04/09/2026
Lacagta Iiraan , ayaa gaartay halkii doollar in lagu sarifo milyan iyo saddex boqol oo riyaalka Iiraan ah, taasoo ka dhigan shillinka Soomaaliga inuu ka qiimo badan yahay laba laab , riyaalka Iiraan. Qof ayaa saddex boqol oo doollar la tagay goob ganacsi,waxaa loogu sarifay afar boqol oo milyan. Xaaladan waxay ka dhalanaysaa cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Iiraan, taasoo saameyn iyo burbur dhaqaale ku dhalisay Iiraan.