07/01/2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi ayaa booqasho rasmi ah ku imaanaya caasimada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, wasiirka waxaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu kala hadlayo arrimo dhowr ah.
Wang Yi ayaa socdaalkiisa ku aaddan safar uu ku marayo dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Tansaaniya iyo Lesotho, wasiirka ayaa xoogga saarayo iskaashiga Jamhuuriyadda Shiinaha iyo dalalkaas ka dhaxeeya sida hadalka loo dhigay.
Muddada safarkaan uu dalalkaan ku kala marayo waa 7-da Janaayo oo maanta ah illaa 12-ka bishaan sida lagu xusay jadwalka safarkiisa Afrika, Beijing ayaa xoogga saaraysa isbahaysi xooggan oo qaaraddaan ah maadaama uu xooggaystay tartanka loogu jiro.
Afrika waxaa muddo 36 sano safarro ku tagayay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ujeedka waa in ay dowladdooda ogtahay muhiimadda ay u leedahay xiriir ay la samaysato qaaraddaan.
Wang Yi oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha waxa uu ka qeybgali doonnaa xaflad lagu daahfurayo xiriirka Shiinaha iyo Afrika oo lagu qabanayo xarunta Ururka Midowga Afrika.
Shiinaha waxa uu safka h**e uga jiraa dalalka garab istaagay Midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Beijing ayaa cambaaraysay faragelinta dibadda ah ee lagu hayo Soomaaliya.