Somali Light TV

Somali Light TV Kani waa Bogga Rasmiga ah ee Tefishinka Somali Light TV. Hadii adan horey noola socon Hada nagu soo biir. "kusoo dhowoow pogeena.. WhatsApp +252616046430

Warar, Warbixino, Codadka dadwaynaha, iyo dhacdooyinka Kadhaca Dunida oo dhan naga filo. " Marka hore kusali xabibkeena Mohamed SCW scw scw scw. waxaan diyaar kulanahay in aan kaga warano wararka geyiga somalida ay degto iyo kuwa caalamka intii kale,

waaana ididiladeena hanka sare aan higsanayno. "marwlabo kusoo dhowow pogeena rasmiga ah..

19/07/2025

iyadoo laga amba qaadayo ujeedooyinkaa, waana sabata ll sameyey organkaan''Waziirka Gashandhiga.

19/07/2025

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Muqdisho ka daahfuray Shirka 34-aad ee Hay'adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF).

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo ka furmay Mogadishu.Wasiirka Wasaa...
19/07/2025

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo ka furmay Mogadishu.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo furey shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas aasay ururka, isagoo u mahadceliyay dalalka Soomaaliya ka taageera adkeynta amniga gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada.

ilo xog ogaal ah in markab xamuul ah oo aan weli la xaqiijin calanka uu wato ama dalka laga leeyahay uu ku xumaaday meel...
19/07/2025

ilo xog ogaal ah in markab xamuul ah oo aan weli la xaqiijin calanka uu wato ama dalka laga leeyahay uu ku xumaaday meel u dhow magaalada xeebeedka Bareeda ee gobolka Raas-Casayr.

Wararka ayaa sheegaya in markabkaas ay markii h**e fuuleen dad shacab ah oo saxiinadaha kalluumeysiga ku shaqeysta, balse ay si degdeg ah u gaareen Ciidamada Booliiska magaalada Bareeda, kuwaas oo durbadiiba u yeeray Ciidanka Badda Puntland (PMPF) si ay u sugaan ammaanka iyo baaritaan ku sameeyaan xaaladda.

Sida la soo sheegay, markabka waxaa lagu arkay gadiid u muuqda kuwo dagaal ah iyo walxo kale oo aan si rasmi ah loo cayimin, waxaana weli Dowladda Puntland aysan ka soo saarin war rasmi ah arrintan.

Xilligan oo ay ka jirto dabeysha xagaaga ee loo yaqaan, waxaa dhacda in maraakiib badan oo maraya Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ay wajahaan dhibaatooyin safar, taas oo sabab u noqon karta in markabkan ay waxyeelo u gaysteen kacsanaanta Badda.

Xogta juquraafiyeed ee Bareeda:

Bareeda (ama Bereeda) waa magaalo xeebeed ku taalla gobolka Bari ee waqooyiga-bari Soomaaliya, gaar ahaan degmada Alula ee maamulka Puntland. Waxay ku taallaa Xeebta Gacanka Cadmeed, meel u dhow Cape Guardafui, waana barta ugu fog ee Geeska Afrika.

DASTUURKA DOWLADDA PUNTLANDSidda uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobka 7aad ee Dhulka iyo Sohdimaha Dowladda Punt...
18/07/2025

DASTUURKA DOWLADDA PUNTLAND

Sidda uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobka 7aad ee Dhulka iyo Sohdimaha Dowladda Puntland

1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Mudug, Heylaan,Sanaag iyo Raas Casayr.

2. Midnimada dhulka Puntland waa lama taabtaan, laguma xadgudbi karo, lamana kala qaybin karo.

3. Puntland waxay soo dhaweyneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.

4. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas'uul ka ah Dawladda.

| Somali light TV

Axmed Al-Shaarica oo gaaray Azerbaijan lana kulmay Ilham Caliyev, saaxibka koowaad ee Israa'iil Al-Shaarica oo u hawlgal...
18/07/2025

Axmed Al-Shaarica oo gaaray Azerbaijan lana kulmay Ilham Caliyev, saaxibka koowaad ee Israa'iil

Al-Shaarica oo u hawlgalay meelmarinta qorshaha Suuriya illaa Koosaska ee iskuxirka Azerbaijan iyo Turkiga iyo dagaalka soofooleh ee Iran iyo Israa'iil iyo doorka Azerbaijan iyo Suuriya.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawa Yusuf Rage  iyo wafdi  oo Hogaaminayo ayaa safar shaqo ku Jooga...
17/07/2025

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawa Yusuf Rage iyo wafdi oo Hogaaminayo ayaa safar shaqo ku Jooga Dalka Talyaaniga.

Wafdiga Ciidanka XDS ayaa Booqday Taliska ciidan ee Dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dalka Talyaaniga general Luciano Portolano

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Talyaaniga iyo Taliskiisa halkaas oo looga wada Hadlay Danaha ay ka wada shaqayn karaan Labada Ciidan

Dabeyshii Dowlada oo gaartay Gobalka Awdal, Hada gurmad ayey ku bilaabatay ee maxaa ku hoos jira? Aragtidada nala wadaag...
17/07/2025

Dabeyshii Dowlada oo gaartay Gobalka Awdal, Hada gurmad ayey ku bilaabatay ee maxaa ku hoos jira? Aragtidada nala wadaag.

War-Saxafadeed
17/07/2025

War-Saxafadeed

Murashax madaxweyne AMB  jamaal Maxamed Xasan ayaa hada kasoo duulay gegida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isaga oo k...
17/07/2025

Murashax madaxweyne AMB jamaal Maxamed Xasan ayaa hada kasoo duulay gegida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isaga oo kusoo wajahan Laascaanood

Laascaanood: Dhameystirka Maamulka SSC oo laga gaadhay is faham hordhac ah. Nidaamka Maamulka ayaa sal looga dhigey degm...
16/07/2025

Laascaanood: Dhameystirka Maamulka SSC oo laga gaadhay is faham hordhac ah.
Nidaamka Maamulka ayaa sal looga dhigey degmooyin laguna qaybsaday ergooyinka Dhameystirka maamulka Cusub.

Degmooyinka Maamulka ee wax lagu qaybsanaya ayaa laga dhigay Badhan, Dhahar, Laasqoray, Xuddun, Taleex, laascaanood & Buuhoodle.

Saami qaybsiga Maakhir iyo khaatumo ayaana sidaan udhigan.

Maakhir 135 = 43.4%

Khaatumo 138 = 44.2%

Beelaha kale 38 = 12.4%

| Diwanka wararka Somali light TV

16/07/2025

CABASHO - Gobolka Banadir oo barakicin wayn ku sameyey dadka ku ganacsada suuqa baaro

Adresse

Mainz

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somali Light TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Somali Light TV senden:

Teilen