Ilayska Maanka

Ilayska Maanka ku soo dhowaada bogga Ilayska Maanka oo ka aad ka heli doontaan muuqaallo iyo qormooyin xul ah

dad badan ayaa aaminsan in dhukayga uu yahay wasakh dhagta ku aruurtay oo u baahan in laga nadiifiyo.Dhegta qeybteeda di...
20/04/2025

dad badan ayaa aaminsan in dhukayga uu yahay wasakh dhagta ku aruurtay oo u baahan in laga nadiifiyo.

Dhegta qeybteeda dibadda wuxuu Alle ku abuuray qanjiro sameeyo dhukayga, markii la sameeyo kadib, wuxuu u dhaadhacaa gudaha.

Dhukayga wuxuu leeyahay faa'idooyin badan oo ay ka mid tahay:

-Wuxuu qooyaa dhegta, kana ilaaliyaa qallaylka iyo cuncunka.

-Dhukayga waxaa ku jiro maaddo jeermiska kala dagaallanto in dhagaha wax gaarsiiso.

-Dhukayga wuxuu xuubka maqalka ka ilaaliyaa inuu dhaawac gaaro oo si fudud wax kuma gaari karaan.

-Haddii boor, cayayaan ama wasakh dhegta gasho, dhukayga ayaa ka hor istaaga inay gudaha u gasho, oo wuxuu u shaqeeyaa sida wasakh celin oo kale.

Badanaa qofka uma baahno inuu dhagahiisa ka soo saaro dhukayga khaasatan hadduusan dhib ku haynin, weliba caruurta dhagaha looma nadiifiyo illaa inuu dhakhtar ku taliyo mooyee.

Waxyaabaha keeno in dhegta la nadiifiyo waxaa ka mid ah: in dhukayga uu dhegta owday oo maqalka yaraaday.
Waa muhiim in laga fogaado in dhagaha la qoryeeyo maadaama dhaawac gaari karo xuubka maqalka oo hadduu dilaaco halis noqon karto.

W/Q: Dr. Abdullahi Mahdi
-Somalidoc

Dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay aad ugu taliyaan cabbista caanaha, gaar ahaan waxa ay tilmaamaan in la cabbo habeenkii...
17/04/2025

Dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay aad ugu taliyaan cabbista caanaha, gaar ahaan waxa ay tilmaamaan in la cabbo habeenkii hurdada ka hor, xilligaas oo ay sheegeen in laga helo faa’idooyin ay ka mid yihiin.

In Neefayaasha qofku ay degaan, hurdo la’aanta oo ay ka hortagaan maadaama oo ay hodan ku yihiin asiidhada Amino lagu magacaabo, gaar ahaan kuwo qofka xasilooni badan ku abuuraya.

Waxa ay caanuhu hodan ku yihiin, Bakteeriyada fiican ee xoojisa hab-dhiska difaaca ee jidhka qofka, bakteeriyadaas ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay tahay mid waxtar badan leh oo kordhisa unugyada dhiigga cad ee cudurrada jidhka kala dagaallama.

Caanaha oo la cabbo marka la sii seexanayaa waxa ay dejiyaan dhiigkarka, iyo cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa uu ku soo badanaya dhalinyarada. Arrimo kala d...
15/04/2025

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa uu ku soo badanaya dhalinyarada. Arrimo kala duwan ayaa la xiriiriyaa sida cunno xumada, jimicsi la’aanta jireed, walwalka raaga iyo dhaxal.

Fadhiga badan iyo caadaysiga cunnooyinka aan caafimaadka uroonayn ayaa ka mid ah waxyaabaha siyaadiya halista dhiig karka. Hadabba cilmi baaris lagu sameeyay dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in geedka baytaraafku uu si weyn u caawiyo in cadaadiska dhiigga lagu soo celiyo heerkiisa dabiiciga ah weliba muddo bil gudaheed ah.

Maxay cilmi baraayaashu sheegeen?
Xeeldheereyaasha caafimaadka ayaa Tijaabo ku arkay in koob cabitaanka baytaraafka ah oo maalin kasta la cabo ay si cajiib ah ugu shaqaysay dad badan, iyadoo cadaadiska dhiigga ku celisay heerkiisii dabiiciga ahayd muddo afar asbuuc gudahood ah.

Waxaa xusid mudan in dadkii tijaabada lagu sameey uu cadaadiska dhiiggooda sare u kacay kadib markii ay joojiyeen cabitaanka baytaraafka.

Cilmi baaristaan oo ay samaysay jaamaacadda Queen Mary ee ku taalla magaaada London, ayaa ku talisay in cabitaanka baytaraafka uu noqon karo dawo dabiici ah oo cadaadiska dhiigga ku ilaalisa in uusan dhaafin heerkiisa dabiiciga ah.

Daraasaddan ay samaysay jaamacadda Queen Mary, ayay cilmi baraayaasha ku eegeen sida cabitaanka baytaraafku uu u kobcin karo caafimaadka wadnaha, waxayna sheegeen in maadada “nitrate” ee ku jirta baytaraafka uu jirku beddelo maado kale oo loo yaqaanno “nitric oxide” taas oo dejisa halbowleyaasha dhiigga, islamarkaana hoos u cadaadiska dhiigga.

Waxay daraasaddu tilmaamtay in maadada “nitrate” aysan ka yaraysan dawooyinka dhiig karka marka la isbarbar dhigo waxtarkooda, iyadoo baytaraafka iyo khudradda caleemaha cagaaran ay yihiin meelaha ugu fiican e laga helo maadadan. Waxaa lagu taliyaa khudradahan in aan la karinin marka la isticmaalayo maadaama dabku uu ka dilayo maadada “nitrate” sidaas awgeed waxaa haboon in la uumiyo ama cabitaan ahaan loo shiito.

Cabitaanka baytaraafka oo aad joogteyso maalin kasta waa hab dabiici ah, faaidana u leh maaraynta cadaadiska dhiigga sida ay tilmaamayaan daraasadihii u dambeeyay.

Cabitaanka baytaraafka waxa uu ka qayb qaataa caafimaadka wadnaha mana lahan wax cillado caafimaad ah.

Samayso caadooyin wanaagsan oo maalinle ah:Maalintaada ku qurxi caadooyin fudud oo farxad ku siinaya, taas oo yaraynaysa...
13/04/2025

Samayso caadooyin wanaagsan oo maalinle ah:
Maalintaada ku qurxi caadooyin fudud oo farxad ku siinaya, taas oo yaraynaysaa fursadda caadooyinka xun xun. Waxa ay noqon karaan inaad aroortii aad lugayso ama jimicsi kale aad samayso, inaad buug akhrido ama inaad dhageysato podcast Waxtarleh

Aqoonyahanadu waxay ogaadeen in uu xiriir ka dhaxeeyo caqliga iyo isxakamaynta. Daraasad la 2009 sameeyay ayaa dadka ka ...
09/04/2025

Aqoonyahanadu waxay ogaadeen in uu xiriir ka dhaxeeyo caqliga iyo isxakamaynta. Daraasad la 2009 sameeyay ayaa dadka ka qeybgalayay waxaa la kala doorransiiyay lacag yar oo hadda la siiyo iyo lacag fara badan oo mar dambe la siiyo. Natiijadu waxay noqotay in dadkii doortay lacag badan oo mar dambe la siiyo loo aqoonsaday kuwii naftooda xakameeyay oo samray – ay darajooyin sarsare ka keeneen imtixaannada caqliga lagu qiyaaso ee (intelligence tests).

06/04/2025

hababka ugu fudud aad uga hortagi karto ilko bololka ama suuska
1: Isticmaal Dawada lagu cadaysado ee ay ku jirto maadada “fluoride”
Maadada “fluoride” waxa ay faaido u keedahay ka hortagga suuska iyo ilko bololka.
2: Jooji sonkorta: Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha
Ka fogoow macmacaanka iyo cabitaannada ay sonkortu ku badan tahay.
Cadayso ugu yaraan 2 goor maalintii
Ka luqluqo haddii aad cunto shay sonkor leh
3: Ku luqluqo biyo milix leh: Biyaha cusbada leh oo lagu luqluqdo waxa ay uroon tahay ilkaha iyo dhuunta.

Waxaa la isku waafaqsan yahay in quraacdu ay tahay cunnada ugu muhiimsan ee maalintii, waa shidaalkii uu qofku kuhowlgel...
05/04/2025

Waxaa la isku waafaqsan yahay in quraacdu ay tahay cunnada ugu muhiimsan ee maalintii, waa shidaalkii uu qofku kuhowlgeli lahaa,
Waxaa la xaqiijiyey in quraacdu ay jirka u ilaaliso miisaanka caafimaadka qaba, oo haddii uu qofku ku dadaalo nooca cunno ee uu cunayo iyo xaddiga uu ka cunayo ay hubaal tahay in miisaankiisu uusan ka kordhayn intii loo baahnaa.

Beerku waxa uu kaalin mug leh ka qaataa dhammana hawlaha nolosha qofku ku xidhan tahay ee jidhku qabto ama u baahdo. Wax...
14/02/2025

Beerku waxa uu kaalin mug leh ka qaataa dhammana hawlaha nolosha qofku ku xidhan tahay ee jidhku qabto ama u baahdo. Waxa uu ka masuul yahay nadiifinta dhammaan xubnaha uurkujirta, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in beerka mar kasta laga nadiifiyo sunta, sida ugu habboon ee uu qofku ku nadiifin karaana waa in uu isticmaalo saliid saytuunta.

Laba malqacadood oo saliid saytuun ah ku dar sharaab liin dhanaan ah oo joogto u cab, waxa ay nadiifisaa beerka.

Xigasho qormo uu diyaariyay Kamaal Marjaan

Sida caadiga ah waxa uu qofku nolol maalmeedka si joogto ah ugala kulmaa cadaadisyo akala duwan oo ku lammaan shaqada, m...
09/02/2025

Sida caadiga ah waxa uu qofku nolol maalmeedka si joogto ah ugala kulmaa cadaadisyo akala duwan oo ku lammaan shaqada, macaamilka dadka iwm, waxaana mararka qaarkood ay kaga tagaan xaalado nafsi ah oo keena diiqad, iyo qosolka oo ku yaraada.

Haddaba khubarada caafimaadka nafsiga ahi waxa ay sheegayaan in qosolku uu yahay dawada ugu fiican ee uu qofku kula dagaalami karo diiqadda nafsadda iyo cidhiidhiga acsaabta ee ay duruufaha joogtada ah ee nolol maalmeedku keenaan, waxa aanu furfuraa dabeecadda qofka oo uu ka kaxeeyo cadhada iyo murugada.

Faaidooyinka caafimaad ee qosolka:

1) Cilmibaadhis caafimaad ayaa daahfuray in qofka qosolka badan aanu inta badan ku dhicin xanuunnada nafsiga ah oo ay ka mid yihiin, diiqadda, walbahaar iyo niyad xumadu.

2) Qosolku waxa uu qofka u suurtogeliyaa in uu hurdo fiican seexdo, jidhkiisuna si buuxda u nasto xilliga hurdada.

3) Qosolku waxa uu kor u qaadaa hormoonnada wanaajiya guud ahaanba caafimaadka, waxa uu kordhiyaa tirada unugyada ka hortaga walxaha dhibaateeya hab-dhiska dheefshiidka.

4) Waxa uu qofka ka kaxeeyaa shucuurta nafsiga ah ee taban, sida dareenka cadhada, shucuurta dembiga ee qofku mararka qaarkood dareemo, sidoo kalana waxa uu siiyaa tamar uu kaga fikiri karo xal u helidda iyo la macaamilka mushkiladaha nolosha ee ka hor yimaadda.

Inaad samaysato waqti go'aan oo aad seexato iyo waqti go'an oo aad soo kacdo waxay wanaajisaa tayada hurdaada. Jirkaagu ...
08/02/2025

Inaad samaysato waqti go'aan oo aad seexato iyo waqti go'an oo aad soo kacdo waxay wanaajisaa tayada hurdaada. Jirkaagu waxuu baranayaa jadwalkaas, waxaana fududanayaa inaad dhaqso u gam'do fiidkii iyo inaad si fudud usoo kacdo aroortii.

Caadadani waxay faaido u leedahay nidaamka hurdada iyo soo jeedka ee jirkaaga, waxayna caawinaysaa inaad soo kacdo adigoo dareemaya inaad si fiican u seexatay.

05/02/2025

Calaamadaha Lagu garto Haddii ayku Jeceshahay

27/01/2025

Shukaansiga Qof Kugu Cusub (3Wax Iska ilaali)

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ilayska Maanka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category