Radio Hiigsi

Radio Hiigsi Radio Hiigsi waa idaacad madax-banaan oo kuusoo gudbineysa warar sugan oo aan dhan u janjeerin. waxaa la aas aasay 15 Febraury 2019.

SOMA oo 30 Saxafi Tababar ugu Soo gabagabeysay Muqdisho.Tababarkan oo lagu baranayay badqabka saxafiyiyiinta ayaa waxaa ...
24/04/2025

SOMA oo 30 Saxafi Tababar ugu Soo gabagabeysay Muqdisho.

Tababarkan oo lagu baranayay badqabka saxafiyiyiinta ayaa waxaa uu socday mudo sadax cisho ah 22-24 bishan April ayaa waxaa loo qabtay 30 wariye ka kala yimid goballada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Madaxa tababarada dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Muuse Qanciye oo soo xiray tababarkan ayaa saxafiyiinta ka faa,ideysatay tababarkan kula dardaarmay inay fuliyaan casharadii ay ka barteen tababarkan una sii gudbiyaan saaxiibadooda ay shaqa wadaagga yihiin ee aan helin fursadaan oo kale.

Gabagabada tababarka waxaa shahaado lagu gudoonsiiyey waraiyaasha ka faaideystay tababarka.

Dalladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo ah dallad ay ku mideysanyihiin xarumaha warbaahinta Soomaaliyeed ayaa marwalba waxay samaysaa tababaro lagu kordhinayo xirfadda wariyaasha Soomaaliyeed si ay bulshada ugu adeegaan si xirfadnimo leh iyo siday isaga ilaalin lahaayeen khataraha uga imaan kara goobaha ay shaqada u aadaan ee halista ah.

Dalladda warbaahinta SOMA ayaa maanta tababar ku saabsan Bed-qabka saxafiyiinta ka furtay Magaalada Baydhabo ee Gobalka ...
16/02/2025

Dalladda warbaahinta SOMA ayaa maanta tababar ku saabsan Bed-qabka saxafiyiinta ka furtay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.

Tababarka oo ay ka qayb gelayaan 22 wariye oo Rag iyo Dumar isugu jira ayaa socon doona muddo seddex maalin ah waxaana saxafiyiinta lagu bari doonaa casharro ku saabsan bedqabka saxafiga.

Xoghayaha SOMA Maxmed C/wahaab oo tababarka furay ayaa wariyaasha kula dardaarmay inay ka faa'iidaystaan tababarkan maadaama ay ka shaqeeyaan dalka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu badan ee saxafiyiinta lagu dhibaateeyo.

Guddoomiyaha SOMA Hilaal Sheikh Shucayb oo asagana furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in SOMA oo taageero ka helaysa IMS ay dadaal ku bixisay in wariyaasha Koonfur galbeed ka shaqeeya helaan tababarkaan oo aad muhiim ugu ah saxafiyiinta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO Muqdisho, Diseembar 10, 2024; Mada...
10/12/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO

Muqdisho, Diseembar 10, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.

DHAMMAAD

07/12/2024

Qeybta Aragtida Dad Weynaha Ee Barnaamij Wadaaga Soma.

07/04/2024

tartanka dugsiyada dhaxe aynulcelmi VS New banaadir 7 04 2024

07/04/2024

tartanka dugsiyada dhaxe ee Radio Hiigsi aynulcelmi VS nEW BANAADIR 7 04 2024

07/04/2024

tartanka dugsiyada dhaxe ee Radio Hiigsi Aynulcelmi VS New banaadir 7 04 2024

02/04/2024

tartanka dugsiyada dhaxe ee Radio Hiigsi New banaadir VS Global 1 2 0 4 20 24

02/04/2024

tartanka dugsiyada dhaxe ee Radio Hiigsi Moonlight VS Alfaaruuq 2 04 2024

02/04/2024

Kulanka Maanta tartanka 1aad , waxaa isku Arkay Iskuulada kala ah:

1.Ceynul-Cilmi & Baxnaano

Waxaana 3 dhibcood la hoyday dugsiga Ceynul-Cilmi.

Sidoo kale lugta 2aad waxaa ku tartamaya dugsiyada kala ah:

1.Al-Maziid & Daarul-Kowther

Waxaana 3 dhibcood la hoyday dugsiga Al-Maziid.

Nasiib wacan dhammaantiin

31/03/2024

MD Siciid Deni " Puntland waxa ay ku dhaqmeysaa dastuurkii la ansxiyay 2012"

DEG DEG:- Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa cod Aqlabiyad ah ku meel mariyay wax ka badalka 4-ta cutub ee ...
30/03/2024

DEG DEG:- Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa cod Aqlabiyad ah ku meel mariyay wax ka badalka 4-ta cutub ee ugu h**eeya Dastuurka KMG ah.

254 mudane oo kulanka soo xaadiray ayaa dhamaantood codeeyay mana jirin cid ka aamustay ama diiday.

arrintan waxa ay imaaneysaa iyadoo madaxdii h**e ee dalka ay ku baaqeen shir deg deg ah oo xaaladda dalka looga arrinsanayo, xubnaha Mucaaradka ee ku jira Baarlamaanka oo gaaraya 70 xubnood ayaa gebi ahaanba ka baaqday kulankii wadajirka ahaa ee labada aqal ee maanta.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka qabta meel marinta dastuurka ka hor dhamaadka Sanadkan, iyadoo aanee la dhageysan Puntland iyo qaar kamid ah siyaasiyiintanoo arrintan diidmo kala hor yimid.

Address

Maalkalayooni Steat
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Hiigsi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Hiigsi:

Share