Ahmed Ak

Ahmed Ak Noogu imow warar iyo Barnaamijyo sugan oo ku dulqotama Run iyo Xaqiiq.

Garoowe: 01 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan martiqaad iyo is ...
01/05/2023

Garoowe: 01 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan martiqaad iyo is xogwareysi ah Kula qaatay Qasriga Madaxtooyada, Isimada dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada DPL, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada DPL, Mudane Ismaaciil Maxamed ismaaciil Warsame.

Golemeer Media

01/05/2023

: Dugsiga hoose/dhexe ee siinay oo abaalmarino Gudoon siiyeey Ardaydii iyo Macalimiintii Kasoo shaqaysay idaacada Codka siinay ee kabixi jirtay schoolka siinay.

Golemeer Media

23/03/2023

Bare Abdullaahi Ali oo kamida dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda koonfurta Soomaaliya 30kii sano ee ugu danbaysayna ku noolaa puntland ayaa Xafladan oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka mudug waxa uu ku shaaciyey in uu u sharaxanyahay xildhibaan golaha degaanka degmada Gaalkacyo.
Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay nabadoonada, waxgaradka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada bulshada rer koonfur galbeed ee ku nool magaalada gaalkacyo.

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa shaaciyay  Jadwalka qashada kursiga tirs...
28/01/2023

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa shaaciyay Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP #147 oo deegaan doorashadiisu tahay Dhuusamareeb.

Ruushka oo isticmaalaya dekadaha eriteria Ruushka oo dowladda Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda...
28/01/2023

Ruushka oo isticmaalaya dekadaha eriteria

Ruushka oo dowladda Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda ku yaalla badda cas

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov oo safar ku maraya dalalka Afrika ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Eriteria Isaias Afwerki, isaga oo raadinaya in dalalka Afrika ay taageero u muujiyaan Ruushka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eriteria.

Lavrov ayaa safarkiisa ka bilaabay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ka socdo qorshaha ah, in dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay wada qabtaan dhoolatur milateri oo wada jir ah, wuxuuna safarkiisa ku soo gebagebeeyey, safar lama filaan ah oo uu ku tegey dalka Eriteria ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika.

Eriteria ayaa ka mid ah, dalalka kooban ee ku yaalla qaaradda Afrika ee ka soo horjeestay qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagu cambaaraynayey dalka Ruushka ka dib duullaankii uu ku qaaday dalka Ukraine, inkasta oo dalal badani ay ka aamuseen qaraarkaas.

Wadahadalada dhexmaray Ruushka iyo Eriteria ayaa lagu lafaguray siyaabaha kor loogu qaadi karo xidhiidhka labada dal ee dhinaca tamarta, tiknoolojiyadda, waxbarashada iyo caafimaadka, sida uu bartiisa Twitterka ku qoray wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Meskel.

ALEEN Tv

Xildhibaan Sanyare “BISMILAH BISMILAH BISMILAHwaxaan bisinka u qabtay waa shirka barito ka furmidoona magalada laascaano...
27/01/2023

Xildhibaan Sanyare

“BISMILAH BISMILAH BISMILAH
waxaan bisinka u qabtay waa shirka barito ka furmidoona magalada laascaanood waxaa laga jooga mudo bil ah maalintii uu bilowday kacdoonkii barakaysna ama kacdoonkii bluuga
Marka koowaad waan uducaynaya shirka waxaan alaah uga baryaya inuu kufurmo si nabad ah kuna dhamaado si nabad ah, alaah na uu waafajiyo towfiiqda iyo talada teeda toosan duca kadib waxa laga filankaro shirkan waa labo qodob

1 xaqijinta lahaanshaha talada dalka iyo dadka ssc
2 istaraatiijiyada sidii loogu samayn lahaa maamuul kamadax banaan somaliland iyo puntland ama SNM iyo SSDF kaad rabto ugu yeer”

27/01/2023

7-jir Gobanimo doon ah oo hogaaminaya boqolaal shacab ah ayaa ayaa dareen kusoo bandhigay fagaarayaasha magaalada laascaano.

27/01/2023

Ra'iisul wasaare Xamze oo la hadlayay Culimada ayaa yiri " Dadkeena Qabiil waa lagu dilay, Diin waa lagu dilay oo dowladnimada waa lagu dilay, waa inaan keenaa xal".

Israa’iil ayaa dhawr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’i...
27/01/2023

Israa’iil ayaa dhawr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay xerada qaxootiga ee Jenin ku dileen sagaal falastiiniyiin ah oo ay ku jirtay haweeney da’ ah.

Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Qaza ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in ay dhaceen 15 weerar saacadihii h**e ee maanta.

Goob joogayaal iyo warbaahinta gudaha ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay laba gantaal ku dhufteen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza,kadib diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyay afar qarax oo waaweyn.

Weerarada Israa’iil ayaa daba socday ka dib markii laba gantaal lagu soo riday dhinaca Gaza saqdii dhexe ee xalay.

Aleen Tv

27/01/2023

Wiil soomaali ah oo farsameeyeeey kabo casri ah.

ALEEN Tv

27/01/2023

: Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dishay Hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya iyo tiro kooxdiisa ah lasoo tay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaa hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale oo kooxda ka tirsanaa, warka ayaa lagu yiri” Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin”.

Halwgalkan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in aysan dad shacab ah waxyeelo ka soo gaarin, sidoo kalena ciidankooda aysan waxyeelo ka gaarin iska caabinta ay sameeyeen kooxdu.

ALEEN Tv

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Ak posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share