Avv. Muzamil, LL.M

Avv. Muzamil, LL.M | Non partisan | Affirmative and Social Activism | Optimistic and Friendship |

Waxa aan hambalyo u dirayaa beelaha reer Shabeelle, ee ku nool dal iyo dibad ba oo maanta ku caana shubay suldaanka guud...
29/04/2025

Waxa aan hambalyo u dirayaa beelaha reer Shabeelle, ee ku nool dal iyo dibad ba oo maanta ku caana shubay suldaanka guud ee Beelaha Reer Shabeelle.

Sidoo kale, waxa aan hambalyo u dirayaa Suldaan Dr. Maxamuud Suldaan Cali Suldaan Muuse, oo noqonaya suldaanka guud ee Beelaha Reer Shabeelle, Alle-Weyne ha kula garab galo xilka, masuuliyadda iyo waajibaadka suldaannimo ee kaa saaran guud ahaan Beelaha reer Shabeelle ee kugu caano shubtay.

Guud ahaan Beelaha reer shabeelle, Ugaasyada, Nabadoonada, dhalinyarada, aqoonyahanada, qurba-joogta waxaan soo jeedinayaa in ay la shaqeeyaan Suldaankeena, iskana ilaaliyaan wixii keeni kara midnimo la'aanta iyo dib u dhaca bulshada iyo deegaanka.

Mahadsanidiin

Avv. Muzamil, LL.M
April, 29, 2025

Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelkaWaxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadhoNin waliba hadduu gees damc...
18/04/2025

Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho
Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi.!

18 -Apr -2025
Jimco

“Qofka aad guursanaysid quruxdiisa jireed iyo jacaylka aad u qabto ha u guursan ee akhlaaqdiisa, iyo inuu mas’uuliyad qa...
12/04/2025

“Qofka aad guursanaysid quruxdiisa jireed iyo jacaylka aad u qabto ha u guursan ee akhlaaqdiisa, iyo inuu mas’uuliyad qaadi karo ka eeg. Guurku waa sida safar dheeroo u baahan ka fiirsasho iyo ka baaraan dagid”

~ Sheikh Abdurahman Bashiir.

"Ma nin loo tudhaan ahay anay tayda noqotaaye.!" General Sheegow, AUN malaha beydkaas gabayga buu laabta ku culanayay. G...
07/04/2025

"Ma nin loo tudhaan ahay anay tayda noqotaaye.!"

General Sheegow, AUN malaha beydkaas gabayga buu laabta ku culanayay. Geesiga birta ah Alle haw naxariisto, goor dhawayd buu ku Allaystay dhaqtarka weyn ee Digfeer.

‏صورة متداولة لأقلام موظف وهي فارغة بعد أن تم استعمالها طيلة عمله .
04/04/2025

‏صورة متداولة لأقلام موظف وهي فارغة بعد أن تم استعمالها طيلة عمله .

17/03/2025

Booqashada KAYDKA HADALKA EE RADIO MUQDISHO aan ku tagey maalintii sabtiga.

15 -03 - 2025

Call now to connect with business.

Saaxiib hambalyo Eebbe-Weyne ha kula garab galo xilka iyo masuuliyadda culus, ee laguu igmaday.Waxa aan kugu aqaanaa nin...
31/12/2024

Saaxiib hambalyo Eebbe-Weyne ha kula garab galo xilka iyo masuuliyadda culus, ee laguu igmaday.

Waxa aan kugu aqaanaa nin aqoon, garaad, iyo karti howleed badan leh. Shaqsi dadka isku wada oo laf-dhabar u ah isku-xir ka dhalinyarada.

Mar kale, hambalyo, hambalyo, hambalyo.

31 - 12 - 2024
Muqdishu - Soomaaliya

Waxa aynu si milgo iyo maamuus badan leh usoo wada dhaweynay walaalkey, saaxiibkeen Elyas Zubeyr, oo safar waxbarasho (M...
27/12/2024

Waxa aynu si milgo iyo maamuus badan leh usoo wada dhaweynay walaalkey, saaxiibkeen Elyas Zubeyr, oo safar waxbarasho (Master Degree) dhawaantan kusoo dhameeyey dalka Malasia.

Kulankan waxa uu isugu jiray hambalyo iyo soo dhaweyn, aynu kusoo dhaweynayo dalkiisa oo hooyo ee Soomaaliya, maadaama uu ka maqnaa muddo fog. Waxaan leeyahay garaad ku soo dhawoow Muqdisho.

Waxaan u mahadcelinayaa haldoor ka kale ee ila soo dhaweeyey mudane Ilyaas Zubeyr. Waxa aan si gaadh ah ugu mahadcelinayaa Avv. Mohamed Oma Aweys, Agaasime Shacbaan, Dr. Kaahiye, Ganacsade Cabdow, Dr. Saalax, Eng. Liibaan, Avv. Yusuf iyo haldoorka kale ee kaalintooda qaatay.

Mahadsanidiin

28- 12 - 2024

10/12/2024

Bulshada waa wada indheer-garad, qofkasta waa indheer-garad, laakiin qof kasta oo indheer-garad ahi bulshada k**a dhex haayo shaqadii iyo doorkii indheer-garadka.

Feylasuuf Antonio Gramsci

Hambalyo Drs. Ubax Warda Xassan.❤️
04/12/2024

Hambalyo Drs. Ubax Warda Xassan.❤️

Drs. Luul Yusuf Hassan hambalyo.!❤️
29/11/2024

Drs. Luul Yusuf Hassan hambalyo.!❤️

10/10/2024

Address

30 Street
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Avv. Muzamil, LL.M posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Avv. Muzamil, LL.M:

Share