Halgan Media

Halgan Media Ku Soo Dhawoow Halgan Media

WAR-SAXAAFADEEDMuqdisho, Oktoobar 21, 2021; Kulan ay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ma...
21/10/2021

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho, Oktoobar 21, 2021;

Kulan ay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Xuseen Rooble ayaa looga wada hadlay qodobadan:

1. Dardar gelinta howlaha Dooroshoyinka.

2. Xoojinta wadashaqeynta iyo dardar galinta Hay’adaha Amniga Qaranka.

3. Xallinta kala aragti duwanaanshihii ka dhashay hoggaanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ).

4. Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Kulankaan oo ku qabsoomay jawi wanaagsan Madaxduna ay diiradda ku saareen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo danaha Qaranka ayaa la isku raacay qodobadan:

1. Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

2. In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.

3. In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

4. In Janaraal Bashiir Goobe loo magacaabo Wasiiru Dowle.

5. Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.

6. Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan.

Ugu danbayn, Madaxda Qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Moxamed (Lafta gareen) iyo masuuliyiinta kale ee udhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhexjirey loogu dhameyn Lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna usocoto si habsami leh.

Madaxda waxa ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed sida ay uga xunyihiin walwalkii ay dareemeen maalmihii la soo dhaafay iyaga oo u ballanqaaday shacabka in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhicilahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.

DHAMMAAD

12/08/2021

Wareysi Abdi Nageeye Iyo BashiIr Abdi Oo Ka Hadleen Taariiqda Nololeedkoodi ಟಾರ್ಟನ್

16/05/2021

Shirka DF & D/Gobaleedyada ee 20-ka May miyuu baaqan doona, Sharuudo cusub oo la ogaaday in ay jiraan, RW Rooble oo bilaabay Telfoon u dirid dhinacyada & Beesha Caalamka oo xoojinaysa

04/05/2021

DEG DEG Khudnadii Madaxweyne Farmaajo Muxuu Ku Sheegay

28/04/2021

DEG DEG Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Muxuu Ku Sheegay

27/04/2021

DEGDEG:- Madaxwaynahii h**e ee dalka ayaa caawa soo dhoweeyay warmurtiyeedka Hirshabelle iyo Galmudug baaq adagna diray.

27/04/2021

Maxay ka dhigan tahy talaabada cusub ee la maqlay, M/weyne Farmaajo muxuu sheegi doonaa!

Qoraal ka soo baxay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku saabsan xaaladda dalk...
27/04/2021

Qoraal ka soo baxay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku saabsan xaaladda dalka

Bismillaahi

Markii aan tixgaliyay duruufaha Adag ee uu dalku ku jiro iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran.
Markii aan latashi ballaaran la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Waxaan soo saaray War-murtiyeedkaan:
1- Waxaan ku celinayaa markale sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah.
2- Waxaan soo dhawaynayaa Warmurtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.
3- Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.
4- Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.
5- Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.
6- Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah.
7- Doorka beesha caalamka waa muhiim, waxaan codsanayaa in ay sii wadaan taageerada ay u fidiyaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.
8- Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ka codsanayaa in ay nagu garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka.
Wa Billaahi Towfiiq

27/04/2021

Wasiirka Amniga XFS" Reer Muqdisho nabaddii aad usoo rafaaddeen si fudud yeysan gacantiina uga bixin”

26/04/2021

Ra’iisul Wasaare Rooble “Waxaan ku baaqayaa shir deg deg ah si xal loogu helo xasaradaha ka taagan Muqdisho.
Bulshada rayidka ah waan uga mahadcelinayaa doorkooda xaldoonka ah, shacabkana waxaan ugu baaqayaa dulqaad iyo degganaan.
Dagaalka ha la joojiyo dadkeennana aan u turno.”

23/04/2021

Ordegan: Oo Mashruuc Halis Badan Faraha Kula Jiro Media

22/04/2021

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halgan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Halgan Media:

Share