16/11/2025
Rahma Roose “Hablaha hal baan leeyahay. In aad xiriir la yeelato nin dadaal badan ma aha hawl sahlan. Inaad xiriir la yeelato nimanka hawl-karka ah oo subax walba kaca oo maalin walba u dadaala sidii ay ugu noolaan lahaayeen nolol ay ku hammiyaan, waa in aad fahanto inuusan ahayn nin saacad walba la heli karo ama mar walba kaa qabanaya telka, oo waqti kula qaadanaya. Tani waa sababta dumarka qaarkood ay maalmahan u xiiseynayaan ragga aan lahayn aragti nololeed.
Waxaa laga yaabaa in aad u maleyneyso in uu yahay nin aan dan iyo heello ka lahayn xidhiidhkaga, waayo waxaa jira waqtiyo uusan had iyo jeer u muuqan nin wax kula wada, laakiin arrinku sidaa ma aha, waa cagsiga. Waxa uu subax kasta u kallahaa oo uu u baxaa sidii uu nolol qurux badan ugu raadin lahaa adiga, isaga iyo ehelkiisa. Waxa uu raadinayaa fursad kasta oo uu ku abuuri karo mustaqbal. Waxaad u baahan tahay in aad fahamto in ay jiri doonaan habeenno iyo maalmo badan oo uu heli doono waqti uu ku siiyo shumis iyo wadahadal qotodheer.
Ninka caynkaas oo kale ah waxa laga yaabaa in uu yara qallafsan yahay, laakiin waxa xaqiiq ah ninkani waxa uu ku jeclaan doonaa nooc jacayl aanad h**e u arag. Sidaa darteed ka daaya buuqa iyo doodda ragga idin maqan; bal ku dhiirrigeli ninka aad xidhiidhka leedihiin in uu nolosha eryado in ka badan inta uu adiga kugu mashquulsan yahay✨❤️"
Habeen wanaagsan ✨❤️
Maxay kula tahay?💯👇👇