Hiil pro

Hiil pro اللهم يا مقلب القلوب والابصار ثبت قلوبنا على دينك

11/06/2023

Qofki doonaya inuu guulaysto nolosha marka h**e ha ka guulaysto naftiisa, baqdinta caajiska, iyo ka lalabaynta dareenkisa

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 9aadWaxaa is bartay labo qalbi oo la qalbi jabiyay, miyay is dhayi doonaan m...
16/05/2023

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 9aad

Waxaa is bartay labo qalbi oo la qalbi jabiyay, miyay is dhayi doonaan mise way aarsan doonaan, sidaa marka ay u dhaqaaqeen ayaa waxaa makhaayadda irridkeeda soo istaagay gaarigii Bilaal. Bushra oo qosolkeeda xaafad shanaad laga maqlayo ayaa ka soo dagatay.

Miyay ku waari doontaa barwaaqada?, mise wadada qayrkeed ayay mari doontaa?, Farxad aan la suurayn karin baa labadoodaba ka muuqata. weliba dhanka Bushra ayay u badan tahay. Ayada qalbigeeda wey ka baxday iney cid kale jeclaan jirtay, in masuuliyadi saarnayd oo ay xiriir lahayd. Isagase xoogaa marka uu joogaba Barwaaqo ayaa soo hormarta ineysan u qalmin inuu sii daayo buu dareemaa, hadana juhdi ma geliyo xajinteeda ee la qosolka Bushra ayuu doorbidaa.

Burhaan sariirtiisii marka uu tagay waxaa wajigiisa soo hormarayay oo uu qaadan waa u arkaayay, in cidda Bushra kala wareegtay ay tahay Bilaalkii uu yaqaanay ee naagaha shan shanta u beddeli jiray. In uu ka xumaaday in Xaaskiisii mustaqbalka laga dhacay waxaa uga darnayd in cidda dhacday aysan ahayn gacan aamin ah, gacan berri cidlo uga tagi doonta dabadeed ay soo noqon doonto isaga oo ka qalbi jabay, oo aan diyaar u ahayn in uu dib ula midoobo, ama iney meelahaa ku silci doonto naftii cuddoonayd ee gacalisadiisu.

Waxa uu ka fakaray waddo walba oo uu ku dareensiin karo xumaanta Bilaal iyo inuusan ahayn qof u qalma iney jacayl aamin ah dartiis uga baxdo. Haddana wuxuu iswaydiiyay waxa ku wata inuu sidaa oo dhan ugu mashquulo arrimaheeda, inuu bahdilo naftiisa oo uu is hoos dhigo, naag arki weyday siduu meel sare u geeyay. Wuxuu nafta ku yiri: Uma qalanto ka walwalid, haddii iyaduba ilbiriqsiyo ku raacday nin kale iyadoon ka fakarin tacabkey galiyeen cishqigooda.

Maalmuhu way seeto dheerayn badan yihiin, Kumana sii jirto marka qalbi jab darani kugu soo wajahan yahay. Waxaa lagu siinayaa jaanis walba oo aad si xun ugu khaldami karto, heer aad gaarto meel aadan ka soo noqon karin, meel aadan ka oran karin waan khaldamaye hala ii cudurdaaro.

Bushra doontu waxey ula sii durkaysay dhanka badwaynta, hallaabitaankeeda iyo in jihadu ka luntana ma foga, Shaqadeeda iyo u bogidda jacaylkaan khaladka ku bilawday ayay u dhaxeysaa. Iyadu go’aankeeda weyba gaartay. Waxey ku dhawdahay iney tiraahdo waan kuu go’ay. Xalay ayay Si cad Burhaan ugu tiri kuma rabo nin kale baan jeclaaday. Inta uu qoslay buu yiri “Ma Bilaal baa?” Way yaxyaxday oo isla yaabtay. Haddana Dan k**a ay galine ciddii uu doono ha noqdo nin aan adiga ahayn baan jeclahay xiriirkaana waa iga Bes ayay ku tiri. Waayahay laakin marka uu cidlo kaaga dhaqaaqo lambarkayga iyo gurigayga labadaba waad taqaanaa ayuu si hubanti leh u yiri. Isaga waxaad moodaa inuu hubo iney la kulmayso wuxuu u saadinayo. Warkiisa inuu run noqon karo ayada oo aan aaminin ayay ka dhaqaaqday kobtii ay jacaylkeedii jirridda adag lahaa ku kala siibtay.

Barwaaqo iyo Burhaan waxaa u socda xiriir asxaabtinimo ah. Ujeedka Burhaan waa in uu Barwaaqo runta u sheego isaga oo aan ka bajin. Si deganaansho iyo akhlaaq leh ayuu uga dhaadhiciyay in ay laf cad toobin ku hayso isaga iyo ayaduna isku qaddar yihiin. Qaadan waa lama ay noqon oo waa ay ogayd in isbaddalkiisu uusan cidlo ka dhalan. Jacaylkii xad dhaafka ahaa ee ay u haysan aayar aayar ayuu u yaraanayay intii ay sugeysay soo noqoshadiisa. Habeen kasta oo ay gama’do ayada oo wicitaankiisa sugaysa waxa ay soo toosaysay ayada oo riyada uga soo dhex tagtay qeyb jacaylkiisa kamid ah. Maalinkii ay ogaatay inuu Bushra raacay, waxey la ahayd sidii naag loo sheegay inuu guursaday ninkii ay 10 sano ka hor iska furtay.

Barwaaqo waxa ay wacday Bilaal, Kuma ay qeylin, ma ay oran maxaad ii khiyaantay, ma ay dareensiin jileec iyo in naag laga tagay tahay ee waxey tiri “Waxaan rabaa inaan xiriirkaan ka baxo?”, Waayo marka uu waydiiyay waxey u sababaysay in ay wiil kale oo waqti u haya jeclaatay. Wuu gaduutay oo dhididay. Wuu kacay marna fariistay. Bilaal waxa ay ku dhex noolaysiisay xanuunkii uu marsiiyay Burhaan. Waxa ay ku nuux-nuuxsatay dhawr jeer in ay guursan doonto mardhaw ugu dambayna ay ku noolaan doonto noloshii riyadeeda ahayd. Markii ay sii baxeysay ayuu isaga oo baryootamaya inta faraqa qabsaday waydiiyay ninkaas nasiibka leh. “Waa Burhaankii aad Bushra ka xadday” ayay si jees jees ah u tiri.

( La soco Qeybta Xigta ). ゚viral

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 8aadKulankii 3aad ayay caawa kulmayaan Bilaal iyo Bushra, waxaad moodaa in l...
15/05/2023

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 8aad

Kulankii 3aad ayay caawa kulmayaan Bilaal iyo Bushra, waxaad moodaa in labadooduba ku jiraan ismoodsiis, midna k**a hadlo xiriirkiisa, midna ma soo hadal qaado in uu jacayl kale leeyahay, ayagoo is og ayaa hadana la is moogeysiinayaa. Waxaa laga sheekaysanayaa Filimaanta ay ugu jecel yihiin, Heesaha, iyo buugaagta.

Mid walba wuu ku raaxaysanayaa marka uu shakhsiyaddiisa qeexayo, Xaqiiqadu mar bey soo baxeysaa, mar baan laga fursaneyn in waaqaca la waajaho, in lagu dhiirado wada joog, lagana tago qalbiyo noloshooda ku xiray, ama in la joojiyo xiriirkan xargaha goosanaya. Bushra ayadu warkeeda wey caddeysatay.

Wey joojisay iney Burhaan ula hadasho sidii h**e, si toos ah ayaa dabcigeeda looga dareemayaa in wax cusubi jiraan, taleefanka ma qabato, maseejka k**a soo jawaabto shantii wicitaan mid ka mid ah ayay farriin ahaan u soo qortaa Waan u mashqulsanahay. Waa maxay mashquulka xilligaan soo baxay? Burhaan dadaal kuma yara, naftiisa su’aal k**a daayo. Maxaan hagraday? Maxaan ka gaabiyay? Maxaa sababay isbaddalkeeda ?, ayuu naftiisa ku daaliyay. Wuu dareemayaa in jacaylkeedii wax jiidanayaan, haddana ma yaqaano dhanka laga jiidanaayo. Aad bay u xanuun badan tahay, marka aad wax walba siiso qofka aad jeceshahay waqti iyo maskaxba geliso hanashadiisa, haddana ilbiriqsiyo gudahood wax aan la aqoon ku soo weeraraan oo kaala wareegaan jacaylkii aad muddada deyrka adag ku xeeraysay.

Barwaaqo waxey ku qanacsan tahay inuu dhawrkii habeen mar soo waco, inuu u sheego inuu jecel yahay, kuna sasabo inuu xad dhaaf u mashquulsan yahay. Caqligeeda ayuu dhex galay oo dhex dhigay iney tahay naagta keliya ee uu dunida ka ilaashado, hadda oo uu shaqada mashquul ku yahayna aysan cagta ku badin. Maskiinimadeedu xadka ayay dhaaftay. Habeenkii saq dhexe ayay wacdaaa. Waa Another Call. Si jacayl leh bay ugu qortaa “Mcn miyaad ku hadleysaa.”, “Haa qalbi, aniga ayaa ku soo wacaaya” ayuu ugu jawaabayaa. Habeenku wuxuu dhammaadaa ayada oo sugeysa wicitaankiisa, taleefanka codka u furatay si aysan u seegin lacalla hadduu soo waco.

Habeeno badan ayay ku gama’day sugitaan subixiina wax fariin ah wayday. Qalbigeedu wuu u sheegayaa in ninkaani uusan dareenka ay u hayso oo kale uusan u hayn, haddana kuma dhiirran karto in ay xaqiiqda waajahdo ee cudurdaar ayay u samaynaysaa. Lafteedu waa ku baraarugsan tahay in cududaar u samayntu illaa meel tahay intaa ka badanna ay xaqiiqda iney wajahdo ku khasbanaanayso.

Bushra sax iyo khalad kala garan meyso, jacayl iyo khiyaano uma kala soocna. Jacayl ugub oo u eg kii ay Burhaan u qaadday labo sano ka hor ayay cirka la maraysaa. Talefanka gacanta k**a dhigto, shaqaalihii isbitaalka, hooyadeed iyo cid walboo u dhawayd si la yaab leh ayay u daawanaysaa iyada oo la dhawrayo halka ay dhaanka ku furto.

Bilaal wuxuu dareensiiyay wax walba oo jacayl ah isaga oo aan ku oran Waan ku jecelahay, Hadiyado ubaxyo u badan, Shukulaatooyin iyo buugaag ayuu si kedis ah ugu keenaa. Fariimo qurux badan ayuu u soo diraa. Caqligeeda ayuu xadayaa isaga oo aan si sax ah ugu qiran waxa uu ka damacsan yahay. Ayadu ma garan iska hubi, ma garan haddii aad bohol ku dhaceyso ha noqoto bohol aad fileysay. Ee waxey ku dhex noolaatay janadii uu u yaboohay, waxey dareemaysaa in haddii ay bilawga ka heshay aysan u baahnayn in ay isku murjiso dhamaadku wuxuu noqon doono, waxey nafta been ugu sheegtay, Wax walba oo gadaal ka yimaada waa qaddar, haddase waxaan ku noolahay nasiibkii.

Caawa saansaanta jawiga ayaaba madmadow ah, Roob ayaa daqiiqado ka hor qaaday, sida nolosha afartaan qofi mugdiga u tahay si u eg. Burhaan waxa uu soo qaatay gaarigiisii isaga iyo saaxiibkiis Maxamed ayaa u soo casho doontay makhaayad magaalada banaankeeda ah, wuxuu is leeyahay xoogaa isa soo xasili. Labo bilood noloshiisu waxa ay ahayd mid aan la aqoon halka ay ku socoto. Jacaylkiisii ayaa qiiq madow ka noqday isaga oo aan aqoon waxa gubay, sababta loo gubay iyo waxa isaga loo abbaaray. Maxamed oo sheeko yaqaan ah caawa shaqada kaliya oo uu hayaa waa inuu saaxiibkiis qalbigiisa rajo nolosha u geliyo, kana dhaadhiciyo in wax walbaa qaddar yihiin, dumarkuna sida jawiga isku bedbeddalaan, aysanna mudnayn wax loo walwalo.

Barwaaqo ayadana waxaa la socota saaxibted Bahja iyo wiil ay Bahja la sheekaysato, waxey iyaguna soo abaareen makhaayaddii burhaan iyo saaxiibkiis yimaadeen. Markey iridda ka soo galeen ayay dareemeen in goobtu buux u egtahay oo aan meel la fariistaa banaanayn. Ayaga oo quus ku dhaw ayay arkeen miis dhinaca ku haya kii Burhaan iyo saaxiibkiis fadhiyeen. Way iskaga qanceen maadama aysan doorasho kale haysan. Xoogaa markii la fadhiyay ayaa Barwaaqo indhaheedu waxey milicsadeen wiilkaan dhinaceeda fadhiya. Xoogaa markii ay wajigiisa eegaysay ayay xasuusatay maalinkii kafeyga ay meesha ku aragtay. Inkasta oo indhaheeda, caqligeeda iyo qalbigeedaba Bilaal deganaa, haddana way xasuusatay inuu aragtidii koowaad ku guulaystay in indhaheedu qabtaan.

Cashadii markii la dhamaystay ayaa Bahja iyo saaxiibkeed u dhaqaaqeen dhanka maqalka. Sidoo kale waxaa isna kacay Maxamed oo suuliga aaday. Waxaa soo haray Barwaaqo iyo burhaan oo is dhinac fadhiya. Fursaddaan ka faa’iidayso ayaa wax gudaheeda hoose ka yiraahdeen oo la hadal. Cod deganaansho ka muuqdo ayay ku tiri “Walaal iska warran”, “Miyaan ku garanayaa” ayuu si adag u yiri. Sidii saaxiibtiis isu baddashay cudurka hayana uu u garan waayay lama tuso Naag iyo warkeed.

Labadii sano oo uu ayada xiriirka la lahaana cid aan ayada ahayn indhihiisu ilbiriqsina ha ahaatee ma qaban. Intay is dajisay ayay tiri. Baarkii kafeyga ee Hebel ayaan habeenkii aad Bilaal la socotay kugu arkay. Markaas buu dib u xasuustay waa qoftii quruxda badnayd ee Bilaal watay. Wax baa qalbigiisa hinjiyay oo dhankeeda u soo jiiday. Saaxiibkay miyuu kula socday ayuu waydiiyay. Maya waayahaan waan kala mashquulnay oo is maba aragno ayay tiri. Wax baa qalbigiisa ku soo dhacay. Wuxuu xasuustay maalintuu Bilaal waraysanayay. Wuxuu isku xiray xargaha ilbiriqsiyo gudahood buu ku soo saaray waxa Bushrana mashquuliyay. Alla marka wax laguu sheego ayaad wax garataa ayuu yiri. Maxaad ka waddaa ayay tiri. Maya anaa isla hadlayay. Lambarkaagii muxuu ahaa buu waydiiyay. Horay bay ka siisay ayada oo aan hakad gelin. Sidii baa makhaayadii looga kala dareeray.

( La soco Qeybta Xigta).

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 7aadNoloshu kuma siineyso jaanis badan oo aad ku kala xulato dhammaan fursad...
14/05/2023

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 7aad

Noloshu kuma siineyso jaanis badan oo aad ku kala xulato dhammaan fursadaha ku horyaal, Haddii ay ku siisana adigu u caqli badnaan meysid sidii la rabay oo waxey u badan tahay in aad dooratid waxa ugu liita waxa lagu hordhigay, ayuu niyadda iska yiri. Wuxuu is waydiiyay: Bilaalow Haddii Bushra iyo Barwaaqo lagu kala dooransiiyo tee ayaad dooran lahayd?. Ma hadda mise barashadii Barwaaqo ka hor. Barashadii Barwaaqo ka hor khasab Barwaaqo ayaan dooran lahaa waayo indhahaygu quruxda kaliya ayay wax ku qiimayn lahaayeen. Haddase Bushra ayaan dooran lahaa.

Waxaan dareemayaa indhaheeda in wax aad Sixir moodid ku jiraan. Wax ii jiidaya dhankeda, oo i leh Bilaalow, Qoftaadii waa qoftaan oo keliya. Habka ay u socoto, sida deganaanta leh oo ay wax u daawato. Waxaan dareemaa in shakhsiyad cajiib ahi ku duugan tahay jirkeedaas jabka yar.

Waqti looma siin in uu intaas ka badan isla faqo. Waxaa soo dhacay taleefankiisii, waana Bushra. Waxey hadal uga bilawday:- sow Bilaal maaha?, Waxaan rabay in aan ku waydiiyo in aad jaanis heyso oo aad dhiig bixin karto. Bukaan ayaa si degdeg ah ugu baahan nooca dhiigaaga. K**a uu fakarin ee si degdeg ah ayuu u yiri “Hadda ayaan imaanayaa.” Waxaad mooddaa Askari taliyihiisu amar siinayo sida uu ugu hogaansamay warkeeda isaga oo aan waxba iska weydiin saxnaantiisa.

Kursi barandada yaalay ayay fariisatay ayada oo nafteeda ku canaaneysa hadda maxaa beenta kugu xaqsaday, maxaa kugu kallifay in dhiig aan loo baahnayn dartiis ugu wacdid. Wax aysan aqoon ayaa gudaheeda ka shaqaysanaya, wax aysan garanayn ayaa ficiladeeda maamulaaya. Waxey dareemaysaa inay doonayso kaliya inay isaga aragto. Haddaad aragto sida ay halganka ugu jirto in ay ilaashato Burhaan oo ay nafteeda ugu celcelinayso. “Ma dhici karto isaga ayaad jeceshahay, isaga ayaa noloshaada ah, noloshaada nin kale boos ugama bannaana. Waad u garaabi lahayd, waxaad oran lahayd wax ka tan wayn ayaa maamulaya oo u riixaya dhanka nin aysan aqoon waxa ay kala kulmi doonto.

Gaarigiisii ayuu isbitaalka meel gudihiisa ah ku baakimay. Dhankii qolkii ay maalinkii h**e dhiigga uga qaaday ayuu yimid. Wuxuu ka cudurdaartay inuu soo habsaamay. Gacantiisii ayuu u soo taagay, ayada oo ay jareyneesa ayay inta si dabacsan u qabatay surtay saliingihii.

Wuxuu nafta ku adkeeyay in uusan meesha ka bixin isaga oo aan waydiisan kulan ay gooni u kulmaan. Waxbaa qalbigiisa u sheegay in ay ogaan ugu yeertay oo aan dhiigiisa baahi loo qabin. Haddana gacaladiisa k**a uu shakin karo isaga oo aan caddeyn hayn, taasi waxa ay gef ku tahay jacaylkiisa curdanka ah. Habka ay u eegaysay, habka gacanteedu u jarayneesay marka ay tiisa taabatay ayaa ku lahaa wax baa ku dheeri ah shaqadeeda.

Isaga oo farxad gudaha ah dareemaya, haddana aan ku kalsoonaan karin dareenkiisa gudaha ee beenta noqon kara ayuu agteeda soo istaagay markii shaqadii u dhammaatay. Waxa uu si is adkayn ku jirto u yiri: Bushra waxaan kaa codsan lahaa haddii ay macquul kuu tahay in aan caawa is aragno, in aan si wacan kuula sheekaysto anaga oo aan isbitaalka iyo urta daawada ku dhex jirin baan doorbidi lahaa. Waxa aqbal iyo ajiibay ka yeersiiyay ayada oo aan la aqoon ayay dabacsanaan ku aqbashay la kulankiisa. Maskaxdeedu waxaey ku qaylinaysaa Burhaan sidaan haku samayn waligiis kaa Cafin maayo.

Barwaaqo iyo Burhaan qaddarta iyo koonka ayaa ka soo horjeeda. Dabayshii dhaqaaqdaba waxa ay waddaa war labadooda ka nixiya iyo ficil isu soo jiida Bushra iyo Bilaal Kaafiya oo uu ka dhex jiro jacayl aan sinaba macquul ugu muuqan.

( La soco Qeybta Xigta). #هدية #كربلاء

Guusha Erdugan ee doorashada dhici doonto ma noqon doonto mid turkida oo kaliya u qaas ah ama erdugan guul uu gaaray, ma...
13/05/2023

Guusha Erdugan ee doorashada dhici doonto ma noqon doonto mid turkida oo kaliya u qaas ah ama erdugan guul uu gaaray, marnaba doorashadaas ha u fiirinin Calmaaniyada waddankaas ka jirto.

Ogoow Turkiyada maanta jirto ma ahan tii 20 sano ka hor jirtay ee gabdhaha xijaaban waddooyinka lagu qaawin jiray, ma ahan turkiyadii dagaalka kula jirtay luqada carabiga iyo islaamka.

Inkasta oo turkiya ay tahay dowlad calmaani ah laakiin ha iloobin waddanka turkiga in uu yahay waddan islaam, haddii erdugan laga guuleystana Turkiya waxa ay dib ugu laaban doonnta gumeysigii uu mustafa K**aal ataturk galiyay

Ilaahey waxaan ka baryeyna Turkiya in uusan markale cadowga u gacan galinin

Taariikhda Turkiga waa qeyb kamid ah Taariikhda islaamka, Turkiga Saldhiga Khilaafadii Cusmaaniyiinta ee ay gaalada ride...
13/05/2023

Taariikhda Turkiga waa qeyb kamid ah Taariikhda islaamka, Turkiga Saldhiga Khilaafadii Cusmaaniyiinta ee ay gaalada rideen, Turkiga Shacabkiisu waa muslimiin inkasta oo uu Mustafa K**aal ataturka uu kala dagaalamay dhaqanka wanagsan ee islaamka iyo waxwalba oo islaamka xiriir la leh.

1923 ayey gaaladu ku guuleysteen Burburinta Khilaafada islaamka iyaga oo xitaa raadkeedii tirtiray, qof walba oo dowladdaas xiriir la lahaana tarxiilay intaas oo kaliya kuma ekaan ee Caalamka islaamka ayey cadoow uga dhigeen

2023 haddii doorashada wadankaas ay ku guuleystaan markale waxa ay taariikhda qori doonta Mustafa K**aal ataturk Cusub.

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 6aadDunida waxa ay dhahaan dadka is lihi isma helaan. Hadday is helaanna ism...
13/05/2023

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 6aad

Dunida waxa ay dhahaan dadka is lihi isma helaan. Hadday is helaanna isma hantaan. Warkaasi run buu ku dhaw yahay marka la eego marxaladda afartaan qof ee qofba qafiska qof kale ku jiro. Si ay u xoroobaan waxaa khasab ah in qalbiyo badani jabaan. In jacaylo badani burburaan. In qaarkood khiyaamoole loo aqoonsado halka qaarkood ay hanan doonaan kuwa aan qeyrkood ka qaadan karin.

Bilaal wuxuu ku fakaray waddo walba oo uu Bushra ku dareensiin karo inuu ka mudan yahay kan ay xiriirka la leedahay. Waa nin caqli badan, sidoo kale wuu ku baraarugsan yahay in qofta uu u dan leeyahay aysan ahayn gabar yar oo lagu siran karo lacag iyo wax la mid ah. Wuu ka qiyaas qaatay in ku filan qofka ay tahay inuusan oran karin xiriirka saaxiibkay ka soo bax oo aniga ii imow. Sidee ayuu sidaa u samaynayaa? Sidee ayuu ugu muuqan karaa nin u qalma nolosheeda oo aan xiiso doon ahayn. Barwaaqo ayuu yiri. Haa Barwaaqo uyada waa inaan noloshayda ka saaro ayuu iskula faqay.

War miyaad waalan tahay? Miro gunti ku jira kuwa geed saaran looma daadsho. Ma naag aadan haysan ayaad u eryi gabadha guurka kaa sugeysa. – Maya waa inaan nin nadiif ah noqdo. Waa in aanan cidna ku daneysan ee aan Barwaaqo runta u sheego una caddeeyo in wax iska beddeleen wixii aan awal u dareemayay. Macquul maaha haddaad ku dhaqaaqdo ficilkaas, waa marka noloshaadu burburayso. Cid walba oo isku kiin taqaana maxaad u sheegi doontaa?, Maxaa iga galay waxey dhihi doonaan haddaan anigu faraxsanayn?.

Wada hadal dheer oo isaga iyo naftiisa dhex maray, gunaanadku wuxuu noqday inuu nin iska dhigo oo rabitaankiisana caddeeyo. Barwaaqana uusan waqti kale ka sii dhumin. Geesinimo waa middaas ee ma yahay nin ku dhiiran kara?.

Bushra usbuuc dheer oo ay is waydiinaysay sababta uusan fariin kale ugu soo dirin, marna ay isku canaanaysay sababta ay marka horaba farriin uga sugayso. Waxey go’aansatay iney jacaylkeeda u sheegto ineysan guur diyaar u ahayn ayada oo marmarsiinyo ka dhiganeysa xaaladda hooyadeed iyo ineysan guur ku dhiirran karin ayada oo aan wax muuqda qabsan, shaqadana heer ka gaarin. Kursi barandada isbitaalka yaalay ayay fariisatay. Niyadda ayay iska waydiisay Guurka Burhaan soo ma ahayn waxaad waligaaba sugeysay. Hadduu hadda si kedis ah ku helay fursad uu kugu aroosi karo maxaa kaa hortaagan? Maya ma geli karo guur anigoo xaalad isku qasnaan ah ku sugan. Maxaa ku qasay ma waxaad rajo ka leedahay wiilkii watay gabadhii sidaad ogayd u ekayd. Haddaad dhawr jeer si kedis ah ku kulanteen indho rabitaan saa’id ah ka muuqdana isku eegteen macnaheedu maaha inaad guurkaaga uga baxdo ayay nafta kula shawrtay.

Barwaaqo maanta gurigoodii ayay timid, Walaashiis iyo hooyadiis bay waqti wacan la qaadatay. Ayada ma waxey ka tahay dareensii reerkooda inaad naag ku haboon tahay. Dhawr jeer bay hooyadiis ku soo hadal qaaday halka wax u marayaan iyo in guurkii soo dhaw yahay. Qosol iyo dhoolacadeyn laga dheehanayo in wax walbaa soo dhaw yihiin ayay mar walba isku dhaafisaa. Barwaaqo waxey ka dhalatay reer ladan hanti ahaan ayada wax macne ah uguma fadhido gurigooda quruxda badan iyo dahabka hooyadiis qabto. Hadafkeedu maaha iney noloshiisa quruxda badan gasho. Hadafkeeda waa iney nolol qurxoon la qaato ninkaan ay jeclaatay qiimo kasta ha ugu kacdee.

Burhaan waxay la noqotay wax aan la aqbali karin in ay Bushra jawaabta aan Haa ahayn siisay. Dayntii uu bangiga ka qaatay, gurigii uu qorshaynayay inuu kiraysto xataa diyaar buu u ahaa oo mulkiilaha wuu la hadlay. Isaga qudhiisu ma yaqaan waxa sidaa u dadajiyay. Waxa ku kallifay inuu halmar gaaro go’aan guur. Loogama h**eyn wada hadalkii Bilaal baqdin buu dareemay isaga oo aan garanayn halka laga soo weerarayo. Qaadan waaga ka sokow isaga waxaa khasab la ahayd in uu ogaado sababta dhabta ah ee ka dambaysa diiditaankeeda. Sow ma aha qoftii oran jirtay wax walba weynu wada qeybsan, xasiig hadday noqoto xataa waynu ku wada seexan. Jacayloow xaalkaa ba’ isbedbeddel badnidaa maxaa sugnaanshaha kuu diiday?.

Ugu dambayn kulankii ay waqtiga badan sugaysay Barwaaqo waa rumoobay. Hotel wayn bay casho u tageen. Salon wayn bay ka soo marsatay makeup quruxdeedii qurux ku daray. Waxey la tahay sidii caawa in uu u soo ballan qaadi doono guur. Qosolka iyo raynraynta qofkii arka wuxuu ugu dhaaranayaa in ay gacanta ku haysato wax ka wayn waxa dunidu bixin karto. Farxadeeda waxaa laba jibbaaray in kulanka uu Bilaal dalbay halka badi awal ay ayadu ahayd qorsheeyaha ballan walba iyo halka ay tagayaan. Niyadeedu waxa ay u sheegtay in wax wayni dhacayaan oo uusan si fudud isagu u ballamin. Guriga albaabkiisa ayuu ka soo qaaday, Goobtii ballantu ahayd ayay yimaadeen. Halmar ma uu dhoolla-caddayn intii ay soo socdeen. Waji macbuusnimadiisu wajigeedii sida ubaxa hadda dhashay u ifaayay ayay shiiqisay oo ay ka dhigtay sida ubax qalalay oo abaaruhu qalajiyeen. Ayada oo aan rajo fiican qabin ayay miiska fariisteen. Isaga laftiisu wuu gariirayaa, quruxdeeda oo uu waligeed u khushuuci jiray caawa waxbaa saa’id ku ah. Dhawr jeer buu is yiri – Niyow qof waalan oo keli ah ayaa ka taga qof sidaan u qurux badan.

Cashadii ayay caafimaad ku dhammaysteen ayaga oo aan wada hadal dheer is dhaafsan. Marka weelkii la qaaday ayuu inta gacmaheda gacmihiisa korsaaray ku yiri “Gacaliso i dhagayso.” Isaga oo aan hadalba oran ayay indho waawayn oo jacayl faro badani ka muuqdo ku soo eegtay ku tiri “Aad baan kuu jeclahay”. Xoogaa buu aamusay. Hadalkii baa ka kala lumay. Wax uu ku hadlo ayuu garan waayay. Ma qofkaagii oo sidaa u faraxsan ayaa loo quuri karaa niyad jab sidaas u wayn. Maya u dib dhig ayuu ku tashtay. Isaga oo arka in hadal laga sugayo ayuu hadalkii ku bilaabay: ” Barwaaqo intii aad noloshayda ku jirtay waxaan ahaa qofka ugu farxadda badan dadka koonka jooga adduunka ayaan kuu jeclahay.” Oo Been ah.

Ubixii haddeer qalalay farxad buu la soo baxay ilbiriqsiyo gudahood. Gurigeedii ayay ku laaabatay ayada oo is leh muxuu markii h**e kaaga bajiyay oo wajiga macbuuska ah kuu tusay. Isagiina dhanka gurigiisa ayuu gaarigii u soo kaxeeyay isago fulaynimadiisa nacladaya, naftana ku canaananaya haddaad runta u soo sheegi lahayd caawa wax walbaa waa kuu kala furdaansami lahaayeen.

( La soco Qeybta Xigta). #كربلاء #هدية

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 5aaddoonto.Burhaan farxadda qalbigiisa ka buuxda waxa aad moodaa in nolosha ...
11/05/2023

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 5aad

doonto.

Burhaan farxadda qalbigiisa ka buuxda waxa aad moodaa in nolosha loogu bishaareeyay in la siin doono furayaasha jannada. Waxa uu ku hanweyn yahay in uu caawa seexan doono isaga oo guur la qorsheeyay tan uu qalbigiisa u xiray. Gaarigii ayay soo gashay Bushra. Waxa ay u socdaan meel lagu nasto, cunto macaana laga cuno oo magaalada bannaankeeda ah. Heeso xasilooni muujinaya ayaa gaariga ka daaran. Isaga waxey la tahay maanta inuusan magaalada uusan joogin nin isaga ka farxad badan.

Bushra waxey isku canaananeysaa maxaan lambarkayga u siiyay? Tolow khalad miyaan galay?, sow lama rabin inaan u diido. Markey jawaab weysay ayay nafta ku xasilinaysaa muhiim maaha in aan lambarkayga siiyay ee waxaa muhiim ah in aanan la hadlin markuu ila soo hadlo. Gaarigii ayaa soo istaagay afaafkii makhaayadda. Iftiin yaryar ayaa ka baxaaya illinka laga galo. Gaarigii ayuu baarkinka dhigay. Intii aysan dagan ayuu inta gacanta soo qabtay ku yiri “Gacaliso, Waxaad tahay noloshayda waxa ugu qaalisan. Waxaan doonayaa cimrigayga inta ka dhiman in aan adiga kula qaato. Noloshayda maalinkaad soo gashay ayay wax walbaa rajo yeesheen. Waxa aan rabaa in aan ku guursado.” Intuu hadlayay wey maqnayd. Maskaxdeedu waxa ay jirtay maanta iyo dhiig shubistii. Waxaa horteeda yaallay gacantiisii xididada badnayd awoodda faraha badanina ka muuqatay. Waxa ay is waydiinaysay sababta uu Lambarkeeda u qaatay. Muxuu ii sheegi doonaa ayay jawaab in laga siiyo jecleysatay.

Burhaan oo yaaban ayaa yiri “Gacaliso, ma aadan maqlin miyaa waxaan ku iri?”, Ayada oo aan jawaabin baa taleefankii soo gariiray.

“Ugaaso waxaan rajaynayaa in aan wax ka barto xirfadahaaga ka baxsan bukaanka dhayidiisa.” Way iska qiyaastay in uu Bilaal yahay ayada oo aan jawaabin ayay taleefankii xirtay. Waxey isku dayday in ay u soo jeensato jacaylkeeda baladu sii jiidanayso. Wuuba ka degay gaariga oo banaanka ayuu ku sugayaa. Iyada oo khajilaad dareemaysa ayay soo degatay. Gudaha ayay galeen oo ay wada casheeyeen cashadii koowaad ee ay dareemayeen in dhexdooda balo soo gali doonto.

( La soco Qeybta Xigta). #هدية #كربلاء

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 4aadbeddelo, waa in uu helo gabar uu jecel yahay oo ku d**o. In uu iska daay...
10/05/2023

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 4aad

beddelo, waa in uu helo gabar uu jecel yahay oo ku d**o. In uu iska daayo istustuska iyo faanka aan macnaha ugu fadhin. In uu Quruxda, Caqliga iyo maalka ilaahay siiyay uu uga faa’iidaysto sida ugu habboon. Wuxuu ku celcelinayay in la gaaray waqtigii uu heli lahaa nolol xasiloon oo uu ku nasto.

Barwaaqo ayadu waxa ay rajaynaysaa in uu dhawaan guur u soo bandhigi doono. Lacag la’aani ma hayso oo wey ogtahay. Shaqo fiican buu hayaa oo waa xilligii ugu habboonaa uu guursan lahaa ayay nafta kula sheekaysataa. Maalin walba waxey aaddaa Saloon waxey soo marsataa Cillaan qurux badan ayada oo is leh isnaashnaashkaagu bal farriin ha u noqdo. Go’aan bay meel dhigatay. Bil gudahood haddii uusan guur igu waydiisan aniga ayaa waydiisanaya ayay hoosta ka xarriiqday.

Burhaan habeen iyo maalin wuu shaqeeyaa. Hadafkiisa koowaad waa in uu helo lacag ku filan oo uu Bushra ku doonto meelna ku dejiyo. Weli guur ma waydiisan wuxuuse ku hanwayn yahay in aysan diidi doonin haddii uu isagu dhaqaale ahaan diyaar noqdo. Jacayl xadka dhaafay ayuu u hayaa ayada, oo waxa uu xilli walba ka walwalaa armaa lagaaga hormaraa oo nin diyaar u ahi guur u bandhigaa adiguna aad sidaas ku hungowdaa.

( La soco Qeybta Xigta). #كربلاء #هدية #

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 3aadsaaxiibkiis ayaa watay. Marka labaadna badi gabdhaha muuqaalkeeda oo kal...
09/05/2023

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 3aad

saaxiibkiis ayaa watay. Marka labaadna badi gabdhaha muuqaalkeeda oo kale lihi k**a helaan dhalanteedka, ma jecla in ay ninkay doonaan hadal la furaan. Waxey u badan yihiin fariiddo dantooda si wacan u garanaaya.

Wuxuu geeyay Barwaaqo gurigeeda. Gaariga markii uu la soo kala wareegay ayuu wacay saaxiibkiis Bilaal, waxaana dhex martay:-

Saaxiib, ii waran muddo ayaan is moogayne?
Boqorow wanaag. Adigaa maqnaaye maxaad keentay?.
Shaqadii aan xagga u tagay ayaa iga soo dhamaatay. Saaka ayaan imid oo mid cusub ayaaba ii diyaar ah.
Saaxiib, Adna taajirnimada reerkiinaa ku caawisa.
Kkkkkkkk.
Mayee saaxiib waan ogahay kartidaada ayaad ku heshay.
Saaxiib Qoftii caawa ma dumaashi baa?
Allaylehe shaxaarinimadii ma anaad igula soo dhacday?.
Mayee waan iska kaa waydiiyay. Dhawr jeer oo h**e baan arkay.
halkee ku aragtay?
aad uma xasuusto.
Bilaal hadafkiisii waa gaaray. Warbixin ku filan waa uu ka aruursaday. Waxa uu ogaaday in ay 2sano xiriir leeyihiin. In waxa ka hortaagan in uu haatan guursado ay tahay dhaqaale xumo. In ay isbitaalka kalkaaliso ka tahay. Iyo in reer sabool ahi dhalay.

Bilaal quruxda waxaa u dheer kibir iyo isla weyni. Ugaartiisa isaga oo isagu ugaarsadaha ah ayuu haddana dareensiiyaa in ayagu yihiin kuwa wax jecel, kuwa wax raba in isagu yahay qof aanla heli karin oo qaali ah. Hadda isaga waxaa sugaaya hadaf dheer. Dhamaadku ma guul baa mise waa guuldarro, ma ceeb baa mise waa Sharaf, isaga oo iswaydiinaya ayuu hoonka yeeriyay.

Waxa uu gudaha u soo galay gurigoodii Awoowgiis oo bannaanka ku tasbiixsanaaya ayuu sii salaamay, ka dibna qolkiisii u sii gudbay. Wadnihiis xoog ayuu u garaacmayaa. Waxaad moodaa gabar yar oo markeedii koowaad la kulantay jacaylkeedii koowaad. Qolkiisii markuu sidaa u galay. Shaarkiina takabaanka surtay ayaa hooyadiisa albaabka soo garaacday.

“Hooyo, Walaashaa Shukri ayaa caawa guriga timid. Ninkeedii bay isa soo dagaaleen. Waxa ay tiri 2dii wiil waa uu iga reebtay gurigana si foolxun buu iiga soo saaray.” Ayay hooyadiis warka ku bilawday. Inta uu si xanaaq leh u eegay buu degdeg qolka uga soo baxay. Waxa uu isaga oo aan dheg la qabto lahayn qolka ugu galay walaashiis. “Sidee ayuu ku keenay aniga oo nool in uu sidaas kuula dhaqmo dayuusku?” “Abowe is daji wax wayn ma jiraan.” Walaashiis waa qof caqli badan oo garan karta xanaaqa walaalkeed inuu sababi karo dhibaato ka wayn tan hadda taagan.

Hadalkii ayay u dajisay, waxey wax ka tustay meelo badan. Markey dareentay inuu hadda xasilloon yahay ayay hadalkii ku bilowday. “Abowe, ninkaan is fahmi meyno. Waxa aan rabaa in la iga furo, labadeyda wiilna aan anigu korsado ee intaas inaad ila dhameyso igula dadaal.” Cod xanaaq yari ku jiro ayuu yiri “Awalba adigaa wax aan kuu qalmin doortay, bal ma magaalada intaas le’eg baad ka waysay wax isaga dhaama. Dhibse maleh anaa dhameynaaya howshaas.”

Walaashiis xumo uma uu quuro, xumaan iska daaye uma ogola in cidi si yar oo xanaf leh u eegto. Dadka kale gabdhahoodase in ay qashin yihiin ayaad ka shakinaysaa markaad aragto habka uu ula tacaamulo.

Qolkiisii ayuu ku soo laabtay. Xoogaa buu ka fakaray arrinta walaashiis. Ilbiriqsiyo ka dibse waxaa xasuustiisa mar kale soo salaantay Bushra. Iyadana waa inaan ka Sal gaaro ayuu nafta kula faqay. Sariirtiisii ayuu isku kala bixiyay. Hurdo dheer ayuuna galay.

( La soco Qeybta Xigta). #هدية

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 2aadsalaanta uu ka faaruqaayo saaxiibkeed, waxey kor u fuushay jaranjaradii,...
08/05/2023

Qalbiyadan Ma is Dhayi doonaan Mise? Qaybta 2aad

salaanta uu ka faaruqaayo saaxiibkeed, waxey kor u fuushay jaranjaradii, waxey timid dirin iyo fadhi yar oo nooca dhulka la dhigo ah oo meel gees ah yaalla. Daqiiqad ayada oo aan fadhin ayuu u yimid jaceylkeedii. Xoogaa wuxuu dareemay inuusan wajigeedu faraxsanayn. Su’aal isaga oo aan waydiin buu yiri:- Qaali waa saaxiibkay oo aan isku wanaagsannahay, in dhawayd Dubai buu hawlo shaqo u jiray, oo maanta ayuuba soo laabtay.

Sheeko ayay iska bilawdeen, iyaduna waxa ay daawanaysay dayaxa oo ka dhalaalaya meel korkeeda ku aaddan. Habeen aan farxad gooni ah wadan bay qaadatay. Casho iyo Shaah cabid ka dib ayey ka codsatay Burhaan inuu xaafaddii geeyo. “Gacaliso, jawigu waa qurxoon yahaye aan cabbaar joogno”, ayuu ku yiri. Inta ay kicid u Hollatay bay tiri “Qaali berri ayaan aroortii kacayaaye ina wad.”

Sariirteedii ayay tagtay. Dhawr jeer oo xuuralcayntii soo hormartay ka dib waxa ay seexatay Hurdo dheer oo aan laga toosayn illaa wadaadku eedaamo.

( La soco Qeybta Xigta).
#هدية #كربلاء

Address

Banaadir
Mogadishu
00252

Opening Hours

Monday 07:00 - 13:55
Tuesday 07:00 - 13:55
Wednesday 07:00 - 13:55
Thursday 07:00 - 13:55
Friday 07:00 - 13:55
Saturday 07:00 - 13:55
Sunday 07:00 - 13:55

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiil pro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hiil pro:

Share