19/09/2026
24 Wasaaradood iyo 11 Hay’adood ayaa Agaasinka shaqada iyo shaqaalahoodaTartan Guud la Gelinayaa Wasiirrada oo La Gaarsiiyey Farriin Cusub
Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta helay farriin ku saabsan in xilalka Agaasimayaasha Shaqada iyo Shaqaalaha ee 24 Wasaaradood iyo 11 Hay’adood dib loo gelinayo tartan guud oo xilkaas ah.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah awaamiir uu dhawaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo dhigaya in xilalka qaarkood lagu buuxiyo hannaan tartan iyo imtixaan ah.
Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa wasiirrada ku wargeliyay in amaradii h**e ee Agaasimayaasha Shaqada iyo Shaqaalaha la joojiyay. Agaasimayaasha hadda xilalka haya ayaa sii ahaanaya kusimayaal inta tartanka laga soo gabagabeynayo.
Sida qorshuhu yahay, xilalka ayaa si rasmi ah loo xayeysiin doonaa, waxaana codsiyada iyo CV-yada la siin doonaa muddo 14 maalmood ah. Tartanka ayaa u furan shaqaalaha ka howlgala wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso, kuwaas oo buuxiya shuruudaha loo dejiyo.
Musharraxiinta waxaa marka h**e lagu kala saari doonaa nidaam elektaroonig ah, kadibna kuwa ka soo gudba marxaladda h**e ayaa geli doona imtixaan qoraal ah iyo wareysi.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa laga reebay hannaankan, iyadoo xogta la helayo ay tilmaamayso in qaabka maamulka wasaaraddaasi uu leeyahay nidaam gaar ah, isla markaana xilalka qaarkood ay ku yimaadeen Digreeto Madaxweyne.
Dowladda ayaa qorsheyneysa in marka la soo gabagabeeyo tartanka Agaasimayaasha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo gudbo xilal kale oo ay kamid yihiin Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda, Qorsheynta iyo Saraakiisha Amniga, iyadoo hannaanka tartanka uu ugu dambeyn gaari doono xilka Agaasimaha Guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.