Abdifatah Sidow

Abdifatah Sidow Warar, Warbixino, ku xiiso galiya�

Maqal inta aan laguu sheegin.

02/06/2026

Meeqa qof ayad aragtaa!

DEG DEG: Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay saqdii dhexe u guuray aqal kuyaala Isgoyska M...
02/06/2026

DEG DEG: Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay saqdii dhexe u guuray aqal kuyaala Isgoyska Mirinaayo ee Degmadda Cabdicasiis, halkaas oo la sheegay in uu ka abaabulidoono Banaanbaxa 4-ta bishan Juun.

MW Shariif Sheekh Axmed oo xalay si adag weerar afka ah ugu qaaday Madaxweynaha ay mudadii 4-ta sano ee lagu dhaariyey ay ka dhamaatay ayaa sheegay in banaanbaxa uusan baaqan doonin, isagoo shacabka ugu baaqay in ay iskugu soo baxaan meelaha ay u cayimi doonaan Mucaaradku.

01/06/2026

Madaxweyne sheikh shariif:- aniga iyo xasan sheikh iskumid manihin maxaayelay xasan sheikh dalka danbi ayuu ka galay hantida qaranka ayuu boobay balse aniga intaas masameynin.

Mareykanka ayaa si gaar ah u soo saaray farriin u muuqata inay ku socoto Mucaaradka oo abaabulaya bannaabaxyo rabashado ...
01/06/2026

Mareykanka ayaa si gaar ah u soo saaray farriin u muuqata inay ku socoto Mucaaradka oo abaabulaya bannaabaxyo rabashado huwan.

Baaqa Mareykanka ayaa lagu yiri: Mareykanku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay is-xakameeyaan kana fogaadaan tallaabooyin hurin kara rabshado ama xasillooni darro. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay qaadaan tallaabooyin wada-hadal iyo iskaashi lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida guud ahaan Soomaaliya.

  Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xiisadda Siyaasadeed Ee Soomaaliya1 Juun 2026 – Beesha caalamka ayaa soo saartay...
01/06/2026

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xiisadda Siyaasadeed Ee Soomaaliya

1 Juun 2026 – Beesha caalamka ayaa soo saartay bayaan wadajir ah oo ay ku muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya, xilli ay jiraan khilaafaad la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka iyo wadatashiyada siyaasadeed.

Bayaanka ayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka, isla markaana ay gaaraan heshiis mideysan oo ku saabsan khariidadda doorashooyinka, si loo ilaaliyo xasilloonida Soomaaliya

Sidoo kale, beesha caalamka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerto ama fududeyso wadahadallada ay Soomaalidu hoggaaminayso,

Beesha Caalamaka ayaa si gaar ah ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta koowaad siiyaan danaha qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii hurinta xiisadaha siyaasadeed ama khalkhal gelinta amniga.

Bayaan-kan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka iyo baahida loo qabo is-afgarad lagu gaadho hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

31/05/2026

Fahad Yaasiin iyo waxa Baydhabo ka taagan ee uu horay buu ussheegay.!

31/05/2026

WAR DEGDEG AH: Kulankii Baarlamaanka KGS ee berri ayaa la baajiyay, halka doorashada guddoonkana dib loo dhigay.

30/05/2026

Sida wararku shegayan Ciidankii daraawiishta kgs wey laabteen jawiga magaalada hada wuu daganyahay.

30/05/2026

Warar ayaa Sheegaya in ciidankii darawiishta dib uga laabteen meelaha qaar sida center ka magaalada👀👀👀👀👀

30/05/2026

Xabada ayaa wali socota agagaarka madaxtooyada kgs ayaa lagu dalamaya.

KaLasoco wixii soo kordha halkan.

Address

Kilimani
Mogadisho
NAIROBI

Telephone

+252618119215

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifatah Sidow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share