
03/03/2025
La joog kuwa Alle ka cabsada, waayo saaxiibtinimada ay kula wadaagaan waxaad ka helaysaa:
Qalbi deggenaansho iyo xasillooni. 💜
La sheekayso qofka ku ixtiraama, maxaa yeelay:
Doodda uu kula yeesho qofka yaqaana qiimahaagu, waxay kuu kordhinaysaa fahamka oo ay xoojinaysaa xiriirka kaala dhexeeya. 👌
La tasho qofka ku jecel, maxaa yeelay:
Wuxuu mar walba doonayaa inuu arko adigoo xaaladda ugu wanaagsan ku jira. 😍
La saaxiib qof ku fahmaya, maxaa yeelay:
Saaxiibka sida dhabta ah kuu fahmaa waa kan dareema waxa qalbigaaga ka jira, xitaa adigoon u sheegin. ✅
Ka digtoonow la joogista qofka xaasid ah, maxaa yeelay:
Naxariistiisa waa mid madhan, wanaagna ma dhasho. 🤞
Ka fogow midka jaahilka ah, maxaa yeelay:
Saaxiibtinimadiisu waxay kuu horseedi kartaa shallayto iyo dhibaatooyin. 👌
Qalbiyada daciifka ah u bogsii sida kaagaba aad ujeceshahy in loogu naxariisto, maxaa yeelay:
Hal erey oo wanaagsan oo aad si niyad leh qof ugu tiraahdo ayaa daawo unoqon kara qalbi sanooyin badan murugadu daashatay. ❤️🩹
Dadkana ula dhaqan si wanaagsan, oo noqo mid qalbi nadiif ah leh, kana madax bannaan nacayb iyo colaad.!! 💯✨🌿📚🤍🫀🙂
╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibda nolosha 👤