noqday dagaaalo badan oo ay Daraawiish la gashay guumaystaha Ingiriiska, Talyaaniga iyo Abbassinian ka.

Buuga “ The Worrior Mullah” khasaaraha dagaalka Jigjiga wuxuu ku sheegayaa 1000 dhimasho ah dhanka Daraawiishta.

OGSAN MEDIA

05/02/2024

Dhagaysiga sheekadaan waxaad ka helaysaa macluumaad badan oo la xidhiidha sida ay Itoobiyaanka uga soo shaqeynayeen muddo dheer inay kala dilaan dadka walaal...

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when OGSAN MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to OGSAN MEDIA:

Share