Alkowneyn#

Alkowneyn# HALA MOBILES
HALA WAA HALKAAGII FIIRSO

(Waxaan noqday qof aan la Rabin cid I danaynaysa ma jirto)Qoraalkaan dheer waxaa qortay aqoonyahadii reer Britain  🇬🇧 Pe...
26/05/2024

(Waxaan noqday qof aan la Rabin cid I danaynaysa ma jirto)

Qoraalkaan dheer waxaa qortay aqoonyahadii reer Britain 🇬🇧 Petronella ee u ololeen jirtay dhaqdhaaqa dumarka (feminist movement) ee ah gabdhaha inaysan guursan oo ay noqdaan kuwa xor ah oo ragga necbaadaan waa sidey sheegtaye.

Waa ayadii oo markaan jirta da'da konton jirka :
(Hadda Waxaan ahay qof kaligeed nool wax caruur ah ma haysto waxaa xaqiiq ah inaan ku hoogay u dhaqdhaaqidii xoriyad ku shegga dumarka aniga iyo jiilka ila mid ka ah).

Waxay intaas raacisay (Isniin walba waxaan maqaayad ku taal London kula kulmaa koox dumar ah oo saaxiibadey ah waxaan ka sheegaysanaa nolasheena dhamaanteen waxaan nahay konton jirro kaligood nool oon wax ubad ah aanan haysan halka aan joogno meel aan ka fogayn dumar ayaa joogo oo caruur haysta oo faraxsan).

Waxa raacisay maqaalkeeda dheer:

(Waxaan mar walba dareemaa dareen gaar ah kaa oo marba marka ka dambaysa siyaadaya oo ii tilmaamaya In galbeedku uusan wax Dan ah ka lahayn jiilka dumarka oo ay ku dilayaan falsafad xun oo ah ragga hadaad guursataan waa idiin gumaysanayaan iyo wax la mid ah).
( Ma rumaysanaysaan haddaan idiin iraahdo 10kii dumar ee Britain ku nool mid ka mid ah waligeed maysan guursan )

Waxay igu tiri saaxiibaday Sali oo 55 jir ah (waxaan noqday qof aan la Rabin cid I danaynaysa ma jirto)
Petronella oo maqaalkeeda dheer ee ay kusoo bandhigtay wargayska caanka ah ee Dailly mail Britain waxay kusoo gabagabaysay wax aad mood quus iyo niyad jab weyn:

(Waxaan cod dheer ku leeyahay waa in wax laga badalaa habfikirkaan dilaaga ah)
(Hadda xiligaan la joogo waxaad moodaa in waqtigii iga tagay aniga iyo gabdhaha saaxiibaday ah laakiin waxaa haboonayn inaan aqbalno inaan ogalaano in la burburiyo nolasha jiilasha soo socda).
wargayska Dailly mail.

TJ: Cabdifataax Alkowneyn

27 April 1909-kii ayaa suldaan Cabdilxamiid-kii 2aad ka dagay xukunkii boqortooyada  khilaafada muslimiinta ee Cusmaaniy...
27/04/2024

27 April 1909-kii ayaa suldaan Cabdilxamiid-kii 2aad ka dagay xukunkii boqortooyada khilaafada muslimiinta ee Cusmaaniyiinta isagoo ku wareejiyay Walaalkii Suldaan Maxamed Rashaad.

Waxaana loo raray si khasab ah isaga iyo qoyskiisa magaalada Thessaloniki(ka mid ah Greece) oo ahayd meesha ay dagaan yahuuda oo dhan , waxaana la dajiyay guri uu leeyahay nin yahuudi ah , suldaanka ayaa dhan kasta cariiri laga galshay waxaana la dul dhigay ilaalo adag heer loo diiday inuu quraanka musxafka ka aqristo, iyadoo nolashiisa halkaa ku dhamaystay waqti adag oo fajac badan .

Allah u naxariisto Suldaan Cabdilxamiid waxa uu ka mid ahaa raggii qadiyadda lahaa ee iska diiday in uu aduun lacageed dhaafsado qudus iyo masjid Al-aqsa .
Howlihii ugu waaweynaa ee Uu suldaanka ka tagay waxaa ka mid ahayd hormarinta waxbarshada iyo dhaqaalaha muslimiinta, wuxuu xoogga saaray in muslimiinta uu midnimadooda xoojiyo isagoo dhisay wado tareen ah oo isku xiraysa Dimishiq illaa dhulka barakaysan ee makka iyo madiina, tareenkaas ayaa dhexmari jiray magaalooyin oo badan oo dunida ah.
Dowladii ingriiska ayaa markii dambe burburisay tareenkaas oo ay aragtay mid halis ku ah danaheeda maadaama uu mari jiray dalal dhowr ah.

Gaaladu awood dhaqaale iyo mid ciidanba waa ku weerareen khilaafadii Cusmaaniyiinta oo ahayd difaaca ugu weyn ee muslimiinta aduunka oo dhan , iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay meesha ka baxdo awoodaas, lkn si fudud oo aysan dhiigna uga daadan gaaladii dhowrka boqol oo sano raadinaysay in meesha ka saaraan khilaafadaas waxaa wax walba u suuragaliyay khiyaano.

Cajiib khiyaanadu waa sunta ugu daran ee uu aadanuhu adeegsado bal fiiri khiyaanada waxay dhibaato gaysatay.

1914 Xubin ka mid ah Baarlamaanka ingriiska ayaa xiligaa tilmaamay in aanba loo baahnayn in ciidan la isticmaalo iyadoo la awoodo in qaabkaas(khiyaanada) wax lagu burburin karo.

Address

Mogadisho

Telephone

252619611259

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Alkowneyn# posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Alkowneyn#:

Share

Category