Samakulan TV

Samakulan TV Samakulan TV is a dynamic and innovative television channel dedicated to delivering our viewers high-quality, engaging, and diverse content.

Established to educate, entertain, and inspire, it explores new perspectives and showcases stories that matter.

Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee 27-ka Juu...
27/06/2025

Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun oo ku beegan 47-sano ka hor markii ay ka xoroobeen gumeystihii Faransiiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Ummadda Soomaaliyeed ayaa toddobaadkaan u dabaal degaysa xornimadooda, 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa ku asteysan maalmo taariikhi ah oo Jamhuuriyadaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka xoroobeen gumeystihii reer Yurub.

26/06/2025

Sheekh Maxamed Shaakir iyo Hambalyada Munaasabada 26 June.

26/06/2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo wado wacyigelinta qof iyo cod ee ka dhacda dalkeenna.

26/06/2025

Amaro lagu xoojinayo amniga Caasimada iyo Taliye Macalin Mahdi.

Hambalyo Maalinta Xorriyadda 26-ka June! 🇸🇴✨Bismillaahi Raxmaani Raxiim,Waa maalin weyn oo Ilaahay mar kale innagu simay...
26/06/2025

Hambalyo Maalinta Xorriyadda 26-ka June! 🇸🇴✨

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Waa maalin weyn oo Ilaahay mar kale innagu simay, hambalyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee jecel midnimada, nabadda, iyo horumarka, munaasabadda qiimaha badan ee 26-ka June — Maalinta Xorriyadda.

Maalintani waa maalin taariikhi ah, oo ku suntan halgan dheer, geesinimo, iyo rejo. Waa maalintii ummadda Soomaaliyeed qaybteed xorowday, iyada oo ay dadkaasi muujiyeen dhiiranaan iyo go’aan adag oo ah in aysan rabin gumeysi iyo dulmi dambe, kadib dedaal dheer oo ku dhisnaa aqoon lagu gaadhaamay dedaal dibloomaasiyadeed iyo halgan adag!

Maalintan maaha oo kaliya mid lagu farxo, balse waa xusuusin in aynu nahay ummad, af, diin, damiir iyo dhaqan qura leh.
Farxadda 26-ka June waa mid u dhiganta farxadda 1-da Luulyo — labaduba waa tillaabooyin lafdhabar u ah himiladii Soomaaliyeed ee ahayd midnimo iyo dawladnimo buuxda.

Mar kale, waxaan idiinku hambalyaynayaa curashada sanadka cusub ee hijriga ah, sanadkan kiisa kale barwaaqo iyo xasilooni Alle ha innagu gaarsiiyo.

Allaha dhowro dalkeena, dadkeena, iyo damiirka Soomaaliyeed.
Hambalyo Maalinta Xorriyadda!
Hambalyo sanadka cusub ee Islam-ka.

26/06/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Dalka ayaa Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee n...
26/06/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Dalka ayaa Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Taallada Dhagax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loosoo galay gobanimada dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jacaylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo himmilooyinkii Awooweyaasheen ee Soomaaliya xor ah, nabad ah oo horumarsan.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaanno, mas’uuliyiin iyo qaybaha bulshada caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa xilka u kala wareejiyay ...
25/06/2025

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Waaxda Dakhliyada kala duwan Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Daa’uud Maxamed Maalin iyo Agaasimahii h**e Mudane Xasan Xuseen Cabdullaahi.

Sidoo kale waxaa xilalka la wareegay Madaxa Gaadiidka iyo Ganaaxyada ee Waaxda Dakhliyada kala duwan Mudane Maxamuud Xaaji Cali Fiidow iyo Madaxa Khidmadaha iyo Adeegyada ee Waaxda Dakhliyada kala duwan Mudane Shaafici Axmed Cali.

Guddoomiye Ciise ayaa ugu mahadceliyay Agaasimahii h**e ee Waaxda Dakhliyadda kala duwan shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Agaasimaha cusub kula dardaarmay dardargelinta howlaha shaqo, waxaana munaasabadda xilwareejinta goobjoog ka ahaa Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

25/06/2025

Afhayeenka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed mudane Daahir Maxamuud Gelle ayaa ka warbixiyay kulan maanta dhex maray Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Hoggaamiyayaasha Madasha Samata Bixinta Soomaaliyeed.

Muqdisho, Sabti,25 Juun 2025: — Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labaad Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudan...
25/06/2025

Muqdisho, Sabti,25 Juun 2025: — Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labaad Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa booqasho ku tagay degmada Hodan ee Banaadir, si uu u qaato kaarka diiwaangalinta doorashada Qof iyo Cod.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay degmada uu xaqa u leeyahay inuu ka codeeyo, isagoo xusay in ay Xukuumadda ay go’an tahay sidii loo hirgelin lahaa doorasho Qof iyo Cod.

Ra’iisul wasaare Jibriil, ayaa bogaadiyay Howlwadeennada degmada Hodan oo ugu h**eeyo Guddoomiyaha iyo guud ahaan Shaqaalaha oo sida qiimaha leh u soo dhaweeyay, waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay Xuquuq dooda ka raadsadaan meelka kasta oo ay ka socto isdiiwaan-gelinta Kaarka Codbixinta.

— Dhammaad —

25/06/2025

Degmada Masajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelada Dhexe oo nasiib u yeelatay Cawo 26 June In Cawaale laga taago kadib Ciidamada Xoogga iyo Kuwa Macawisleyda Gobolkaaasi oo is kaashanaya oo dhegta dhiigga u daray Khawaarijta Shabaab.

25/06/2025

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dhiirigeliyay Ciidamada Xoogga Dalka dardargelinta hawlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta iyo u diyaar garwoga maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada

SNA

Address

Mogadisho
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

252617744448

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Samakulan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Samakulan TV:

Share

S

Samakulan Media is a company that provides communications, consultancy and humaniterian journalism