Baxsan news somalia

Baxsan news somalia hal'heys keena waa midnimo soomaalinimo

Hello team blues how’s everyone doing
23/08/2025

Hello team blues how’s everyone doing

22/08/2025
22/08/2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaan abaal weyn uga hayaa in uu na tusay caqliga iyo caloosha siyaasiyiin badan oo la...
22/08/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaan abaal weyn uga hayaa in uu na tusay caqliga iyo caloosha siyaasiyiin badan oo lagu sirnaan jiray. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, wuxuu ahaan jiray siyaasi aamusan oo ka maqan warbaahinta 14 sano oo uu Xildhibaan ahaa. Aamusnaantu waa haybad. Dad badan waxay u haysteen nin balaayo ka dhacday oo caqli iyo xikmad la aamusan.

Wasiir Xasan Macallin waxaa la bartay markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Wasiir ka dhigay ee isaguna makaroofan qabsaday. Dhiiqo ayuuna ku raftaa mar kasta oo uu madal ka hadlo. Xaflad uu xalay ka hadlay wuxuu ka yiri “Dowladda Soomaaliya caafimaad kuma lihid, cunto kuma lihid, xitaa waxbarasho kuma lihid. Sidaas ayay u shaqeeyaan dowladaha casriga ah.”

Wasiirka sidaas u hadlaya waa nin Yurub ku soo noolaaday, oo carruurtiisu deggan yihiin dalka Ingiriiska oo ay ka helaan waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah, markii uu cunuggiisu jaamacad ka soo baxana inta uu shaqo ka helayo waxay dowladdu bil walba siisaa $525 oo gunno ah, waxayna ka bixisaa kirada guriga inta uu baagamuuddada yahay. Qodobka 30ᵃᵃᵈ ee Dastuurka uu Wasiirka ka yahayna waxaa ku qoran “Dhammaan muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho lacag la'aan ah.”

Halka Wasiir Fiqi oo isaguna xalay xafladdaas ka hadlay uu u jawaabay siyaasiyiin ay dowladda is hayaan, Wasiir Xasan Macallin wuxuu ku daacdaacsaday dad shacab ah oo aan dowladda ka helin adeegyadii iyo xuquuqdii uu u dammaanadqaaday dastuurka uu wasiirka ka yahay, haddana aan dood u qabin dowladda ee ku mashquulsan in ay noloshooda maareystaan.

😂

Raysal wasaarihii h**e ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladnimada Soomaaliya ka niyad jabeen waddamadi...
19/08/2025

Raysal wasaarihii h**e ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladnimada Soomaaliya ka niyad jabeen waddamadii Caalamka ee bixin jirey 67% miisaaniyadda dawladda Soomaaliya.

Gallaydh TV

19/08/2025

Khaire speech 💬 waana boobka hantida umada

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH OO AY ARRIMAHA KU TAKRI-FALKA DHULKA DANTA GUUD KA SOO SAAREEN MADAXWEYNEYAASHII H**E EE DALK...
19/08/2025

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH OO AY ARRIMAHA KU TAKRI-FALKA DHULKA DANTA GUUD KA SOO SAAREEN MADAXWEYNEYAASHII H**E EE DALKA

Ogoosto 19, 2025: Ugu horrayn, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada ku takri-falka dhulka danta guud ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana leenahay Eebbe ha u naxariisto intii ku dhimatay kuwa ku dhaawacmayna alle ha caafiyo.

Sida ku cad qodobbada 25aad, 26aad iyo 43aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, qodobbada 50aad iyo 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud oo Qeexaya hantida danta guud iyo sida loo maamulayo iyo qodobbada 6aad iyo 22aad ee Xeer lr 41 ee Sharciga Dhul Qaybinta. Qodobbadaas dhammaan waxay qeexayaan marka dhul laga saarayo diiwaanka Dhulka Danta Guud in ay waajib tahay in la xaqiijiyo arrimahaan;

•⁠ ⁠In muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed,
•⁠ ⁠In la soo bandhigo in laga maarmay dhulka la iibinayo iyo sababta,
•⁠ ⁠In iibintiisa ay ka masuul tahay Hay’adda Iibka Qaranka,
•⁠ ⁠In la naadiyo, laguna qoro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaaddaan,
•⁠ ⁠In la xaqiijiyo u sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa,
•⁠ ⁠Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da dheefsashada dhulka, iyada oo aan dhibaato loo geysan deegaanka,
•⁠ ⁠Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida,
•⁠ ⁠Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar,
•⁠ ⁠In la dhigo Khasnadda Dhexe ee Dowladda dakhliga ka soo xarooda dhulkii la iibiyay.

Waxaa ayaan darro weyn ah in aan la marin qodobbada sare ku xusan oo shuruucda
dalku ay waajibinayaan in la raaco, isla markaana si bareer ah loogu tuntay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka.

Haddaba anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:
1.⁠ ⁠Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.
2.⁠ ⁠In dib u dajin loo sameeyo dadka la bara kiciyay, xaq dastuuri ahna u leeyihiin in ay helaan deegaan.⁠
3.⁠ ⁠⁠ In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.

Ugu dambayn, ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal quudatada ah waxaan uga digaynaa in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, meelna uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka Dalka.

Waxaa soo wada saaray Madaxweynayaashii h**e ee dalka:
1.⁠ ⁠Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
2.⁠ ⁠Mudane Shariif Sheekh Axmed
3.⁠ ⁠Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

-Dhammaad-

This is Mogadishu, the capital and largest city of Somalia 🇸🇴.
17/08/2025

This is Mogadishu, the capital and largest city of Somalia 🇸🇴.

16/08/2025

Macluumaad horleh
Mareykanka oo runta ushegay wadamada yurub uguna warbixiyay trump iyo butin wixii dhexmaray Khalid oo sii diyaariyay News

16/08/2025
16/08/2025
16/08/2025

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baxsan news somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Baxsan news somalia:

Share