UDUB POST

UDUB POST War la hubo.

Ra'isul wasaraha dalka ayaa lagu so dhaweyay magala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo dh...
25/08/2023

Ra'isul wasaraha dalka ayaa lagu so dhaweyay magala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo dhaweyayay wafidiga ra'isulwasara Xamze Abdi Barre iyo ku xigeenkiisa Airportka magaladda.

NEWS:CIIDAMADDA SOMALILAND AYAA SAKAY ISAGA BAXAY GOOJACADDE KADIB DAGAAL ADAG OO KA DHACAY SALDHIGGA IYO NAWAAXIGIISA.D...
25/08/2023

NEWS:

CIIDAMADDA SOMALILAND AYAA SAKAY ISAGA BAXAY GOOJACADDE KADIB DAGAAL ADAG OO KA DHACAY SALDHIGGA IYO NAWAAXIGIISA.

Dadka degaanka iyo ayaa ugu dambeyn la warewgay lamana oga in Somaliland dib usoo weeraro doonto iyo in kale.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA...
01/08/2023

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday Hay'adda (Save the children),waxaana Wafdigaan hogaaminaayey Cabdiladiif Maxamed oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee hay'adda Save The Children Waxaana kulanka ku wehlisay
Francesca Sangiorgi Agaasimaha Humanitarianka ee SAVE The Children,

Kulanka ayaa looga hadlay in Save the children hay’ada SoDMA ka caawiso in Qorsho loo sameeyo Fatahaado laga cabsiqabo in ay ka dhacdo qeybo kamid ah dalka,ka qey qadashada qorsha istaraatijiyada 5-ta sano ee soo socta ee hay'adda maareynta musiboyinka,Dardargalinta mashaariicda iyo xiriirka labada Hay’addood,waxaana kulanka kadib kormereen xubnahaan qeybo kamid ah xafiisyada Hay'adda Maareynta Musiiboyinka.

Madaxwaynaha ugu beenta iyo musuqmaasuqa badan ee 2022 Ahmed Abdi Kaarie
03/02/2023

Madaxwaynaha ugu beenta iyo musuqmaasuqa badan ee 2022 Ahmed Abdi Kaarie

Jamal Muhumed Osman
24/01/2023

Jamal Muhumed Osman

Jamal Muhumed Osman
23/01/2023

Jamal Muhumed Osman

17/01/2023
05/11/2022

Ha talaalin bidaarta

05/11/2022

Abwaan Goos Gooste tix gabay BARAARUG

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta k...
17/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka.

Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka iyo dabargoynta kooxda argagixisada ah ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.

Wasiirka difaaca XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf ...
17/10/2022

Wasiirka difaaca XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay saraakiisha Qaybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku boorriyay in dar dar-dar galiyaan Howlgalada lagu Ciribtirayo Argigixisada Al-shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Mada...
17/10/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed."

Address

Taleex
Mogadishu
011

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when UDUB POST posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to UDUB POST:

Share