20/12/2025
Hagalin Qaladka aan Aniga Galay Muuse/Xaliimo🤔
Fadlan Like gareey sidoo kale Share dheh Post ga. Mahadsanid.
2020 ki markuu sii dhamaanayay cudurka Corona-Virus19, waxaan ka helay shaqo CCTV Manager ah Hotel aad u weyn oo ku yaalo xiro dowladeed. Hotelka waxaa badanaa customer u ahaa xildhibaano, wasiiro iyo maamulka kala duwan ee dowladda.
Muddo bil kadib waxaa la ii qaatay CCTV & Internet Manager halkaas ayaana kusoo bandhigay waxtar kayga shaqo iyo sida aan u aqaano howlaha maamulka. Waxaan latalin u sameeyay milkiilaha Hotelka wuuna ku faa'iday.
Waxaa la ii qaatay 2bil kadib inaan noqdo Cashier, CCTV, INTERNET & Room Supervisor. Runtii waxey igu aheyd New Experience iyo shaqo aad igu adag. Xafadeyda waxaan ka tagi jiray 6:30am waxaana soo laaban jiray 11:30pm. Halkaas ayaana kasii waday hoosheyda.
Dhowr bil kadib, waxaa la ii qaatay Hotel Manager guud and Finance Admin. Waxaa la shaqeeyay hey'ado banaanka ah, Dukaaman, suuqyada kala duwan iyo Shirkadaha dalka ugu waaweyn. Waxaana kala shaqeeyay arimo la xariiro hormarinta hotelka iyo adeegyadiisa.
Ha is dhihin muuse/xaliimo inaan lacag badan qaadanayay. Waxaan ku shaqeenayay markaas $500. 😱😁. Ma badno sax markii loo fiiriyo shaqada aan hayay.
Sidaas anigoo u shaqeenayay waxaan waday isla markaas howlaha shirkadda Bastami Agency. Wey soo xoogeysatay, Macaamiil badanna wey heshay. Waxaana is dhahay ka bax shaqaalo-nimadaan oo mid iskiis u shaqeysto noqo... Waana meesha ay igaga bilaabatay casharkayga adkaa.
Waxaan u tagay milkiilaha Hotelka, waxaana dhahay mudane waxaan rabaa inaan shaqada ka tago aan aniga shirkadeyda abuurto😲. Waxuu iga dhaadhiciyay isla hotelka inaan shirkadda ka furo xafiiskeeda sidoo kale mushaarkana $650 la igaga dhigo.
Waxaan u arkay dabin waana ka diiday. Ugu danbeyn shaqada waan kasoo tagay. Bastami Agency ayaana full-time ka noqday. Alx si aad u fiican ayee u shaqeeysay. Balse hal arinaa jirto Muuse!!
Shaqada Hotelka waxey iga caawin kartay macaamiil waaweyn inaan helo, lacago fcn inaan ka sameeyo isla markaana Brand ka shirkada si fudud ku gado. Ma aysan suurtagalin.
Casharka aad baraneyso waxaa waaye muuse/xaliimo inaadan waligaa shaqadaada ka tagin iyadoo ganacsi kaaga uusan is meel marinin. Sidoo kale ganacsiga waxuu ku dhisan yahay bulsho iyo communication, ha dayicin meelaha fursadaada taalo.
Wadku mahadsan tahay sxb aqrinta. Adna ila wadaag khibradaada sxb adigoo comment soo qorayo.