23/05/2026
Maanta oo kale afar sano ka hor waxaa madaxtooyada qaranka faarujiyay madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ilaalinayaan ciidamada midowga afrika ee amisom.
Magaalada muqdisho ayaa maalintaas ku sugneyd xaalad aad u qalafsaneyd sida qaraxyada oo u dhacayay sidii daango saliid lagu karkariyay iyagoo galaafanayay nolosha kummannaan muwaadin asbuucii, ciyaal weerada oo magaalada qabsaday kana awood badnaa ciidamada amniga, dilka dadka ee ay geysanayeen ciidadamda oo marayay xaaald aad u sareyso iyadoo maalintii la dilaayay ugu yaraan 30 qof oo isugu jiro bajaajlayaal, caasileey, darawalada baabuurta xamuulka ah iyo muwaadiniin kale.
Ururka Alshabaab oo xargaha goostay ayaa maalintaasi canshuurayay dhammaan dadka ku nool gobolka banaadir, ka bilow hooyada caanaha gadeyso, tan qudaarta iibisa, fuundiga guryaha dhiso ku geey ganacsadaha weyn ee la soo d**o badeecadaha kala duwan ilaa ku geey masuuliyiin dawladeed oo isugu jira wasiiro iyo xillibaano ayey sido kale canshuurayeen. Iyadoo sidoo kale labadii qof ee gar isku qabato ay u garsoor doontaan dhulka Alshabaabka ka taliyo.
Afar sanno ka dib magaalada muqdisho waxa ay ka xorowday dhammaan caqabadahaasi aan kor ku soo xusnay, iyadoo maanta doodda ugu badan ay tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, soo saariddda shidaalka iyo guud ahaan kheyraadka dabiiciga ah, qalabeynta ciidamada xoogga dalka oo maanta ku hubeysan taangiyo, kaarayaal, diyaarado iyo qalabyo kale oo casri ah.