Nur Mohamed Gabow

Nur Mohamed Gabow Social media agency

Permanently closed.
Ducada nagu taageer Muwaadin, dedaalka guusha anagaa wadnee.
27/03/2025

Ducada nagu taageer Muwaadin, dedaalka guusha anagaa wadnee.

22/02/2025

Abwaan Garaad "Ciidankeyga darajeysanow, dirirta Khawaarijta Xoojiya"

DEG DEG-MIIR-TAQWA:Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee Khawaarij la dirirka ah ayaa si buuxda gaca...
21/02/2025

DEG DEG-MIIR-TAQWA:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee Khawaarij la dirirka ah ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka Miir-taqwa ee gobolka shabeellaha dhexe oo saacado kahor ay Khawaarijta sheegeen inay gacanta ku dhigeen.

Howlgalkan gacanta looga dhigay Miir-taqwa waxaa hoggaaminayay G/sare Nuur Maxamed Gaabow "Nur Farey" Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha guutada 27-aad ee Abuu dujaana G/le Saalim Cumar Axmed.

Dadka deegaanka oo ay ka muuqatay jaceylka dowladnimada ayaa fagaarayaasha Miir-taqwa ku soo dhaweeyay Libaaxyada Qarankeenna ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

14/01/2025

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta kormeer shaqo ku yimid Taliska Guutada 14-ka October.

12/01/2025

Birmadaha Bad baadiyay Qarankeena
Bilaaya Bilicda Bulshadeena
Bac weyne u diiday dalkeena
Balaayada u diida dalkeena
Bar baarta U jiheeyay Xureynta dalkeena
Bad Baadiyay Dhulkeena
Bad baadiyay Badeena
Barwaaqo U horseedaya Dalkeena
Balwada u diiyay Da yarteena
Barafasooro U dhiibay Dalkeena
Bar baarinta Agoonta CQS u dhiibay Hooyo Fahmeysa

Birmade Dalka iyo Dadka ayaa Mahadiyee ka daayaAfkiina uraaya Ka daaya 😂💪

10/01/2025

G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, Kaaliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhiirra-gelinta Ardayda wax ku baraneysa neecawda Dowladnimo ee kajirta degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

07/01/2025

"Sidaan kuma fiirsan karno Magaalada Beledweyne oo tusaale u ah la dagaalanka Khawaarijta" Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

07/01/2025

Dhiigga Cusub ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye oo gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoo...
07/01/2025

Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye oo gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kormeer guud ugu kuur-galay Xaaladda degmadaas iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Shacabka deegaanka iyo Ciidanka Xoogga.

Kormeerka G/ dhexe Munye waxaa qeyb ka ahaa booqasho iyo dhiirra-gelin uu ugu tagay Ardeyda wax ka barata Iskuulada Awdheegle oo tan iyo markii ay Ciidanka Xoogga degmadaas ka saareen Khawaarijta sameyneysa horumaro dhinacyada Arimaha bulshada ah oo waxbarashada ugu horreyso, Taliyaha ayaa Ardeydii uu la kulmay kula dardaarmay inay muhiimad siiyaan, kuna dedaalaan waxbarashada.

Booqashadan waxaa Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/dhexe Cabdiraxiin Munye ku wehliyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku kala sugan deegaanka Bariirre iyo degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

06/01/2025

HEESTA: ASKARIGU QABIIL MAAHA.

KOOXDA HIDDO.

Howlgalka Sifeynta Khawaarijta ee howdka deegaanka Janaale oo ay iska kaashanayaan Geesiyaasha Guutada 14-ka October iyo...
03/01/2025

Howlgalka Sifeynta Khawaarijta ee howdka deegaanka Janaale oo ay iska kaashanayaan Geesiyaasha Guutada 14-ka October iyo Saaxiibada ATMIS ayaa galay Maalintii labaad, iyagoo xaqiijinaya Amniga guud ahaan goobihii ay ka saareen Firxadka Maleeshiyaadkii ay Khawaarijta ku diyaarinaysay tuulooyinka ku dhow Janaale.

Libaaxyada Qarankeenna ee Guutada 14-ka October oo shalay Cagta mariyay Khawaarij isku Abaabuleysay dhul howd ah oo udhaxeeya Tuulooyinka "Majabto, Mushaani iyo Kibili" oo Janaale hoostaga ayaa maanta gaaray goobo kale oo horleh, si aysan gabbaad uga dhigan Khawaarijta ay sii baacsanayaan.

03/01/2025

Natiijadiinnu waa Gobanimo lagu nastoo ha noogina.

Geyshka October oo firxadka Khawaarijta ku ugaarsanaya howdka Janaale.

Address

Mogadisho

Telephone

+252615682409

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nur Mohamed Gabow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share