08/07/2025
Wiil aan muddo is shukaansanayney ayaa waxaannu ku heshiinay inaan is aragno. Wuxuu igu balamiyay meel maqaaxi ah. Anigana waan yara baqayay, sidaas darteed waxaan soo kaxaystay laba gabdhood oo aan saaxiibo nahay si ay iigu weheliyaan.
Markii aanu wiilkii wada fadhiisannay, waxaannu dhammaantay aniga, labadii saaxiib iyo isagaba dalbanay casho. Balse gabdhihii ayaa cunto qaali ah dalbaday, waxayna lacagtii gaartay $400. Markaas ayuu wiilkii iska dhigay qof telefoonka ku mashquulsan, kadibna si lama filaan ah ayuu naga baxay maqaaxidii.
Markii aan isku daynay inaan wacno, wuu damiyay telefoonkii. Ugu dambayn, aabo iyo adeero oo aan la hadlay ayaa cashadii naga bixiyay lacagtii.
Laakiin wiilkii wuxuu iiga baxay WhatsApp, Facebook iyo meelkasta oo aan xiriir ku lahayn wuu i block gareeyay.
Wiilku wuxu ahaa mid aan aad u jeclaa balse waxan la arag buu ugu sameeyay.
Waxa sidaas barteeda Facebook Ku soo qortay Xasna mahamed ali adi maxey ku tahay?