16/07/2023
Qormadaan oon u "bixiyay WAAYAHAYGII DHALLAANIMO" waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa iyadoo dhawr qaybood ah i.a waanatan qaybtii 1aad akhris wanaagsan
Hadda waxaan marayaa da,adaydii wax kala garashada waxaan ogahay biyaha in la cabbo.bariiskana la cuno. Waxaan kaloo ogahay waxyaabaha naftayda wax yeellayn kara ee laga dareemo jirka kore dubaaqase maya wali ma gaarin da,adaas.waxaan wax ku cunaa dhabta hooyaday Maryan Yuusuf (AHU) waa hooyaday hooyadeed anna waa hooyaday.marka aniyo hooyaday ma waxaa noqonaynnaa walaalo? Maya mannihin laakiin eray kale oo qalbigu ku raalli noqonayo ayaanan garanayn oon hooyaday Maryan ugu waco. Deegaan waxaan u nahay dhulka baaxadda leh een kiro guri, lacag koronto iyo mid biyo toona aan lagaa waydiinayn. Ma naqaanno hawooyinka qasan ee qiiqa warshaduhu isku badbaddalaan. Dhakhtarrada nalooma geeyo gaas, mallaariya, tiifoow iyo gabi ahaanbba cudurrada ka yimaada cunta xumida iyo jawi xumida. Guryaha k**a qaxnno cimilada isbaddala awgood. waxaannu hammeen iyo maalinbba qanaaco ku ladnnaa raarkayaga. Manaqaan saraha iyo wiishka balse si aan xoolahayaga u bidhaan raacnno waxaynnu dhirta dhaadheer ee dabiicigaa ka samaysannaa fiito. Marka aan geedkaa fuulnno een hoos u soo laabnno indhaha waxaa noo muuqanaya doogga iyo dhirta baarka iskula jirta iyo halahayagii oo bilcilkiyo madheedhkaba laacaya. Dareenku waa saa,id waxaa ku farxad galinaya naylaha, nirgaha iyo waxaraha dudumaha ku meeraysanaya iyagoo uga gole ciyaar. Xooluhu kugu dhibi mayaan inaad daba joogto ee waa kuwo qancay oo maalinka dhan laga yaabo inay wakhtigooda ku qaadanayaa 2km ee dhulka ah. Noloshu waa kala jaad ma jiraan wax mar walbba sidoodii ah doogga iyo damaashaadka dadkiyo xooluhu ma yihiin weeye kuwo sii jiraya mar walbba? Nolosha baadiye hadday intaa kulansatay maxay tahay sababta magaalooyinka loogu soo xaroonayo? Badanaa bulshada miyigu maxay noloshooda afmeerkeeda magaalada uga dhigtaan? Maxaad u malaynaysaa jawaabta? Haddaba haddaan isla fiirino jawaabta kaliya ee intaas oo suaalood is hor qodbaysa wax kale maaha ee korbba saan ku soo xusnnay noloshu waa kala jaad. Waxaad gaaraysaa mararka qaar dalluun maysku aastaa adoo nool culayska iyo rafaadka baadiyaha awgi.
Akhriste waxaad mooddaa inaan wali faahfaahinta nolosha baaddiyaha ku jiro balse aana ciwaanka buugga dhex abraarin. Bal aynnu bilawnno,e meesha aan ka xasuusto noloshaydii badhaxa la,ayd( xamdin) aminku waa dayr reerka waxaan ku ahayn 5 carruur ah waloow 3 aad u sii yaryaraayeen waxaana xaqirayn inay reerku shan carruura haysteen. Waxaase tirsi gala wakhtigaas aniga iyo gabadha reerka u wayn ee curaddaa. Subixii markuu waagu baryo ayaa waxaa hooyo Maryan(AHU)nagu quraacin jirtay caano geel iyo bur hogays amaba bariis caano geel lagu daray. Dabeetana waxaa laygu soo hallayn jiray halo dhawr ah oo irmaan halka ay gabadhuna oodda ka siiddayn jirtay adhiga. Waxaynnu ahayn labo aan caadiyan u edaab wanaagsanayn aabiga iyo aflagaaddada dadka waaweeyn ee waddooyinka maraya waxaa noo wehelin jiray inaan isa soo goobanno si aan u sii goobanno carruur saaka sidayada oo kale xoolo la soo raacsaday. Waxaa iigu sii darrayd subaxa aan waynno carruur aynnu la laacdamoonno waxaa isku soo jeesan jiray aniga iyo iyada. Da,a ahaan way iga waynayd, jidh ahaanna way iga xoogganayd taasina waxay sababta inay inta badan iga cabaajiso. Malin maalmaha kamid ah ayaan sidii caadada ahayd waxaynnu soo raacnnay xoolihii. Waxaan la jidhidhicoonaynnaa xoog qanjidhadu waxay nala barareen caaniyo cad hooyadanno nagu soo cabbaysay. Hadda waa barqo waxaan fiirinaynnaa dhinacyada bal in carruuri ka dhawdahay aagga. Aniga maalinta aan la helin cunug la juca jucaysto waa ba,ayga oo waa layga awood badan yahay mana cararayo oo waxaan ka baqayaa haddaan maanta u cararo inay subax walbba iballansato. Subaxaa waan waynnay qofaan foodda isgalinno waxaana bilaabatay inay idaandaansato. Waxaa jiray eray laygu caayi jiray oo caqligayga laga helay balse aan gadaal ka ogaaday in lagu faano waloow ay haweenka u gaar tahay ammaantaasi erayguna wuxuu ahaa( gasle) ama xaadle iyana markay imaaggan tahay wxay ii adeegsan jidhay isla eraygaan anna ma hadlo oo macaynayo mana haro oo k**a aamusee sidii nin xoog leh ayaan u digaa. Maysan ahayn mid inaan caayo sugaysa ee waxaaba badhaadhaheeda ahaa inaan u jawaabo un wakhtigay i jaa,ifaynayso. Horay ayaan isu galnnay. Ma ogi sababta kaddambbaysa balse waxaa noogu galay dagaalkii duhurkii dar alle gooraan u daalnnay wuxu waa haweene wajigayguna yahay hilib la oodkiciyay. Dabcan k**a yaraysan oo iyana garaafo la,aan maaha balse uma dhigmo kan igu yaal. Iskayo maraan u kala baxnnay xoolihii saaka naloo dirayna midba meel ka baxay ayaan dib u bilawnnay baadi goobkooda. Qof walbba waa yaqaan xisaabta u taal haddii xooluhu dayacmaan waana naqaan raadka xoolahayaga oo inaan soo helnno wax weeyn naguma ahe baadidayadii waynnu soo helnnay. Xaafadda markaan imaanno ma sheego inay gabadhaan ii awood sheegato subixii waxaan xaafadda ka baxaa anoo qanacsan shaqsi ahaanna quruxsan waxaanse soo laabtaa duhurkii ama hammenkii anoo dilan oo daallan. La soco...