04/10/2026
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane H.E. Abadifatah Sayid Ahmed Siidii, ayaa kulan nabadeed isugu yeeray Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Digil, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nabadda, loo joojin lahaa colaadda iyo sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Ciidamada beelaha Garre iyo Jiida, gaar ahaan deegaanka uu ka taagan yahay dagaalka ee Degmada Qoryooley.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, la joojiyo colaadda iyo dhiigga daadanaya, lana abuuro Xal ay dhinacyadu ku wada hadli karaan si xal nabadeed loo gaaro.
Odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qeyb galay ayaa kadib soo saaray baaq nabadeed, iyagoo ugu baaqay dhinacyada ay colaadu dhex martay gaar ahaan Ciidanka Ku dagaalamaya Degmada Qoryooley in ay joojiyaan dagaalka, ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida deegaanka, isla markaana ay qaataan wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.