Radio Magan

Radio Magan Radio Magan ka dhagayso 93.3MHz Muqdisho iyo labada shabelle. R-Magan Kuma qorna qofna

Radio Magan waa idaacad ku shaqeysa habka Online-ka ah, waxaadna kala socon kartaa bandhigyadeeda gaarka ah, oo wata warar joogto ah dhacdooyin , sheekooyin iyo Barnaamijyo ay idiin soo gudbinayaan Suxufiyiinteena Radio Magan.

30/06/2025

KOOXDA ONKOD|Maanta wa maalintii Midnimado 1da Luulyo.

War Dag Dag : Iran oo gantaalo ku garaacday caasimada Israa11L, waxaana lasoo warinaya qasaaro dhimasho iyo dhaawacba le...
13/06/2025

War Dag Dag : Iran oo gantaalo ku garaacday caasimada Israa11L, waxaana lasoo warinaya qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Nidaamka Madaafiicda kahortaga ee Israa11L ayaa ku guuldareystay inay kahor tagaan Madaafiicda Iran.

3sano ka dib maanta oo kale 2022 ayaa dalka dib markale loogu doortay madaxweyne Xasan sheikh, ma isleedahay mudadii uu ...
15/05/2025

3sano ka dib maanta oo kale 2022 ayaa dalka dib markale loogu doortay madaxweyne Xasan sheikh, ma isleedahay mudadii uu xilka hayey muddo xileedkan labaad hormaro waaweyn ayuu gaaray marka loo eego amniga caasimada Muqdisho oo si weyn loo dareemay markii uu talada dalka qabtay madaxweyne Xasan sheikh.

Adigu maxay kula tahay muwaadin mise isku diyaarisay hanaanka doorashooyinka dadweyne ee dhawaan dalka ka dhici doona?

Golaha wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo isku raacay in maamulka Jubbaland uu yeesho nidaam sharci ah, oo ay dowlada fe...
07/05/2025

Golaha wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo isku raacay in maamulka Jubbaland uu yeesho nidaam sharci ah, oo ay dowlada federaalka aqoonsantahay.

Madaxweyne Laftagareen oo la filayo inuu dib ugu laabto magaalada Baydhabo, ka dib dooda hareeyey shirkii madasha wadata...
07/05/2025

Madaxweyne Laftagareen oo la filayo inuu dib ugu laabto magaalada Baydhabo, ka dib dooda hareeyey shirkii madasha wadatashiga Qaran kaas oo diirada lagu saaray dhismaha xisbi ay ku mideysanyihiin madaxweyne Xasan sheikh iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Waxyaabaha laysku waafaqi waayey ayaa la sheegay in madaxweyne Laftagareen uu si weyn u diidan yahay qaabka loo wajahayo dhismaha xisbigan isagoo soo jeediyey in saami qaybsiga xisbiga jagooyinka sar sare laga siiyo maamulka uu hogaamiyo.

Dadkii ugu tirada badnaa taariikhda ayaa iska diiwaan galiyey degmada Heliwa iyadoona Shacab badani kaararka qaadanayaa.
03/05/2025

Dadkii ugu tirada badnaa taariikhda ayaa iska diiwaan galiyey degmada Heliwa iyadoona Shacab badani kaararka qaadanayaa.

Gudoomiye Aadan madoobe oo qaar ka mida xubnihii maanta buuqa ka sameeyey Baarlamaanka, ka mamnuucay fadhiyada kale ee d...
30/04/2025

Gudoomiye Aadan madoobe oo qaar ka mida xubnihii maanta buuqa ka sameeyey Baarlamaanka, ka mamnuucay fadhiyada kale ee dhawaan Baarlamaanku iskugu imaanaya.

Madasha ay ku mideysanyihiin Madaxweyne H**e Sharif Sheikh Ahmed Reysul wasaare h**e Hassan Ali Khaire  iyo siyaasi Abdi...
30/04/2025

Madasha ay ku mideysanyihiin Madaxweyne H**e Sharif Sheikh Ahmed Reysul wasaare h**e Hassan Ali Khaire iyo siyaasi Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa si kulul kaga hadlay dhacdadii maanta ee Gudoomiyaha Baarlamaanku ku kacay.

4.5 Waa Nidaam DullinimoWaligaa xasuusnoow in Soomaaliya aysan wax horumar ah gaari karin illaa ay hesho nidaam dowladni...
30/04/2025

4.5 Waa Nidaam Dullinimo

Waligaa xasuusnoow in Soomaaliya aysan wax horumar ah gaari karin illaa ay hesho nidaam dowladnimo oo loo dhan yahay. Nidaamka hadda jira ee 4.5 ma ahan nidaam dunida laga yaqaano - waa nidaam laga soo minguuriyey dalalka deriska ah oo ay ku noolyihiin qabaa'ilo kala duwan oo kala af iyo dhaqan ah halka ay Soomaalida ku hadasho hal af ah balse lahjadaha ay kala duwan yihiin. Waa wax ay ku sheegeen nidaam laakiin marka ay dunida maqasho waxaa nagula xantaa heerka caqli-xumadeena ay gaarsiisan tahay.

Madaxweyne walbo oo la soo doorto waxaa lagu soo doortaa si xaaraan iyo caddaalad daro ah, maxaa yeelay wuxuu ku imaaday nidaamka 4.5. Madaxweynaha wakhtigaan sida xaaraanta iyo caddaalad darada kursiga ugu fadhiyo oo ay soo doorteen baarlamaan ku yimid 4.5 Xassan Sh. Maxamuud waa markii labaad uu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya asigoo usoo maray waddadii shalay ee ahayd 4.5 maantana lagama sugaayo inuu dalkaan ka samata bixiyo cirriiriga siyaasadeed ee ummada haysta. Xaaladda uu dalka maanta ku jirrana waa mid asiga iyo nidaamka sababay.

Ummad kasta marka ay xaaraan iyo caddaalad-daro isku xukunto waxay heshaa jawaabta ficilada ay ku kacday, maantana sida aan aragno dadkeena waxay la ildaran yihiin abbaaro ba'an waliba ma ahan wax halmar oo kali dhaca ee waa wax soo noqnoqda. Sidoo kale madaxweyne walbo wuxuu yiraahdaa amniga wax baan ka qabanayaa mana ka qaban karo sababtuna waa nidaamka xaraanta iyo caddaalad darada uu u bareeray madaxweynaha oo ay soo doorteen qabiilkiisa iyo baarlamaan aan tayo lahayn.

“Nidaamkaan dulinninada ah aan beddelno si ummada loo badbaadiyo.”

Baraarug la’aanta shacabka ayaa sabab u ah in marxaladaan lagu sii jiro.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo...
29/04/2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP #201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.

29/04/2025

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukunno Xabsi ah, Lacag celin iyo Bixin Diyo dadkii Badda ku dhintay kasoo saartay Kiiskii Tahriibka Jasiiradda Mayotte

27/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ku akhriyay liiska xubnaha la magacaabay.

Address

Mogadisho

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Friday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00

Telephone

+252622689108

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Magan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Magan:

Share

Warbaahinta MAGAN

Warbaahinta Magan waa idaacad ka tarjumta aragtida ummadda Soomaaliyeed kooda Samaha jecel, kusoo biir bogga idaacada oo la soco goor walbo iyo meelwalbo.

http://www.tukesomalism.com/archives/author/ismaaciil2019