Hassankafi Ashkir

Hassankafi Ashkir Yaabku waa jawaabta ugu fiican ee ay xaqiiqadu leedahay.

100% Doorashada Lafta-Gareen waxba k**a gedisna Doorashadii uu *Axmed Madoowe*, 2019 qabsaday ee HshM uu soo dhaweeyay!....
28/03/2026

100% Doorashada Lafta-Gareen waxba k**a gedisna Doorashadii uu *Axmed Madoowe*, 2019 qabsaday ee HshM uu soo dhaweeyay!. Waliba middaas baa afduub iyo xoog ahayd.

Lafta-Gareen wuu bareeray, Wax un Xasaanad ahna waa uu isku hubeeyay ee yaa ku dhici kara!? Dabcan HshM nin xisaabtama maaha oo dagaal faraha looga gudbto ayuu geli doonaa, haddaysan kuwa dhagaha wax u sheegta ee dulaalada ah ka ceshan!!

Si kastaba, Siyaasiyiin liitayaal ah oo kursi jacayl dilooday bay ummaadaan dhexda u gashay! Labadoodana kuwaas ayay ka mid yihiin, hase-ahaatee HshM iyo Lafta-Gareen waxaa gar leh Lafta-Gareen, oo dhulkiisa, deegaankiisa, gurigiisa iyo kursigiisa duulaan lagu yahay.

27/03/2026

Waxaan ku garaadsaday Aabe oo in badan Ammaan huwiya, Halyeygii Reer Yugaandha Idi Amiin Daada, oo ahaa Madaxwaynihii Yugaandha 1971 – 1979, marar badan baan dib u akhriyay sooyaalkiisa iyo halgankiisa nololeed, si gaar ah hab hoggaamintiisa iyo siduu dhagaro badan oo reer galbeedku dadlkaas la rebeen uga horyimid, waxuu ku tilmaamnaa in Sahaayinada uu si adag oo bannaanyaal ah uga soo horjeestay. Eeg hadalkaan kooban ee muuqaalka ah!

Qofnimadii Iidi Aamiin Daada waxaan dib u xasuustay ka dib markii ay faafeen warar sheegaya in Madaxwayne Yuweeri Musafani Wiilkiisa, oo ah Taliyaha ciidanka Yugaandha yiri, " Waxaan Taageero Buuxdaa u nahay Kayaanka Sahyuuniga"

Dharaaruhu sidaas ayay isku bedbedalaan, Afrikana nin kasta oo kursiga sanado badan xoog ku haysta, dadkiisa caddiba, kaligii-taliye kasta ee uu yahay, inta uu danta Reer Galbeedka ka shaqaynayo, cidina ma ridayso, kolka uu inyar u muuqdo halis dhankaas ku wajahan ayaa mar qura laga war helaa isagoo la dilay, ama la xabisay.

Dib u milicso Madaxweynihii Tansaaniya Joon Magufuli oo sii hoose loo qaarijiyay ka dib markii uu ka horyimid talaalka iyo cudurkii Covid-19, 2021, isagoo cadaymo soo bandhigay. Eeg waxa haliso amni ah ee haysta 38 jirka u taliya Burkiino Faaso, Saddex-Xidigle Ibraahim Taroore, ninkii ka h**eeyay si nabad ah buu qasriga isaga barkin dheeraysan jiray.

✍Hassankafi Ashkir, 27 Maarso 2026.

25/03/2026

الرجال مواقف .
Kala aragti duwanaanshiyuhu waa sunno soo jireen ah.

Geedigu carri barwaaqo ah ayuu ku fura doonaa Inshaa Allaah.

Musharax Madaxweyne Abdi Aynte , mid kamid ah dadka dalkaan u tura, ee aan ka shaqaysanee u shaqeeya ayaa ukala gar-qaad...
25/03/2026

Musharax Madaxweyne Abdi Aynte , mid kamid ah dadka dalkaan u tura, ee aan ka shaqaysanee u shaqeeya ayaa ukala gar-qaadaya laba nimoo saaxiibadiis ah oo muddo bahwadaag soo ahaa, isagana siyaasada soo geliyay !

Haddaba Hadalka Cabdi Caynte iyo Mabda' u dagaalanka Cabdiraxmaan Odoawaa, maxaa laga kororsan karaa, dadkeenusa ma u bisilyihiin inay danta guud doortaan sida Odawaa!

13/03/2026

Eygaan ciyaya wuxuu ku hadaaqayaa haddallo nacayb ah kuwii ugu liitay, isagoo iska indha tiraya xaqiiqada, ayuu hadana reer maraykanka caqligooda liidayaa oo maskaxdooda tog dhiiqo ah kasoo qaadayaa!

Waa ninka كافر ku qortay muruqa gacantiisa, waa ninka duqeeyay ee laayay Caruur gabdho u badan oo 170 gaaraya iyagoo goobtooda waxbarashada jooga, waana ninka xasuuqay naaqudayaal reer iraan ah oo bandhig u joogay xeebaha Hindiya, saa hadana wuxuu sii leeyahay Dowlada Iraan ayaa dibaxbaxayaal laynaysa(haddee sida xaqiiqada ah shacabkii lagu laayay iran ee tobaneeyada ahaa waxaa dilay oo rasaas ku furay basaasiin Moosaad ah).

Jab kii ugu xumaa, hoggaan midkii ugu liitay uguna doqonsanaa baa quwaddii wayneed ee Reer Maraykan kuwada habsaday!

Reer Galbeedka waxay dhahaan "Saxaafadu waa awoodda 4aad" , balse waxaa hubanti ah in saxaafadu tahay tiirka 1aad ee jir...
02/03/2026

Reer Galbeedka waxay dhahaan "Saxaafadu waa awoodda 4aad" , balse waxaa hubanti ah in saxaafadu tahay tiirka 1aad ee jiritaankooda ku ilaaliyaan.

Xiligaan la joogo rayul-caamka bulshada dunida waxaa qaabeeya oo hadba meel u jeediya warbaahinta reer galbeedka, sida dantooda ah ayayna warbixinada iyo daraasadaha usoo bandhigaan, xitaa haddii ay run sheegayaan!

Waxay aheyd labo sano oo imtixaan adag la mariyay bani’aadanimada kadib xusuuqii iyo go’doomintii ay Israa’11l ka geysat...
04/01/2026

Waxay aheyd labo sano oo imtixaan adag la mariyay bani’aadanimada kadib xusuuqii iyo go’doomintii ay Israa’11l ka geysatay dalka Falastiin. Labadaasi sano waxaa dunida ka dhacay isbedello waaweyn oo siyaasadeed, waxaana bannaanka yimid laba wajiileynta Galbeedka. Sheegashadii nidaamka caalamiga ah ee ahayd in uu ku dhisan yahay bani’aadannimo iyo ka hortagga isir-sifaynta ayaa been noqotay.

Labadaas sano waxaa dunida gilgilay dibadbaxyo waaweyn oo ay sameynayeen malaayiin ka mid ah shucuubta gobta ah ee caalamka, kuwaas oo ku kala duwan diin iyo dhaqan ba, balse ku midaysan basharnimo. Dalal badan ayaa siyaasadahoodi dibadda wax ka baddalay iyaga oo ka jawaabaya cadaadiska kaga imamanayay shucuubta ay maamulaan, cadaadiskaas oo ay ka dareemeen sanaadiiqda codbixinta.

Tusaale, dalka Belgiumka ayaa dhowaan ku biiray dalka Koonfur Afrika oo dacwad ka gudbiyay Kayaanka Suhyuuniga ah oo ku eedeysan inuu xasuuq ka geystay Qaza. Intaa waxaa dheer in dalalkii ugu badnaa ee Reer Yurub ay taageereen Qadiyadda reer Falastiin, iyaga oo aqoonsaday Dowladda Falastiin. Qaar ka mid ah dalalkaasi waxa ay ballan qaadeen in ay xiri doonaan Natanyaahu haddii uu dhulkooda cagaha soo dhigo, maaddaama oo ay Maxk**adda Danbiyada Caalamiga ah waaran u jartay.

Iyada oo intaas oo tallaabooyin ah oo liddi ku ah Nidaamka Gumeystaha Sahyuuniyadda ay qaadeen caddaan, madow, gaal iyo muslinba, waxaa ugub noqotay in walaalaheen Waqooyi Galbeed ay caksiga ku dhaqaaqeen in ay calan u taagaan oo ay aqoonsadaan Kayaan dhulboob ku dhisan, xasuuqna ku eedeysan oo dunida inteeda badan ka takooran.

Waa isdiiddo akhlaaqeed oo aad u weyn in adiga oo ka cabanaya xasuuq aad garab u noqoto nidaam xasuuqay boqol kun oo qof, sidoo kalana dhaawacay oo naafeeyay laba boqol oo kun oo birimageydo ah. Haddii jiheeyaha damiirku weli shaqeynayo, diyaaradda Hargeysa saaran k**a ag baban karo calanka Nidaamka Suhyuuniga ah ee dhulboobka iyo xasuuqa ku dhisan. Taasi waa saaqidnimo akhlaaqeed, waana mid shaki weyn galineysa dhab ahaanshiyaha qiyamka ay sheeganayaan kuwa u ololeynaya in ay Somaliland dal madaxbannaan noqoto.

Adduunka waxa uu marayaa xilli su’aal la galinayo jiheeyaha akhlaaqeed (Moral Compass) ee qof walba oo taageera Nidaamka Gumeystaha ee Israa’iil. Xitaa waxaa la qaaddacay ganacsiyo waaweyn oo si toos ah ama si dadban taageero ugu muujiyay Nidaamkaas.

26-kii Diseembar waxaa dhacay arrin fajaciso ku noqotay Soomaalida iyo shucuubtii caalamka labadii sano ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan u muujineysay diidmada waxa uu sameynayo nidaamka gumeystaha ee Isra'11l. Fajacisadaasi waa in dad Soomaali ahi ay calanka gumaysiga huwadeen, qaarkoodna sheegtaan in ay Isra'11liyiin yihiin, xilli ay YH-dii caalamka kale qaarkeed ay ka doodayso sidii ay haybtooda ula noolaan lahaayeen ka dib wixii ka dhacay Qaza. Dooddaas waxaa si fiican buug cusub ugu qaadaa dhigay Peter Beinart, kaas oo uu u bixiyay: “Being Jewish After the Destruction of Gaza: A Reckoning”

Sida ka muuqata sawirka aan soo qaatay, shucuub badan oo YH-d ah oo ka soo horjeeda mashruuca Sahyuuniga ah ayaa dunida meelo kala duwan si xor uga bannaan-baxay taageerana u muujiyay qadiyadda Falastiin, bal maxaa lagu micneyn karaa in maamul Soomaaliyeed uu xirxiro dad Soomaaliyeed oo Falastiin taageero u muujiyay?

Gabagabadii, Soomaalida in ku filan oo dhibaato ah way qabtaa, wayna ka soo kabanaysaa idamka Alle. Go’aanka maamulka Waqooyi Galbeed ee Israa’iil loogu casuumayo gayigeenna waxa uu noo soo dhoofinayaa uun dagaallo iyo qalalaaso hor leh oo aannaan u daafad hayn, waana khatar cusub oo ka dhan ah jiritaanka ummadnimo ee Soomaalida. Imaanshiyaha maamulka Gumaystaha ee dhulka Soomaaliyeed waxba k**a tarayo kala-duwanaashihii siyaasadeed iyo aragtiyihii la isku hayay, balse wuu sii hurinayaa. Sidaa awgeed, waa lamahuraan in laga dhiidhiyo oo laga soo wada horjeesado, dowlad iyo shacabba.

✍Mohamed Dugoow

Afar qodob oo ku saabsan qabashada Maduro.1. Waxaa hubaal ah in ninkaan garabkiisa ka baxeen saaxiibadiisa caalamiga ee ...
03/01/2026

Afar qodob oo ku saabsan qabashada Maduro.

1. Waxaa hubaal ah in ninkaan garabkiisa ka baxeen saaxiibadiisa caalamiga ee China iyo Russia!
2. Waxaa sidoo kale xaqiiqo jirta ah in Maduro shacabkiisa, dadkii ugu dhawaa iyo ilaaladii madaxtooyadiisu caadi u dhiibeen, oo ayna u dagaalamin difaacistiisa, sida laga filaye ilaalo kasta.
3. Qabashada Maduro ka dib, cashar fiican baa maraykanka laga bartay, kaas oo ku aadan jabinta heshiisyada iyo xeerarka nidaamka caalamiga ah.
4. Hadda ka dib dalna uma baahnaan doono inuu boqolaal kunoo askari iyo tobonaan wadan isugu keeno si uu dal kale ugu duulo, madaxwaynahooda usoo qabto, sidii Maraykanku ku sameeyay Ciraaq iyo Saddam Xuseen.

Ma sahlanayn in Maduro oo maalmihii ugu dambeeyay aad isu diyaarinaye saacado gudahood lagala soo baxo dalkiisa, kollee saaxiibadii China iyo Russia howshaan waxbay ka ogaayeen, ugu yaraan arimo kale oo daaha gadaashiis ah bay saaxiibkood u sadqeeyeen! Howl sirdoon waaye alaabtaan, qaddiyado waa-wayn baa inagoon ogayn si hoose loo kala tuuranaa ama lagu kala gorgortamaa si ninba dantiisa ugu adeego, waxaysa ugu xun tahay, marka madaxda ama ummadda iyagoon warba u hayn loo hoos geliyo oo qoraxda kusoo cadaato xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Venezuela gacanta maraykanka bay ku jirtaa caawa, iyadoo dadkeedu uusan dhiig badan ka daadan, halkaasba ka garo nidaamkii Maduro in dadkiisa goor h**e tufeen. Waana waddada kali ah ee sahli karta in dal dhan madaxwaynihiisa la qafaasho.

Haddii aad maqasho wada-hadal baa u socda dagaalamayaal iyo Dowlad reer galbeedka taageeraan, Qadar-na ay dhaxdhaadin ka...
02/01/2026

Haddii aad maqasho wada-hadal baa u socda dagaalamayaal iyo Dowlad reer galbeedka taageeraan, Qadar-na ay dhaxdhaadin ka tahay, ogow in mar h**e reer galbeedku go'aankooda gaareen oo howshaba soo dhammeeyeen, cidda kali ah ee wada-xaajoodka ka daba ordaysana tahay Dowladdii ay taageerada siin jireen, oo u arka in jiritaankooda ku xirantahay wada-hadal guulaysta —maba guulaysanayo e.

Warkoo kooban!

Reer Galbeed: "Adinkay idin taalaa is xaliya oo ku heshiiya waxa aad isku dilaysaan, anigu dhinicii aan taageerada u ahaa waan ku xiiqay"

25/04/2025

Bismillah,

Maanta waxaa magaalada ee dalka ku qabsoomay shir madaxeed looga arrinsanayay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM. Shir madaxeedkan wuxuu kusoo beegmayaa 18 sano kaddib markii ay ciidankaas ka howl billaabeen (31 Maarso 2007). Kutalagalku wuxuu ahaa iney saddex sano oo kaliya joogaan!

18-kaas sano waxaa Soomaaliya loo soo tabaray ciidan kor u dhaafaya 100,000. Waxa balaayiin dollar lagu bixiyey hubeynta iyo tayeynta ciidankeenna. Hiil iyo hooba wuxuu adduunku la garab istaagay xukuumadihii hoggaanka dalka isaga dambeeyay.

Yoolka ugu muhiimsan ee ciidankaas loo keenay dalkeenna wuxuu ahaa iney baritaaraan dowlad nugul oo garab iyo gaashaan ugu baahneyd si ay amniga gayigeeda ugu filnaato, ugana adkaato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Madaxdii isaga dambeysay hoggaanka dalka waxay shacabkooda iyo adduunkaba u ballan qaadayeen iney gaari doonaan isku filnaan amni, Khawaarijtana ka adkaan doonaan, lagana maarmi doono ciidanka ajnabiga ah.

Ha yeeshee, marka uu sii dhammaanayo muddo xiloodkooda ayuu madaxweyne walba afka furanaayay, isagoo ku cabaadayay in “mar kale fursad la siiyo” si uu “dib ugu soo dhiso ciidan tayo leh oo hanan kara amniga dalka.”

Sida uu Suubbanihii Nabi Maxamed, NNKH, inoo sheegay, “qofka Muslimka ah hal god laba mar lagama qaniino.”

RUNTA QARAAR waxay tahay, hoggaankii dalka isaga dambeeyay 18-kaas sano waxay ku summadeysnaayeen waxa aan ugu yeero T6:

1. Tuugeysi xoolo qaran
2. Toleysi xigto beeleed
3. Takrifal xoogga dowladda
4. Tuugsi xoolo shisheeye
5. Tayo xumo la taliyayaal
6. Tiiro gaabni xikmadeed

Hoggaanka intaas oo sifood kulansaday ma dhisin, ma dhisayo, mana dhisi doono ciidan qaran oo hanan kara amniga qaranka. Ciidan kaliya ma ahane, xitaa ma dhisi karo hey’ado dowladeed oo dalka samatabixin kara.

Khawaarijta, argagixisada iyo xoogagga kale ee halista ku ah jiritaanka qarankeenna waxay ku naaxaan, kuna bullaalaan habdhaqanka T6 ee ma lahan itaal ay iskood u tacbadeen.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gacan daahir ah ayaa wax daahirisa.” Danleysa T6 inaan ka sugno iney Khawaarijta ka adkaadaan waa halkii laga dhihi jiray “Dhedo roob noqon weyday.”

Waxaa lasoo gaaray xilligii lagu kacdoomi lahaa habdhaqanka T6 ee ay ku sifoobeen (inta badan) haldoorka siyaasadda. Waxaa lama huraan ah in lasoo bandhigo aragti qaran oo lagu badbaadin karo dalka, kana tarjumeysa himilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan hoggaan ay caddaaladdu habdhaqan u tahay.

Sidaan laguma sii jiri karo!
Abdi Aynte

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassankafi Ashkir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share