KNN welcome

Dalka ku yaalla Afrikada dhexe ee DR Congo,,  ayaa khayraadkiisa ku wareejiyay Mareykanka,,  iyadoo shirkadda Mareykanka...
27/08/2025

Dalka ku yaalla Afrikada dhexe ee DR Congo,, ayaa khayraadkiisa ku wareejiyay Mareykanka,, iyadoo shirkadda Mareykanka ee KoBold Metals,, oo ay maalgeliyaan maalqabeennada Mareykanka ee Jeff Bezos iyo Bill Gate,, maanta la siiyay todobbo rukhsad baaritaan oo u oggolaanaya inay shirkadan baaritaan ku sameyso macdanta lithium iyo kuwa kale ee istaraatijiga ah oo ay ku jiraan coltan iyo walxo dhif ah,,

Afar ka mid ah rukhsadaha waxaa lagu siiyay gobolka Manono ee ku yaalla Tanganyika,, oo caan ku ah kaydadka lithium-ka. Saddexda kale waxay ku helayaan Malemba Nkulu oo ka tirsan gobolka Haut-Lomami,,,

Ra’iisul wasaaraha Pakistan,,  Shehbaz Sharif ayaa hadal maanta laga sii daayay telefishinka dawladda, wuxuu farriin cad...
13/08/2025

Ra’iisul wasaaraha Pakistan,, Shehbaz Sharif ayaa hadal maanta laga sii daayay telefishinka dawladda, wuxuu farriin cad u diray Hindiya,, isagoo yiri Waxaan rabaa inaan cadowga u sheego: haddii aad ku hanjabto inaad naga jarto biyaha,, ogow hal dhibicna k**a qaadan kartid Pakistan. Waxaan ku dhaaranayaa Ilaahay qaadirka ah,, haddii aad sidaas sameyso,, waxaan ku bari doonaa cashar aad ka shallaayi doonto,, weligaa na aadan dib ugu fikiri doonin inaad mar kale sameyso,,

Netanyahu ayaa inta uu ku jiray waraysi uu siiyay telefishinka Isrl ka soo baxa ee i24 News,,  wuxuu guddoonsiiyay wariy...
13/08/2025

Netanyahu ayaa inta uu ku jiray waraysi uu siiyay telefishinka Isrl ka soo baxa ee i24 News,, wuxuu guddoonsiiyay wariyihii waraysiga ka qaaday khariirada,, waxa loogu yeero dhulka ballanqaadka iyo Isrl-ta weyn,, oo ay ku jiraan dhulka ; Masar, Jordan , Suuriya iyo Lubnaan,, markaa oo wariyaha uu waydiiyay Netanyahu inuu aaminsanyahay oo uu ka shaqeynayo sidii uu ku gaari lahaa dhaqangelinta Isrl-ta weyn,, wuxuu ku jawaabay Aad iyo aad, waan ku soconaa jidkaa,,,

Ra’iisul wasaarihii h**e ee Israa’iil, Naftali Bennett  ayaa hadal uu caawa jeediyay wuxuu farriin u diray dadka Iiraan:...
12/08/2025

Ra’iisul wasaarihii h**e ee Israa’iil, Naftali Bennett ayaa hadal uu caawa jeediyay wuxuu farriin u diray dadka Iiraan: Waxaan ognahay inay biyihii ka dhammaadeen dhulka Iiraan oo dadku xaalad adag ku jiraan… haddii dadka Iiraan ay isku soo baxaan oo xukunka ka ridaan nidaamka Cali Khamenei… Israa’iil ayaa diyaar u ah inay idin la wadaagto tiknoolajiyad idin suragalinaysa inaad biyo heshaan...

Obama, ayaa farriin uu baahiyay wuxuu ku sheegay,, Xisbiga Jamhuuriga wuxuu isku dayayaa xeelad cusub. Waxay si aamusan ...
12/08/2025

Obama, ayaa farriin uu baahiyay wuxuu ku sheegay,, Xisbiga Jamhuuriga wuxuu isku dayayaa xeelad cusub. Waxay si aamusan u wiiqayaan sharciga,, iyagoo rajaynaya in shacabka aysan ka warqabin ama aysan dareemin waxa socda,,

Gabar 12 jir ah oo u dhalatay Bangladesh, ayaa 200 oo nin waxay ku kufsadeen gudaha Hindiya,,  kaddib markii gabadhan ya...
12/08/2025

Gabar 12 jir ah oo u dhalatay Bangladesh, ayaa 200 oo nin waxay ku kufsadeen gudaha Hindiya,, kaddib markii gabadhan yar ay ku dhacday imtixaanka iskuulka,, waxay ka soo fakatay Bangladesh, waxayna timid Hindiya,, balse dadkii u fududeeyay inay ka soo baxdo Bangladesh,, ayaa markii ay keeneen Hindiya waxay billaabeen inay jirkeeda ka ganacsadaan,, taasoo keentay muddo Saddex bilood ah oo ay gacanta ku hayeen inay gabadhan kufsadaan 200 nin,, iyadoo hadda gacanta lagu dhigay 10 nin oo ka mid ah raggii gabadha kufsaday iyo kuwii iibin jiray,, sida ay sheegtay The Times of India...

12/08/2025

Wasaaradda difaaca iyo sirdoonka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday inay heleen qorshe ay Ukraine ku doonayso inay carqaladeyso maalinta uu furmayo wada-hadallada u dhaxeeya Putin iyo Trump , xilligaa oo la sheegay ciidanka Ukraine inay si kula talagal ah u duqeyn doonaan isbitaal ama goob dadweyne badan ay ku suganyihiin oo ku taal magaalada Chuguev ee gobolka Kharkov ee Ukraine , iyagoo markaa doonaya in weerarkaa dusha loo saaro inuu ka dambeeyay Ruushka , si looga careysiiyo Trump, mar horaba qorshaha ayaa bilowday oo Ukraine waxay si qarsoodi ah gobolka ugu daabulaysaa warbaahinta galbeedka oo la doonayo in dhacdadaa ay soo gudbiyaan, sida goor dhow uu baahiyay telefishinka dawladda Ruushka ee RT...

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when KNN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share