04/01/2026
Waxay aheyd labo sano oo imtixaan adag la mariyay bani’aadanimada kadib xusuuqii iyo go’doomintii ay Israa’11l ka geysatay dalka Falastiin. Labadaasi sano waxaa dunida ka dhacay isbedello waaweyn oo siyaasadeed, waxaana bannaanka yimid laba wajiileynta Galbeedka. Sheegashadii nidaamka caalamiga ah ee ahayd in uu ku dhisan yahay bani’aadannimo iyo ka hortagga isir-sifaynta ayaa been noqotay.
Labadaas sano waxaa dunida gilgilay dibadbaxyo waaweyn oo ay sameynayeen malaayiin ka mid ah shucuubta gobta ah ee caalamka, kuwaas oo ku kala duwan diin iyo dhaqan ba, balse ku midaysan basharnimo. Dalal badan ayaa siyaasadahoodi dibadda wax ka baddalay iyaga oo ka jawaabaya cadaadiska kaga imamanayay shucuubta ay maamulaan, cadaadiskaas oo ay ka dareemeen sanaadiiqda codbixinta.
Tusaale, dalka Belgiumka ayaa dhowaan ku biiray dalka Koonfur Afrika oo dacwad ka gudbiyay Kayaanka Suhyuuniga ah oo ku eedeysan inuu xasuuq ka geystay Qaza. Intaa waxaa dheer in dalalkii ugu badnaa ee Reer Yurub ay taageereen Qadiyadda reer Falastiin, iyaga oo aqoonsaday Dowladda Falastiin. Qaar ka mid ah dalalkaasi waxa ay ballan qaadeen in ay xiri doonaan Natanyaahu haddii uu dhulkooda cagaha soo dhigo, maaddaama oo ay Maxk**adda Danbiyada Caalamiga ah waaran u jartay.
Iyada oo intaas oo tallaabooyin ah oo liddi ku ah Nidaamka Gumeystaha Sahyuuniyadda ay qaadeen caddaan, madow, gaal iyo muslinba, waxaa ugub noqotay in walaalaheen Waqooyi Galbeed ay caksiga ku dhaqaaqeen in ay calan u taagaan oo ay aqoonsadaan Kayaan dhulboob ku dhisan, xasuuqna ku eedeysan oo dunida inteeda badan ka takooran.
Waa isdiiddo akhlaaqeed oo aad u weyn in adiga oo ka cabanaya xasuuq aad garab u noqoto nidaam xasuuqay boqol kun oo qof, sidoo kalana dhaawacay oo naafeeyay laba boqol oo kun oo birimageydo ah. Haddii jiheeyaha damiirku weli shaqeynayo, diyaaradda Hargeysa saaran k**a ag baban karo calanka Nidaamka Suhyuuniga ah ee dhulboobka iyo xasuuqa ku dhisan. Taasi waa saaqidnimo akhlaaqeed, waana mid shaki weyn galineysa dhab ahaanshiyaha qiyamka ay sheeganayaan kuwa u ololeynaya in ay Somaliland dal madaxbannaan noqoto.
Adduunka waxa uu marayaa xilli su’aal la galinayo jiheeyaha akhlaaqeed (Moral Compass) ee qof walba oo taageera Nidaamka Gumeystaha ee Israa’iil. Xitaa waxaa la qaaddacay ganacsiyo waaweyn oo si toos ah ama si dadban taageero ugu muujiyay Nidaamkaas.
26-kii Diseembar waxaa dhacay arrin fajaciso ku noqotay Soomaalida iyo shucuubtii caalamka labadii sano ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan u muujineysay diidmada waxa uu sameynayo nidaamka gumeystaha ee Isra'11l. Fajacisadaasi waa in dad Soomaali ahi ay calanka gumaysiga huwadeen, qaarkoodna sheegtaan in ay Isra'11liyiin yihiin, xilli ay YH-dii caalamka kale qaarkeed ay ka doodayso sidii ay haybtooda ula noolaan lahaayeen ka dib wixii ka dhacay Qaza. Dooddaas waxaa si fiican buug cusub ugu qaadaa dhigay Peter Beinart, kaas oo uu u bixiyay: “Being Jewish After the Destruction of Gaza: A Reckoning”
Sida ka muuqata sawirka aan soo qaatay, shucuub badan oo YH-d ah oo ka soo horjeeda mashruuca Sahyuuniga ah ayaa dunida meelo kala duwan si xor uga bannaan-baxay taageerana u muujiyay qadiyadda Falastiin, bal maxaa lagu micneyn karaa in maamul Soomaaliyeed uu xirxiro dad Soomaaliyeed oo Falastiin taageero u muujiyay?
Gabagabadii, Soomaalida in ku filan oo dhibaato ah way qabtaa, wayna ka soo kabanaysaa idamka Alle. Go’aanka maamulka Waqooyi Galbeed ee Israa’iil loogu casuumayo gayigeenna waxa uu noo soo dhoofinayaa uun dagaallo iyo qalalaaso hor leh oo aannaan u daafad hayn, waana khatar cusub oo ka dhan ah jiritaanka ummadnimo ee Soomaalida. Imaanshiyaha maamulka Gumaystaha ee dhulka Soomaaliyeed waxba k**a tarayo kala-duwanaashihii siyaasadeed iyo aragtiyihii la isku hayay, balse wuu sii hurinayaa. Sidaa awgeed, waa lamahuraan in laga dhiidhiyo oo laga soo wada horjeesado, dowlad iyo shacabba.
✍Mohamed Dugoow