
11/07/2025
MALAGU KALSOONAAN KARAA BIYAHA LASIFEEYEY EE CAAGADAHA LAGU IIBIYO.
Waxaan qormadeena maanta ku qaadaa dhigaynaa biyaha la warshadeeyey ama la sifeeyey, sida loo sifeeyo, waxa lagu daro iyo inbadan oo aadan ogeyn.
Biyaha waxay door muhim ah ay ku leeyihiiin nolosha wax walba sida Ilaah SW inoogu sheegey Qur,aanka in Ilaahay uu samada kasoo dejiyo biyo labarakeeyey, biyo dhaahir ah iwm.
Biyaha la warshadeeyey (processed ama purified water) waa biyo laga saaray wasakhda, macdanta xad-dhaafka ah, jeermiska, iyo walxaha kale si loogu isticmaalo bini'aadamka, warshadaha, ama caafimaadka. Waxaa lagu nadiifiyaa habab kala duwan iyadoo ku xiran ujeedada loo isticmaali doono.
➤ Noocyada ugu waaweyn ee biyaha la warshadeeyo:
1. Biyo la sifeeyey (Purified Water)
Waxaa laga saaray wax walba sida macdanta, birta, fluoride, iyo jeermiska.
Waxaa lagu sifeeyaa reverse osmosis, distillation, ion exchange, ama carbon filtration.
Badanaa waxaa laga helaa dhalooyinka biyaha la cabo.
2. Biyo la nadiifiyey (Distilled Water)
Waxaa lagu kululeeyaa ilaa uu uumiyo, kaddibna si tartiib ah loo qaboojiyo si loogu beddelo biyo saafi ah.
Waxay ka maran yihiin macdan oo dhan. Waxaa loo isticmaalaa daawada, qalabka shaybaarka, iyo batariga baabuurta.
3. Biyo macdan leh (Mineral Water)
Waxaa laga keenay il dabiici ah, waxaana ku jira macdan dabiici ah sida kalsiyum, magnesium, potassium iwm.
Lama warshadeeyo si buuxda, laakiin waa la nadiifiyaa.
4. Biyo la daweeyey (Treated Water)
Waxaa lagu daray kiimikooyin sida chlorine ama ozone si looga dilo jeermiska.
Waxaa lagu isticmaalaa magaalada ama guriyaha.
Faa’iidooyinka Biyaha la nadiifiyey:
Waa amni in la cabo marka si sax ah loo nadiifiyo.
Waxay kaa badbaadisaa cudurrada sida shuban, duumo, iyo jeermis kale.
Dhibaatooyinka ay leeyihiin:
Ka maqan macdano dabiici ah, gaar ahaan kuwa aad jirku ugu baahan yahay (sida calcium ama magnesium), haddii si xad dhaaf ah loo cabbo.
Haddii la sifeeyo oo lagu daro fluoride ama chlorine badan, waxay keeni karaan xanuunada ilkaha ama maqaarka.Caruurta, waayeelka hadii uu liito caafimaadkooda hasiinin biyaha macdanta lahayn.
Biyaha dhalooyinka qaar (plastic bottled water) waxay yeelan karaan kiimiko sun ah haddii la dhigo meelaha qorraxda.
Caqabadaha iyo Khatarta Biyaha Warshadaysan ee Soomaaliya:
Kormeer la’aan ama nidaam xakameyn la’aan:
Ma jirto hay’ad si joogto ah u kormeerta tayada biyaha warshadaysan (xaqiijin caafimaad).
Qaar ka mid ah warshadaha biyaha waxay isticmaalaan qalab jaban ama nidaam aan nadiif ahayn.
Biyo lagu kaydiyo dhalooyin caag ah oo tayadoodu liidato:
Dhalooyinka qaar (especially PVC) marka qorraxda la dhigo waxay sii daayaan BPA ama DEHA, oo ah kiimikooyin keeni kara:
Dhibaatooyinka hormoonnada,Kansar
Dhibaatooyinka taranka, iyo cudduro kale oo halis ah.
Runtii kiimikooyinka ay isticmaalaan warshada iyo kuwa marka ay caagadaha qoraxda qabato ay soo daayaan hadii ay isbiirsadaan waa halis, caafimaad, waa in aad doorataa biyaha aad cabi lahayd.
MAXAA XAL AH.
TALO. Waa in la sameeyaa sharciga kormeerka tayada biyaha, iyo hay’ad madaxbannaan oo baaritaan samaysa (tusaale: Water Authority).
Waa in la dhiirrigeliyaa waraabka laga helo ceelasha nadiifka ah si bulshada danyarta u helaan biyo la isku halayn karo.
Follow:Sabddow Show
Mahadsanid iin.