updy Kadar Media

updy Kadar Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from updy Kadar Media, Media/News Company, Mogadisho.

05/11/2024

shiiqa xuseen jabuuti

05/11/2024

War deg deg ah diyaarad laga leeyahay wadanka turkia ayaa ku dhacay deegan ku yaala gobolka shawelada hoose

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay ...
17/10/2024

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka.

Xamza ayaa sheegay in hadda adduunka u wareegay adeegsiga teknoolojiyada, sidaa awgeed waxa ka go’an xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda dhiiri-galinayso ganacsiyadda gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey shirkada isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra'iisul wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha bandhigga teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in hadda dowladda ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray deegaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceeldheer ee go...
17/10/2024

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray deegaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud, halkaas oo shalay Ciidamada Xoogga Dalka cashar ugu dhigeen koox Khawaarij oo ku dhuumaaleysaneysay dhulka howdka ah.

Wasiirka waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha qeybta 21-aad iyo saraakiil kale oo hoggaaminaysa howlgalka ka socda bariga gobolka Galguduud.

17/10/2024

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal kasoo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee aan Natiijo laga soo saarin, balse la sheegay in dib la isugu laaban doono 26-ka bishaan.

“Dowlad-gobeeldayada laga hortaagan yahay in ay qabsadaan doorashada iyadoo la dhaafay wakhtigoodii dastuuriga ahaa, laalidda dastuurka heshiiska lagu yahay, iyo damaca Madaxweynaha ee sii joogista xukunka sifo aan waafaqsanayn sharciga waxa ay caqabad ku noqonayaan dowladnimada, wadajirka iyo midnimada Soomaaliya” ayuu yiri MW Farmaajo .

Sidoo kale MW Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri “Natiijo la’aanta Madasha Qaranka oo Madaxdii Dowlad-goboleedyada sii kala qaybisay waxa ay ifafaalo aan wanaagsanayn ka bixinaysaa mustaqbalka siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Xildhibaannada heer Federaal in ay u istaagaan samata-bixinta dalka iyo badbaadinta dowladnimadeenna”

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fatah El-Sisi ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Turkiga, taasoo ah booqashadii ugu h...
04/09/2024

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fatah El-Sisi ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Turkiga, taasoo ah booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Masar uu ku tago muddo 12 sano ah, dalka Turkiga booqshadan ayaa jawaab u ah booqashadii uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku tagay bishii February 2024 Masar iyo Turkiga ayaa yeelan doona wada-hadallo qoto-dheer, waxayna shir-gudoomin doonaan shirkii ugu horreeyay ee Golaha Iskaashiga Istiraatijiyadda Sare. Madaxtooyada Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku tilmaantay booqashada hadda uu Madaxweyne Abdel Fatah El-Sisi ku joogo Ankara mid "taariikh ah", iyo qayb cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Madaxweynayaasha Masar iyo Turkiga ayaa ka qeyb galaya saxiixa heshiisyo dhinacyo kala duwan leh.

Masar & Turkigu waa labada wadan ee ugu saamaynta badan dunida Muslim ka haday si dhab ah uwada hadlaan isbedal way keeni karaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wada-hadal telefoon ah la yeesh...
30/07/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wada-hadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee dabar-goynta argagixisada.

Ninkan shaqo diyar uyahay horaa laga shaqeysanaa
29/07/2024

Ninkan shaqo diyar uyahay horaa laga shaqeysanaa

Lamina yamal ayaa saxibadeysa qiyaantay Markii Aya live la sarney ninkale waxa xeyna ka hadlayeen wax yaabo anshax xumo ...
29/07/2024

Lamina yamal ayaa saxibadeysa qiyaantay Markii Aya live la sarney ninkale waxa xeyna ka hadlayeen wax yaabo anshax xumo ah
Warar ayaa sheega in ay kala tageen inkasto ay kaweyneed da ahaan

29/07/2024

Warar hoose ayaa sheega cxds iyo kuwa jupaland in ay isku dhaceen marki saraakisha hogamiso cxd ee diideyn in amarka qaatan kuwa jupaland wararka hoose ayaa sheegaya in Ahmad madoobe donaya in uu usoo diro magaalad mogdisho

29/07/2024

Booliska somaliyed gar ahan maamul gobaleedka budland mee magalada boosaaso ayaa qabtay haweeney dishay wiil ay ay ada u aheed sodoh

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when updy Kadar Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share