Zii Zii ســـــــــــي ســـــــــــي

Zii Zii  ســـــــــــي  ســـــــــــي a Young Somali, with big ambitions! fallow me on her. waxaad naga heli kartaa warbixino,shekooyin iyo
warar xiiso leh
iyo dhamaan dhacdooyinka dunida .

12/07/2025

Qof aan la socon miyaa jira 😃
Xogmaal flims.

10/07/2025

Rugta malabka dalka daaru casal
La xariir 615000492

DEGDEG:- Mahad Maxamed Salaad ayaa hadda mar kale loo magacaabay Agaasimaha Hay'adda NISA, waa markii labaad oo uu qabto...
01/06/2025

DEGDEG:- Mahad Maxamed Salaad ayaa hadda mar kale loo magacaabay Agaasimaha Hay'adda NISA, waa markii labaad oo uu qabto xilkan.

Mahad Salaad Magacaabistiisa waxay u muuqata in Madaxweyne Xasan uga maarmi waayey Hay'addan iyo ka qeyb qaadashadeedii dagaaladda dalka oo dib u dhac ku yimid.

Dad badan ayaa aaminsan in Hay'adda NISA hadda qaaday waddii saxda aheyd haddiiba Mahad Salaad dib loogu magacaabay.

Adigana aragtidaada, maxay tahay?

Cali Aadan Muumin

DEGDEG: MW Xasan Sheekh oo eryay Gudoomiye Amiir kuna badalay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.Madaxweynaha ayaa ku saleeye...
28/05/2025

DEGDEG: MW Xasan Sheekh oo eryay Gudoomiye Amiir kuna badalay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.Waxaa la sheegay in xanu...
28/05/2025

General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Waxaa la sheegay in xanuun kusoo booday uu ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Daahfurka isdiwaangelinta doorasho qof iyo cod degmada  Heliwaa waa laga daahfuray.
03/05/2025

Daahfurka isdiwaangelinta doorasho qof iyo cod degmada Heliwaa waa laga daahfuray.

DEG DEG AH: Dowlada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in barito oo Axad ah 30, march 2025 Bisha Shawaal 1446 in ay tahay maal...
29/03/2025

DEG DEG AH: Dowlada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in barito oo Axad ah
30, march 2025 Bisha Shawaal 1446 in ay tahay maalinta 1aad ee Eidul Fitri.

War qoraal an oo ay dowlada dalka Sacuudiga baahisay ayaa lagu yiri bisha waxaa laga arkey meelo kamid ah sacuydiga sidaas daraadeed maalinta berri waa billowga bisha Shawaal 1446.

Diyaaradda AKINCI oo dhawaan laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, kadib markii ay Soomaaliya ka heshay Turkiga ayaa la s...
26/03/2025

Diyaaradda AKINCI oo dhawaan laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, kadib markii ay Soomaaliya ka heshay Turkiga ayaa la sheegay in Arbacada maanta ay howlgeli doonto, taas oo ka dhigan in duqeymaha AS ay bilaabeyso.

Diyaaradaan oo labo xabo ah ayaa ah nooc casri ah, Injineerrada gacanta ku haya ayaa qabsaday in muddo toddobaad ah ay ku rakibayaan qalabkeeda markii la keenay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka Soomaaliya.

Maanta oo Arbaco ah ayey AKINCI bilaabeysaa duullimaadyadeeda Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay AS joogaan, si ay u beegsato cadowga oo duqeymo u fuliso.

Sida ay noo sheegeen saraakiisha noo warantay, waxaa la qorsheeyey in labada diyaaradood ee AKINCI deg-deg loogu diro gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo AS ay soo buux-dhaafiyeen.

Diyaaradaan oo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u hadal hayaan ayaa durba loo bixiyey magacyo yaab leh, sida "Queen Manoogto, Ciiltira, Afur-qaado" iyo magacyo kale oo qosol leh.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DIB UGU LAABTAY DEEGAANADA UU KA SOCDO ABAABULKA HOWLGALLADA KA DHANKA AH ARGAGIXISADACadale,...
25/03/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DIB UGU LAABTAY DEEGAANADA UU KA SOCDO ABAABULKA HOWLGALLADA KA DHANKA AH ARGAGIXISADA

Cadale, Maarso 25, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka Khawaarijta, kaddib markii uu caasimadda Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka, isaga oo ku booriyay sida ay uga go'an tahay in dhibaatada Argagixisada ay uga dulqaadi lahaayeen dadkeenna ay dhibaataynayaan argagixisadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah Argagixisada.

23/03/2025

Ciidanka kumaandooska qaranka soomaaliya oo diyaargarow xoogan ku jira.🇸🇴

Degmada Jilib iyo ee Nawaaxigeeda waxaa ka socda duqeymo dhanka cirka ah.Waxaana la duqeeyey 5 xarumood oo Gudaha Degmad...
21/03/2025

Degmada Jilib iyo ee Nawaaxigeeda waxaa ka socda duqeymo dhanka cirka ah.

Waxaana la duqeeyey 5 xarumood oo Gudaha Degmada Jilib iyo daafaha Magaaladda oo fadhiisin ay ku lahaayeen kooxda AS. waxaana la soo warinayaa inay hawada ka baxday isgaarsiinta Magaalada Jilib.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku hoyanaya degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas...
21/03/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku hoyanaya degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas kulamo gaar-gaar ah kula qaatay masuuliyiinta odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolkaas.

Madaxweynaha iyo odeyaasha uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay garab istaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin kooxaha argagixisada ah.

Degmada Aadan-Yabaal oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda waxaa maanta gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya dagaalka Al-Shabaab ee la qorsheynayo in la Dardar geliyo toddobaadkaan bilaabanaya.
Zii Zii ســـــــــــي ســـــــــــي

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Zii Zii ســـــــــــي ســـــــــــي posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share