Minbar Show

Minbar Show Minbar Show ka dhigo wehelkaaga

12/09/2025

Hooyo La dayacay.!

07/09/2025

Alla naxdin weynaa 😀😀

23/08/2025

Ciidanka Kuuriyada Waqooyi oo ka dagaallamay gobolka Kursk ee Ruushka.

Warbaahinta caalamka ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay muuqaal muujinaya ciidammo ka socda Kuuriyada Waqooyi oo ka qaybgalay dagaalka gobolka Kursk, dhulka Ruushka.

Muuqaalka ayaa lagu arkay ciidanka Kuuriyada Waqooyi oo garab socda ciidamada Ruushka, kuwaas oo la sheegay inay ka saareen ciidamada Ukraine qeybo ka mid ah gobolkaas.

Tani waa muuqaaladii ugu horreeyay ee si cad u muujinaya ka qaybgalka Kuuriyada Waqooyi ee dagaalka ka socda gudaha Ruushka.

Warbixinta ayaa weli aan ka helin jawaab rasmi ah dhinacyada Ukraine ama Kuuriyada Waqooyi, iyadoo falanqeeyayaashu ay tilmaamayaan in tani ay noqon karto tallaabo muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal.

21/08/2025

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa maanta shaacisay muuqaal muujinaya in ciidamadoodu ay burburiyeen xarun muhiim ah oo kaydka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone-yada) ah, taas oo ay leeyihiin ciidanka Ukraine.

Xaruntaan ayaa ku taallay meel ku dhow magaalada Konstantinovka, waxaana lagu tilmaamay inay ahayd mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Ukraine ku keydiso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo bandhigtay muuqaalka, hase yeeshee madaxda Ukraine weli k**a aysan hadlin sheegashadaas.

20/08/2025

Shil naxdin leh ayaa dhacay kadib markii gaari uu gudaha ugu galay maqaayad ay laba YouTubers oo cunto qiimeeya muuqaal ku duubayeen.

Aqalka Cad ayaa baahiyay sawir la dhigay qeybta galbeed ee dhismaha, kaas oo saadaalinaya suurtagalnimada dagaal uu Mare...
19/08/2025

Aqalka Cad ayaa baahiyay sawir la dhigay qeybta galbeed ee dhismaha, kaas oo saadaalinaya suurtagalnimada dagaal uu Mareykanku galayo.

Trump ayaa sheegay in haddii dagaal dhaco aysan jiri doonin doorasho, halka Zelenskyy oo muddo xileedkiisu dhammaaday balse ku sii fadhiyo xukunka sababo la xiriira dagaalka Ukraine uu ku tilmaamay fikrad wanaagsan.

Arrinta ayaa dhalisay su’aal ah: Trump ma dagaal buu u adeegsan doonaa si uu ugu sii joogo Aqalka Cad?

18/08/2025

Zelensky oo Jaakad Ku Tegay Aqalka Cad iyo Trump oo Ka Falceliyay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa gaaray Aqalka Cad isagoo xiran jaakad.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo halkaas ku soo dhaweeyay, ayaa si qosol leh u yiri:

> “Waan ka helay jaakada.”

Dowladda Masar ayaa maanta xaqiijisay in ay diyaar u tahay in ay ciidan u dirto Qasa, haddii Qaramada Midoobay ay ku dha...
18/08/2025

Dowladda Masar ayaa maanta xaqiijisay in ay diyaar u tahay in ay ciidan u dirto Qasa, haddii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqdo howlgal caalami ah oo lagu sugayo amniga marinka.

Warbixin uu baahiyay telefishinka Al Arabiya ayaa tilmaamay in tallaabadani ay keeni karto in Xamaas laga saaro maamulka Qasa, loona wareejiyo gacanta hay’ad kale oo caalami ah ama mid maxalli ah oo cusub.

18/08/2025

Ciidanka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay gaari dagaal oo nooca M113 APC ah, kaas oo ay h**ey u siiyeen Mareykanku ciidanka Ukraine.

Gaarigaas oo Ruushku ku xirtay calanka Ruushka iyo kan Mareykanka ayaa dib loogu adeegsaday weerar ka dhan ah ciidamada Ukraine, taas oo loo arkay fariin cad oo muujinaysa in hubkii reer galbeedka ee la siiyay Ukraine uu gacanta u galay Ruushka, isla markaana hadda uu qayb ka yahay dagaalka ka socda jiidaha h**e.

17/08/2025

Halkee ayey ka timid oraahda caanbaxday ee "Kullu fitna cindal geel?" Cabdalla Cumar Mansuur ayaa inoo sharaxaya.

15/08/2025

Weerar Drones ah oo Ukraine Ka Fulisay Kursk, Ruushka.

Hal qof ayaa ku dhintay, 12 kalena way ku dhaawacmeen weerar ay Ukraine maanta ku qaaday magaalada Kursk ee ku taalla dhulka Ruushka, iyadoo adeegsaneysa diyaarado aan duuliye lahayn (drones), sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka ee Ruushka TASS.

Netanyahu Oo Markale Soo Bandhigay Aragtida “Isra’iil-ta Weyn”Intii uu ku guda jiray wareysi uu siinayay telefishinka Is...
13/08/2025

Netanyahu Oo Markale Soo Bandhigay Aragtida “Isra’iil-ta Weyn”

Intii uu ku guda jiray wareysi uu siinayay telefishinka Israa’iil ee i24 News, RW Benjamin Netanyahu wuxuu guddoonsiiyay wariyaha wareysiga ka qaadayay khariidad, taasoo ay ku tiil waxa loogu yeero dhulka ballanqaadka ama Isra’iil-ta weyn, oo ay ku jiraan dhulal badan ii ay kamid yihiin sida: Masar, Urdun, Suuriya iyo Lubnaan.

Markii wariyaha uu waydiiyay Netanyahu haddii uu aaminsan yahay isla markaana uu ka shaqeynayo sidii loo hirgelin lahaa aragtida Isra’iil-ta weyn, wuxuu si toos ah uga jawaabay:

> "Aad iyo aad, weynu ku soconaa dariiqaasi ama jidkaa."

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Minbar Show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Our Story

KALA SOCO FURSADO SHAQO !!!