14/01/2026
Marka ilmuhu wax dalbado oo si deggan loo diido, dabadeedna uu bilaabo oohin ama qaylo, isla markiiba loo fuliyo rabitaankiisa, waalidku waxay u malaynayaan inay xalliyeen xaalad yar. Laakiin run ahaantii, iyaga oo aan ogaan, waxay beerayaan cashar tarbiyeed oo saamayn fog leh.
Ilmuhu waqtigaas ma baranayo in codsigu leeyahay xuduud, ama in diidmada ay qayb ka tahay nolosha. Halkii, wuxuu baranayaa qaanuun khatar ah: Qeylada ama Oohintu waa jidka ugu dhaqsaha badan ee lagu helo waxa la rabo. Marka ay tani soo noqnoqoto, oohintu k**a sii ahaato muujin dareen, balse waxay isu beddeshaa aalad cadaadis, qayladuna waxay noqotaa luuqad gorgortan oo ilmuhu si h**e u barto.
Aragti tarbiyeed ahaan, ilmuhu si ula kac ah uma tijaabinayo waalidkiis, balse dabeecaddiisu waxay weydiinaysaa: xaggee ayay xeerarku ka taagan yihiin? ma joogto baa mise way laaban karaan?
Marka uu arko in xeerku burburo marka uu ooyo, wuxuu ku samaysmaa dareen ah in degganaantu waxba tarayn, halka xanaaqa iyo buuqu ay yihiin habka ugu wax ku oolsan.
Natiijada mustaqbalka fog ma aha oo keliya madax adayg, balse waa daciifnimo ku timaadda maaraynta dareenka, adkaansho ku saabsan aqbalidda diidmada, iyo u janjeerid isticmaalka cadaadis shucuureed marka uu la macaamilayo dadka kale, sababtoo ah ilmuhu wuxuu bartay in xanaaqa la abaalmariyo.
Xalku kuma dhisna qallafsanaan, balse wuxuu ku dhisan yahay joogteyn miyir leh. Marka codsi la diido, diidmadaas waa inay sii jirtaa, xitaa haddii ilmuhu beddelo qaabka uu u muujinayo dareenkiisa, iyadoo la daryeelayo shucuurtiisa balse aan laga laaban go’aanka.
Hooyo ama aabbe wuxuu si deggan u odhan karaa:
Waan fahamsanahay inaad xanaaqsan tahay, waana xaq aad leedahay inaad murugootid, laakiin go’aanku isma beddelin.
Habkan, ilmuhu wuxuu baranayaa laba cashar oo isku mar ah.
Midda koowaad, in dareenkiisa la maqlo lana fahmo.
Midda labaad, in xeerarku aysan isbeddelin marka cadaadis la saaro.
Ilmuhuna wuxuu u baahan yahay in la baro qaab kale oo is muujin ah: inuu si deggan u dalbado, inuu sugo, iyo inuu hadal ku cabbiro dareenkiisa halkii uu ka qaylin lahaa. Waqti ka dib, wuxuu fahmi doonaa in degganaantu keento faham, ee aysan keenin khasaaro.
Tarbiyadu ma aha in oohinta si degdeg ah loo aamusiiyo, balse waa in la dhiso qof yaqaan sida loo dalbado, sida loo aqbalo diidmada, iyo sida uu u muujiyo dareenkiisa isaga oo aan waxyeello u geysan naftiisa ama dadka kale.
Ilmaha tan barta goor h**e, wuxuu koraa isaga oo leh dheellitirnaan, xiriir daacad ah, iyo awood uu nolosha si miyir leh ugu wajaho.