27/08/2021
Garowe dad ayaa kusumoobay sun wadada ku daadatay, dad ayaana u jiifa isbitaalada, arrinkaasi oo duqa magaalada Garoowe Axmed Muuse uu kaga hadlay qoraal bartiisa Facebooka uu u dhigay sidaan.
Hoos ka akhriso duqa hadalkiisa
Maanta 11-kii barqanimo Booyad kuwa nadaafadda ayaa kiimiko kaga daadatay laamiga weyn ee magaalada dhexmara. Waxaa ka hawlgalay ciidanka amniga oo booyadii iyo darawalkii gacanta kusoo dhigay.
Kiimikada waxaa laga soo qaaday Wershedda Isbuunyada ee Tabaarak, taasoo dhowaan dab xoog leh dhibaato weyn u geystey.
Booyaddu ma ahayn mid loogu talo galay inay kiimikada qaado sidaa awgeed ayay dhincyada ka dalooshantay.
Dad badan oo laamiga ku ganacsanayey ama marayey ayaa ka sheegtay indho iyo dhuun xanuun, waxaa la sheegay in dadka qaar suuxeen.
Nadiifin iyo barxid kiimiko ayaa hadda socota, waxaa ka hawlgalay ciidanka Booliska, Dabdamiska iyo hawlwadeenadda degmada.
Illaahay haku guuleeyo, dadweynuhuna ha taxadareen sidaasna hawla socdeen.
Mahadsanidin, Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.