CeelWaaq News Times

CeelWaaq News Times CeelWaaq news (CeelWaaq News) is an independent Somali News site owned by CeelWaaq news Media Inc. E

Broadcasting, Entertiments,
2020

Mogadishu, Somalia
Area served

& abroad (satellite)

Federal Government of Somalia

Dubbe is the Minister of Information of Federal Government of Somalia

Somali National Witter Newspaper is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu, the nation's capital, its main res

ponsibility is to provide public service broadcasting throughout the country. CeelWaaq News is regulated by the Ministry of Information, of the Somali Council of Ministers

DEG DEG: xog hoos ayaa ku helnay in dowladda dhexe ay diyaarisay xarriga Xassan Ciraaqi oo ay dowladda ku tuhunsan tahay...
12/12/2024

DEG DEG: xog hoos ayaa ku helnay in dowladda dhexe ay diyaarisay xarriga Xassan Ciraaqi oo ay dowladda ku tuhunsan tahay in uu la shaqeeyay dhanka Axmed Madoobe uuna fududeeyay in ay ciidanka isdhiibaan qaarna ka baxsadaan Raaskambooni.

Xog- xaqiiqadeedq waxay soo bixi doontaa marka Xassan Ciraaqi uu Muqdisho soo galo.

  Gobalka Gedo somaaliya Darsada idiin muuqato biyihihii ayaa kadulmaray oo bacaad saaray kadibna cows ayaa kabaxay bal ...
01/12/2023

Gobalka Gedo somaaliya

Darsada idiin muuqato biyihihii ayaa kadulmaray oo bacaad saaray kadibna cows ayaa kabaxay bal qiyaas xaladaas

Dagmadii Ceelwaaq dadkii daganaa waxa ay kaqaxeen daadadkii oo dagmadii dibad joog ayay kanoqdeen waakuwaan dameerihii daadadka dabaalanaya

Dagmada Ceelwaaq ee gobalka.Gedo dhibaatada kajirto dhanka fatahaada ruux tagay oo indhihiisa kusoo arkay mooyaane ruux wax looga sheekayn karo ma ahan

Magaalada waxaa ladhihi karaa 90%biyo ayaa qaatay oo dadkii banaanka ayay uga qaxeen

MADAXWEYNE CABDICASIIS LAFTAGAREEN OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA AGAASIMAHA ISPITAALKA DEGMADA BUUR-HAKABABaydhabo, Disembar...
07/12/2022

MADAXWEYNE CABDICASIIS LAFTAGAREEN OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA AGAASIMAHA ISPITAALKA DEGMADA BUUR-HAKABA

Baydhabo, Disembar 7, 2022; Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Dr Bishaar Ali Huub oo ahaa Agaasimaha Ispitaalka Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Dr Bishaar Ali Huub uu ahaa da,yar dalkiisa wax usoo bartay kuna qanacsanaa uadeegida bulshadiisa balse ay sababsadeen cadowga khawasrijta alshabaab oo marwaliba mashquul ku ah sidii ay dunida udhaafin lahayeen qofka bulshada waxtarka uah.

“inalilaahi waina ileeyhi raajicuun waxaan ehelka,qaraabada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed ugu tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid alle haunaxaristee marxuum Dr Bishaar Ali Huub,tani waxay daliil utahay sida cadowga khawaarijta Alshabaab marwaliba bartilmaameed ugu yihiin haldoorada bulshada uadeegaya marxuum bishaar waxa uu geeriyooday isagoo uadeegayo bulshadiisa.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

DHAMMAAD

 : Degmada Celwaq ayaa waxaa ka dhacay shaqaaqo kabilaabatey muran dhuleed 2 qof oo shacab ah ayaa kudhimatey inkabadan ...
03/12/2022

: Degmada Celwaq ayaa waxaa ka dhacay shaqaaqo kabilaabatey muran dhuleed 2 qof oo shacab ah ayaa kudhimatey inkabadan 4 qofna waa dhaawac shacabka oo aan lahadalney waxay muujinayaan walaac badan oo ku aadan sidi xal loogu heli lahaa dhibka dhacay iyadoo ay diideen eheladi ay kadhinteen labada qof in la aaso meydka.

Muuqaal ayan idinla wadaagi doonaa dhawaan.

Waxii helaa la yaabay Alshabaab siday usaarnaayeen Garigaan mid k**a nolaan ayaga iyo hubkii ay wadeen way isku bas beel...
04/11/2022

Waxii helaa la yaabay Alshabaab siday usaarnaayeen Garigaan mid k**a nolaan ayaga iyo hubkii ay wadeen way isku bas beeleen.

Waxay ahayeen gurmad, mahadsanidiin Ciidanka Xoogga Dalka qaasatan Danab.

Ciidamadda amniga ee Beledwayne ayaa gacanta ku dhigay gaari dameer lagu soo qariyey walxo qarxa kasoo la doonayay in la...
23/10/2022

Ciidamadda amniga ee Beledwayne ayaa gacanta ku dhigay gaari dameer lagu soo qariyey walxo qarxa kasoo la doonayay in lasoo geliyo xarunta gobolka

Garoowe: 21 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoowe kusoo dhoweeyay Ma...
21/10/2022

Garoowe: 21 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Diblumaasiyiin, Isimo iyo Ganacsato.

Soo dhoweynta waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenk koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA Puntland State House

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY QORSHAHA QARAN EE SOOMAALIYA CAGAAR AHMuqdisho, Oktoobar 21, 2022; Madaxweynaha Ja...
21/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY QORSHAHA QARAN EE SOOMAALIYA CAGAAR AH

Muqdisho, Oktoobar 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah ayaa ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.

"Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasumadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada dalka.

DHAMMAAD.

Afar askari oo ka tirsan Ciidamada booliska dalka ee ka hawalgala Ismaamulka Mandera ayaa dhaawacyo fudud ay Soo gaareen...
18/09/2022

Afar askari oo ka tirsan Ciidamada booliska dalka ee ka hawalgala Ismaamulka Mandera ayaa dhaawacyo fudud ay Soo gaareen kadib markii Baabur xaamul ah oo ay la socdeen uu shil ku galay degaan hoostaga degmada Elwak ee ismaamulka Mandera .

Four police officers sustained slight injuries when the vehicle they were using lost control and overturned at FINCHARO trading centre along ELWAK -TABAKA road.

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gor-gor, ayaa Howlgal waxaa ay ka sameyeen Degaano hoos taga Gobolka ...
18/09/2022

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gor-gor, ayaa Howlgal waxaa ay ka sameyeen Degaano hoos taga Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidanka Kumaandooska Gor-gor, ayaa howlgalka waxa ay ka sameyeen Degmadda Raage-ceele iyo tuuloyinka ku teedsan

Kooxda Argagixisada Al shabaab ayaa la sheegay in ay halkaas is kaga cararay ka dib markii ay dareemeen culeeys soo wajahay

18/09/2022
QALADAADKA WACDIGII CAAWA MADAXWEYNUHU JEEDIYAY1. TAN UGU DARAN; Madaxweynuhu wax tacsi ah k**a dirin Ummaddii Cadowgu k...
23/08/2022

QALADAADKA WACDIGII CAAWA MADAXWEYNUHU JEEDIYAY

1. TAN UGU DARAN; Madaxweynuhu wax tacsi ah k**a dirin Ummaddii Cadowgu ku xasuuqay Hotel Xayaat iyo ganacsatadii hantidooda cadowgu weeraray intii u badbaadayna lagu dumay amarka dowladda
2. Madaxweynuhu wuu wacdiyay bulshada waxqabadse ma sheegin
3. Madaxweynuhu wuxuu bulshada la horyimid been cad wuxuuna isku dayay inuu bulshada Maxaas, Teedaan iyo Matabaan kula daarto dagaalka aanu wax shaqo ah ku laheyn oo qabaa'ilka is abaabulay ay Alshabab galeen kagana adkaadeen

4. Madaxweynuhu waa diiday inuu bulshada la wadaago amaradii qaldanaa ee lagu burburuyay Hotel Xayaat

5. Madaxweynuhu isaga oo Masaajidkii Madaxtooyada Amni darro uga baaqday ayuu markale dagaal aanu u diyaargaroobin ku dhawaaqay.

6. Madaxweynuhu markii uu Baagamuundannimadada ahaa wuxuu Madaxweynaha ku eedeyn jiray in aanu Muuqaal soo duubi doonin ee uu si toos bulshada u hor-imaan doono mase dhicin ee wuxuu Caawa soo fasaxay muuqaal laga duubay isaga wacdiga loo soo diyaariyay ka aqrinaya (Teleprompter) hortiisa yaallo.

7. Intaas oo dhan waxay ku soo aaday Caawa ay oo Madaxweynaha u buuxsantay 100-kii Maalmood oo uu qabsaday inuu Shabaab dalka ka xorreynayo iyada oo taas badalkeeda uu Madaxweynuhu arrimo amni uga baaqsaday Masaajidka Madaxtooyada ku dhex yaala.

Address

Ceel-Waaq
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CeelWaaq News Times posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to CeelWaaq News Times:

Share

CEELWAAQ NEWS

CeelWaaq news (CeelWaaq News) is an independent Somali News site owned by CeelWaaq news Media Inc. Established in 2009 CeelWaaq news is the largest Somali.

To provide leadership in transmission of objective, informative, educative and entertaining content to the public through high quality broadcasts.

Core Values

· Quality services