Dema Facts

Dema Facts KAYDKA XAQIIQOOYINKA

Hon Abdalla Hussein Ali Hon Abdullahi Omar Abshir-Abshirow
05/08/2026

Hon Abdalla Hussein Ali
Hon Abdullahi Omar Abshir-Abshirow

Faahfaahin Xog ku saabsan kulankii u dhexeeyey Madaxweynaha JFS mudane Hassan Sheikh Mohamud , Guddoomiye Abshirow iyo Hoggaamiyaha KGS Aadan mafoobe

Xubno aad ugu dhow gudoomiye abshirow ayaa Somali Point u xaqiijyey in kulan dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha ku xigenka 2aad ee Golaha Shacabka Abdullahi Omar Abshirow, iyo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu ku dhammaaday is-afgaranwaa iyo natiijo aan dhinacyada qaar ku qanacsanayn.

Sida xogta ay sheegeyso, Guddoomiye Abshirow ayaa Madaxweynaha ka codsaday in dowladda federaalku si toos ah uga qeyb qaadato wax ka qabashada xaaladda cakiran ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana laga taageero sidii maamulka gobolka shabeelaha hoose dib loogu soo celin lahaa gacantiisa. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu codsaday in dowladda ay u adeegsato dhammaan awoodaha sharciyeed iyo kuwa siyaasadeed si loo taageero dadaalladiisa.

Dhanka kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Aadan Madoobe ayaa la sheegay inuu si buuxda u taageeray codsiga Guddoomiye Abshirow, isagoo Madaxweynaha ka dalbaday in dowladda ay garab istaagto sidii shacabka shabeelaha hoose logu soo celin lahaa gacanta maamulka KGS iyo in la garab istaago abshirow iyo kooxdiisa si ay u ilaaliyaan danaha maamulka KGS.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweynaha uu si adag uga jawaabay codsiyadaas, isagoo sheegay in aanay habboonayn in shacabka Gobolka Shabeellaha Hoose looga jawaabo awood ciidan. Sidoo kale, waxaa la sheegay inuu Guddoomiye Abshirow ku canaantay sida uu u maareeyay xaaladda gobolka, isagoo tilmaamay in shacabka ay muujiyeen diidmo cad iyo mowqif cad oo ay ku doonayaan xuquuqdooda ayna ku diidayaan fashilka abshirow iyo kooxdiisa, madaxwaynaha ayana cadeeyey inay waajib tahay in la tixgeliyo rabitaanka shacabka.

Xogta aan helayno waxay sheegaysaa in Madaxweynaha uu caddeeyay inuusan xilligan diyaar u ahayn qorshe lagu taageerayo in maamulka gobolka shabeelaha hoose dib loogu soo celiyo gacanta Abshirow iyo kooxdiisa , balse uu isaga si toos ah u hoggaamin doono xal u helidda arrimaha taagan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana la dhageysan doono aragtida shacabka.

Wararkan ayaa sidoo kale sheegaya in Guddoomiye Abshirow uu kulanka kala kulmay niyad-jab hankiisa siyaasadeed, halka isaga iyo Hoggaamiye Aadan Madoobe la sheegay inay dib ugu ballameen kulan kale oo ay kaga tashanayaan tallaabooyinka xiga. Waxaa la sheegay in walaac gaar ah uu ka jiro dhinacooda, iyadoo la xiriirta go'aannada iyo tashiyada ay sameeyeen bulshada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Somali Point.

WUU DHAMMAAADAY WAAYIHII WACNAA EE SAAXIIBADII DULMIGA SAAXIIBKA KU AHAADhowr iyo toban sano oo isqarin, matalaad la'aan...
04/08/2026

WUU DHAMMAAADAY WAAYIHII WACNAA EE SAAXIIBADII DULMIGA SAAXIIBKA KU AHAA

Dhowr iyo toban sano oo isqarin, matalaad la'aan, yasid, isla-weyni iyo isboqrin ahaa ayaa soo idlaaday. Tobaneeyo sano oo lagu sifoobay isla-weyni, yasid, waxqabad la'aan iyo bahdilka dadka iyo deegaanka ayaa gebi ahaanba god galay.

Waxaa saqiiray saaxiibadii dulmiga saaxiibka ku ahaa, Hon Abdullahi Omar Abshir-Abshirow , ismahdiyey iyo guulwadayaashiisii Hussein Ali Haji iyo Hon Abdalla Hussein Ali .

Shacabkii tobanka sano la yasayay, la bahdilayay, xaqoodiina la iibsanayay waxaa u bilowday waa cusub. Dadkii xaqa u taagnaa ayaa soo kacay, waxayna diideen dulmigii, kibirkii iyo matalaad xumadii muddada dheer lagu hayay.

Saaxiibadii dulmiga saaxiibka ku ahaa waxaa qabtay isla dulmigii ay dadka ku hayeen; maskaxdiina waa ka qaaday, shacabka se waa soo toosiyay. Waxay maanta marayaan ciqaabtii ay mudnaayeen. Talo ma leh, tolna ma leh ayay joogaan.

Waayeeladii qalinka iyo cimaamada ugu hiilin jiray, iyagoo difaacaya wiilashooda, maanta waxay wajahayaan waayo ay ka buuxaan walwal iyo walbahaar. Ibraahim cali xaaji iyo AwYare abshirow waqtigoodii wuu dhammaaday. Waxaa la joogaa waqtigii ay guran lahaayeen wixii ay ku beereen bulshada. Waxay ku tunteen kalsoonidii shacabka aaminsanaa, waxayna u hiiliyeen wiilashooda; maanta se shacabka waxaa u hiiliyey xaqoodii.

Taariikhdu waxay xusi doontaa qoysaskii galaaftay xuquuqdii dadka iyo deegaanka inay muddo ka badan toban sano dulmi ku hayeen beelweynta Biimaal, kana dhigeen kuwo xuquuq la'aan ah, isla markaana lagu eedeeyo inay iibsadeen xuquuqdoodii. Aw Yare, Abshirow iyo Ibraahim Cali Xaaji, waxay mari doonaan ciqaabtii ay ku muteysteen dulmiga iyo mahadhada ay u geysteen beelweynta Biimaal.

Address

Taleh Street
Mogadishu
00000

Telephone

+252684194154

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dema Facts posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dema Facts:

Shortcuts

Share