21/10/2024
قَالَ يَٰقَوْمِ لَيْسَ بِى سَفَاهَةٌ وَلَٰكِنِّى رَسُولٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ❤️
Nabi Huud wuxu waaniyay Tolkiisi Qowmu caad aha wuxu u shegay iney ka haraan asnaamta ay caabudan o ay Alle kaliya caabudan isaga cid aaan aheyn aysan xaq u leheen in la caabudo.
Reer Caad Marki xaqa loo shegay kadib wexey dheheen : Waan ognahay ina rabto inaa Ilaahyadena ka tagno o hal ilaah kaliya Caabudno, waxeyna ku tilmamen inu yahay mid caqli gaaban o beenale ah, Wey aflagadeyen Nabigi dhama o loo sodiray Risaaladana loguso dhiibay ahana ergay Alle dhankiisa ka socdo iyagana ka dhashay o aan ahen nin meelo kale iyo dad aysan garanen ka yimid.
Jawaabtas xun ka dib Nabi Huud wuxu bilaabay inu Naftiisa ka difaaco waxa xun ay ku tilmaamen una cadeeyo shaqadiisa waxa ay tahay, isago u marayo hab asluub iyo xigmad leh wuxu ku dhahy : Qoom keygiyoow ma ihi waxaad igu timaameysan iimana sugnan nooc ka mid ah noocyada caqli gaabnida ah lkn waxan idinla imaaday xaq ka yimid xaga Rabiga Caalamka Abuuray.
Xigmadaha aayada 67 suratu Al-Acraaf ay xambaarsan tahay waxa ka mid ah : Qofka marku ku caaayo in aad iska diido iskana bari yeesho wixi aadan aheyn o u kugu tilmamay aad dhahdo " Maihi waxas" sida Nabi Huud o kale waxa isku bari yeelay Nabi Nuux marki ay Qoom kisi ku dhehen: waxan kuu aragna in aad baadi ku sugan tahay, wuxu ugu jawabay : ma ihi mid Baadi ku sugan, kadibna wuxu u cadeyay inu yahay Rasuul Alle xagiisa ka socdo.
Qur'aan ku wuxu na baraaya asluubta hadalka iyo jawaabaha ugu quruxsan e lasiiyo kuwa dadka ceebeeya ceebta aadan laheyn raba in ay dusha ka saraan;
Dadku wey ku caay doonan xita hada tahay qofka ugu wanagsan bulshada, sas awged muhim mahan in lala yaabo caay dooda sabab to waxaa horaay loo caayaay Rusushi Alle soodiray, waxa mihiim ah in jawaab asluubeysan aad siiso.
❤️❤️❤️