29/08/2025
🚨 A watershed moment for State of
Farriinta Reer Waqooyi Bari --‐-------------------------------------------
Walaalayaal, ma jirto wax xil iyo xoolo ah oo aan ka doonayo Maamulka Waqooyi Bari ama dan siyaasadeed oo aan ka lee yahay - haddii hebel Madaxweyne noqdo iyo haddii hebel kale Madaxweyne noqdo. Keliya, waxaan doonayaa in maamulkaasi hanaqaado, guuleysto, dhulkiisa wada hanto, la ilaaliyo qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
Waxaan si weyn u fahansanahay caqabadaha haysta iyo kuwa iman doona ee uu waajihi doon Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari. Caqabadahaasi, waxa isu gu jiraan kuwa gudaha ah oo ka imanaha isla Waqooyi Bari iyo kuwo imanaya maamullada dhinacyada ka xiga, sidoo kale, waxaa jira caqabado ka imanaya dibadda. In la waajaho oo la ga adkaado caqabadahaas, waxa ay u baahan tahay qof midayn kara dadka oo deegaanada isu dooni kara, waxqabad samayn kara, abuuri kara hay'ado shaqaynaya, dhisi kara ciidan nidaami ah oo leh xuquuq, la shaqayn kara Dawladda Federaalka, la macaamili kara Beesha Caalamka, horseedi kara maamul leh qorshe mustaqbalka ah, qalqaalo u geli kara helidda kaabayaal dhaqaale iyo mashaariic waaweyn. Haddii aan la helin qof noocaas ah oo daacad ah oo ka lib keeni kara shaqadan, waxaa shaki ku jirin in maamulku uu hagaasayo ama aanu macno weyn yeelan doonin oo ka gaabin doono filashooyinka la qabi karo.
Shanta sano ee soo socota, waxa ay muhiim u tahay Soomaaliya iyo Waqooyi Bari, oo waxaa la filayaa in ay dhacaan isbeddelo waaweyn. Hadda, waxaa la gu jiraa xilligii wax la go'aamin lahaa. It's a defining moment. Sidaas awgeed, waxaad u baahan tihiin hoggaan wax ka geli kara arrimahaas waaweyn iyo hawlahaas baaxadda leh. Shanta sano ee soo socota, waa ka muhiimsan tahah shanta sano ee ku xigta.
Si buuxda baan u gu kalsoonahay in murashax Gamal M Hassan yahay ninka ay maanta u baahan yihiin reer Waqooyi Bari (Man of the moment). Waxaan xildhibaanada sharafta leh ku boorrinayaa in aanay ilduufin oo ay doortaan mudanahaas.
Waad mahadsan tihiin
Abdirashid Muse