
05/06/2023
DDS .
Wararka ka imaanaya magaalada aadka ukoraysa ee RAASO ayaa sheegayain xaalad aad ukacsan ay kajirto magaaladaasi taasi oo dhaxaysa labo beelood oo halkaasi wada daga oo isku haya qabashada xilka Mayarka magaalada ,
Labadan beelood oo xifaaltan adag kadhaxeeyo ayaa waxaa horay usoo dhexmartay collaad markii danbe ku faaftay beelaha kale ee raaso taasoo keentay inay midkamida labadan beelood ka qaxdo magaalada kadibna uu dhacay dagaal bllaadhan oo ay ku dhinteen boqollaala qof .
In kastoo aanay colaadi jirin hada hadana waxaa laga cabsi qabaa in arintani ay dib usoo celiso dagaal sokeeye oo halkaasi ka dhaca .
Odayaal aan lahadnay ayaa noo sheegay in ay xaaldu aad ukacsanthy , iyagoo ku eedeeyay maamulka gobolka iyo kan degmada inay mowqifkooda caddayn kari waayeen isla markaana ay kala dhex gali waayeen labada beelood.
Iyadoo midka kamida labada beelood ay gudoomiyaha degmada qabyaalad iyo eexasho ay ku eedeeyeen .
Cali Bldhaa .
Iimey galbeed .