03/12/2025
Waxaan xasuustaa sanaddii 2003dii waxaan ka imaaday xeebta curubo oo markaas eheed meesha kaliya ee aan baashaal iyo dabaal u aadi jirnay waxaan soo raacnay aniga iyo asxabteyda gaari xaajiyo ah waliba kor qiimaha lagu raaci jirayna wuxuu ahaa 1000sh.so. km4 ayaan kudagnay gaadiidka madiino waxa ay kala bixi jireen 2qeeb oo kala ah dhanka aripotka iyo dhanka jiiro cakaaro ama (muuri)
Wadadaas waxaa ku yiilay hal masaajid oo dul banaan ahaa iyo sarta say biyaano guri iyo ganacsi iskaba daa warkiisa marka laga soo leexanaayo jiro cakaaro waxaa ku yaali jiray qol yar oo burbursan oo ahaa qiyaastii meelihii biyaha laga dhaansan jiray ama laga waraabin jiray xoolaha intaa kadib waxaa xigay hool burbusanaa oo UNISOM tii dhistay oo ahaa meelaha tayniska iyo dabaasha agagaarkaas waxaa yiilay isbaaro uu koogi nin jiis ahaa magaciisa aan ka xauusto caana nuug oo katirsanaa mamulkii cakaaro 7000sh.so. laga qaadi jiray gaadiidka si lamid ah marka laga baxo howdkaas ama dhulka banaan afka h**e laga galo dharkenley waxaa isbaaro kale utiilay maamulkii makka iyo madiina oo uu madax u ahaa alxaaji muuse suudi yalaxoow si lamida 7000sh.so.lagu qaadi jiray
Runtii waxaan ula jeedaa in dhulalka maan loo wada qeeylinaayo oo 100%90 dad gaara taab sadeen kuwaas oo ka maarma daganna guryo sharciya oo waasac ah kadibna kii naga dhexeeyey ijaar ka gurta bil kasta miskiintii ku dhibaaya yacni (jiif oo jaq) haddii maanta dowlad imaatay misna ay ka xayuubisay diidayna sad bursi dhuleed ama isla asagii lagu yiri sharciyeeyso intaasna bixi dhib uma arko
W/Q:-Gaafow maroodi