21/08/2025
Fantasyihii galmudug ka dhacay bishaan august runtii midba midka kale ayuu kasii mudnaa, waxaana bogaadin iyo uhanbalyayn mudan shicibka iyo dowlada galmudug siday iskugu tashteen iyo guulaha ay gaareen, madaxweyne Ahmed Abdi Kaarie oo muujiyay bisayl iyo qaangaarnimo siyaasadeed, oo reer galmudug ka korisay is haysigii waayo badan ragaadiyay, waxuuna mudan yahay bogaadin si hugaamiyaasha Soomaaliyeed ugu daydaan.
Intaas kadib waxaa aad isoo jiidatay xarunta taliska xooga dalka qaybta 21-aad oo si qurux badan loo dhisay, meesha dal kasta oo qaangaaray laga eego/fiiriyo waa difaaca iyo awooda ciidan ee uu haysto, in la' awood siiyo ciidmada, la tayeeyo tabarkooda, xarumaha ay ku shaqeeyaan, dalacsiintooda iwm, waxay noo sahlaysaa qaran haybad leh oo aduunku ka xishoodo kana cabsado.