Samakulan TV

Samakulan TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Samakulan TV, Media/News Company, Mogadisho.

SAMAKULAN TV is an independent digital media platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news and information to Somali communities at home and abroad.

29/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Maryan Cali Abuukar, ayaa Golaha Aqalka Sare horkeentay xubinta loo soo magacaabay buuxinta jagada ka bannaan Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyadoo Golaha ka codsatay in ay xubinta cusub siiyaan codka kalsoonida, si uu u guto waajibaadka iyo masuuliyadaha shaqo ee loo igmaday.

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise Sharciye...
29/08/2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise Sharciyeedyada kala ah:- Hindise Sharciyeedka sharciga arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor akhriday laba Hindise Sharciyeed oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, si Golaha Shacabku uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan ka doodista iyo ansixinta sharciyada.

Wasiiradda ayaa tilmaantay in labada Hindise Sharciyeed ay ka jawaabayaan baahiyo muhiim ah oo maanta ka jira bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta qoyska, daryeelka carruurta iyo dhowrista xuquuqdooda. Waxay xustay in Sharciga Arrimaha Qoyska uu door weyn ka qaadan karo xal u helidda caqabado iyo khilaafaadyo badan oo saameeya qoysaska Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo carruurta nugul ee ku dayacma ama dhibaatooyin kala duwan kala kulma gudaha qoysaskooda.

Sidoo kale, Wasiiradda ayaa adkaysay muhiimadda Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kaas oo saldhig u noqonaya xoojinta ilaalinta, daryeelka iyo dhowrista xuquuqda carruurta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in ansixinta labada sharci ay muhiim u tahay dhismaha qoys Soomaaliyeed oo sal adag leh, carruurtuna ay ku helaan nolol ammaan ah, daryeel iyo fursado ay si wanaagsan ugu koraan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ugu baaqday inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay si mudnaan leh uga shaqeeyaan ansixinta Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta qoyska Soomaaliyeed, ilaalinta carruurta iyo horumarinta xuquuqul insaanka dalka.

29/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Mudane Xuseen Cali Xaaji, ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-jeediyay Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhisidda Hay'adda adeegga saadaasha hawada.

28/08/2026

Askari ka tirsan xoogga dalka oo difaac kaga jiray qeybo kamid ah Shabeelaha Dhexe ayaa waxa laga barakiciyey qoyskiisa weliba shaqsiyaad u sheegay inay ku dhacayaan shaati qaran sida uu sheegay Askarigaan.

Daawo!
Xuquuqda Video waxaa leh Abdirahim Daacad

27/08/2026

Mungaab waayo kooxda mugudbayaasha ah ee uu sheegay ?

27/08/2026

Urur siyaasadeedyo ka qeybgalay doorashada Galmudug oo shiray ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyey go'aanka Maxakamada Sare dalka ay ku laashay natiijada doorashadii Galmudug.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Dhexe ee ...
27/08/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Mudane Jan Egeland.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khatarta Super El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka.

Jan Egeland ayaa kormeeray xafiisyada iyo howlaha Xarunta SoDMA, isagoo u kuur-galay hawlaha Hay’adda ee digniinta h**e, gurmadka deg-degga ah iyo adkeysiga bulshada.

27/08/2026

Muxuu Musharaxa Hogggaamiyaha JSP ee Dowlad Goboleedka Galmudug ka yiri go'aankiii ay Maxakamada Sare ee dalka ku laashay doorashadii Galmudug?

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...
26/08/2026

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad uu ka helay Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa daarran xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa inta uu ku sugan-yahay dalka Qatar waxa uu kullamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa dowladda Qatar, iyada oo booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee ay la leedahay dunida.

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta, arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalk...
26/08/2026

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta, arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee kalfadhiga 8-aad.

Kulanka oo ay shir guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta howlaha shaqo ee guddiga iyo qorshaynta howlaha mudnaata u leh kalfadhigan iyo sida diyaarinta dood cilmiyeed ku saabsan doorka Hay'adda diiwaan-galinta dadwaynaha iyo doorashooyinka, iyadoo la xoojinayo fahamka, iskaashiga iyo isku-xirka hay’adaha ay khuseyso.

Address

Mogadisho
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

252617744448

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Samakulan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Samakulan TV:

Shortcuts

Share