07/09/2025
Suuradda Al-Qamar (القمر) – Aayadaha 1–8🌔🌓🌒🌑
1. ٱقْتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنْشَقَّ ٱلْقَمَرُ
Saacaddii (Qiyaamadu) way soo dhowaatay, Dayaxiina waa kala jabay.
2. وَإِن يَرَوْا۟ ءَايَةً يُعْرِضُوا۟ وَيَقُولُوا۟ سِحْرٌۭ مُّسْتَمِرٌّۭ
Haddii ay arkaan aayad (calaamad) way ka jeedsadaan, waxayna yiraahdaan: “Tani waa sixir joogto ah.”
3. وَكَذَّبُوا۟ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُمْ ۚ وَكُلُّ أَمْرٍۢ مُّسْتَقِرٌّۭ
Waxay beeniyeen (Quraanka) waxayna raaceen hawadooda, laakiin arrin kasta waxay leedahay meel go’an (iyo waqti sugan).
4. وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّنَ ٱلْأَنْبَآءِ مَا فِيهِ مُزْدَجَرٌ
Dhab ahaantii waxaa iyaga u yimid warar (Quraanka) ku filan in lagu waaniyo.
5. حِكْمَةٌۭ بَـٰلِغَةٌۭ ۖ فَمَا تُغْنِ ٱلنُّذُرُ
(Waxa ku jiraa) xikmad gaarsiisan, hase ahaatee digniinuhu waxba uma tarayaan.
6. فَتَوَلَّ عَنْهُمْ ۘ يَوْمَ يَدْعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَىْءٍۢ نُّكُرٍ
Allah (SWT) wuxuu la hadlayaa Rasuulkiisa Muxammad (SCW) isaga oo ku leh: 'Isaga tag ama ka jeeso gaalada madax-adeegay ee xaqa diiday,' sababtoo ah waano ma qaadanayaan, Sidaa darteed, Eebbe wuxuu Nabiga ku amray inuu ka jeesto oo uu sugo maalinta xisaabta iyo cadaabka ay la kulmi doonaan, halkaas oo ay dhabta xaqa ah arki doonaan.
7. خُشَّعًا أَبْصَـٰرُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌۭ مُّنتَشِرٌۭ
Indhahoodu way duleeysan yihiin, waxayna ka soo bixi doonaan xabaalaha sidii ayaxa (kala firxaday) oo kale.
8. مُّهْطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِ ۖ يَقُولُ ٱلْكَـٰفِرُونَ هَـٰذَا يَوْمٌ عَسِرٌۭ
Iyagoo si degdeg ah ugu socda qofka wacaya; gaaladu waxay ku odhan doonaan, Tani waa maalin adag.