Radio Qoryooley

Radio Qoryooley Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Radio Qoryooley, TV Channel, Mogadishu.

Halkan waa Radio Qoryooley ♡
aan kulleenahay barta Facebook kuso dhawaada
waxaadna Keheleeysa Arimaha Bulshada Warar Xaqiiqa ah Iyo Daryeelka Bulshada
Waana Radio Dhaxdhaxaad ah Ushaqeeya Bulshada

17/10/2025

Xildhibaan Abuukar Mardaadi Iyo Xildhabaanada Kgs

Aadan jeeg ayaa ka cudur daartay Xilka Gudoomiyaha gobolka shabellaha hoose oo loo soo jeediyay waxaa uuna yiriAnigoo ah...
17/10/2025

Aadan jeeg ayaa ka cudur daartay Xilka Gudoomiyaha gobolka shabellaha hoose oo loo soo jeediyay waxaa uuna yiri

Anigoo ah Aadan Macalin Maxamed (Aadan Jeeg) kana soo jeeda Gobalka Shabeelada hoose gaar ahaan ku soo barbaarey Degmada Afgooye kana soo shaqeeyey xili adag dhammaan degmooyinka Gobalka Shabeelada hoose waxaan halkan kaga cudur daaranayaa xalka ay ii soo jeediyeen madaxda kgs iyo dhammaan asaxaabtii iyo odiyaasha isku deysey inay magaceyga Miiska geeyaan anigoo ka codsan, waxaana ugu cudurdaaranayaa sababo la xiriira arrimo shaqsiyeed oo iga baahan in aan waqti iyo fiiro gaar ah siiyo iyo waqti xaadirkaan oo iila habooneyn in Gobalka masuuliyadiisa qaado .

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Madaxda kgs iyo asaxaabtii fikirkaas ii soo jeediyey,sida kalsoonida iyo fursadda ay ii siiyeen in aan bulshada Gobalka shabeelada hoose u adeego ayagoo eegey waaya aragnimadeyda kuwaas oo garab iyo taageero buuxda ii muujiyey .

TALO: Waxaan madaxda kgs iyo Bulshada Gobalka u soo jeedinayaa anigoo ka damqanaya xanuuna igu haaya gobalka sida uu yahay iyo dayaca soo marey 20 kii sano ugu dambeeyey in waji cusub oo deegaanka ah dadka gobalkana waaya arag u ah masuuliyadda qaadikaro Bulshada gobalka isku wadi kara kana shaqaynkara maadama degmooyinka gobalka xur yihiin taasoo mahadeeda ay Iska leeyihiin wiilasheena ciidanka qaranka oo dhiigooda u hurey har iyo Habeena dhaxanta iyo kaneecada ku cuneysa Keemaha, masuulkaas oo Bulshada gobalka qalbiyadooda is gaarey dib u heshiisiin gaarsiin karo in la keeno oo loo magacaabo .

Ugu dambayn, waxaan ballanqaadayaa inaan had iyo jeer garab u ahay ciddi loo garta ee hanata maamulka iyo shacabka gobolka si aan uga qayb qaato horumarka iyo nabadda guud ee Gobalka .

Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray Magaalada Nairobi ayaa ka qeyb noqday Madaxda ka qeybga...
17/10/2025

Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray Magaalada Nairobi ayaa ka qeyb noqday Madaxda ka qeybgaleysa munaasabada tacsida Raila oo ka socota garoonka Nyayo Stadium ee Magaalada Nairobi.

16/10/2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku bogaadiyey Xukuumadda DanQaran guulaha ay xaqiijisay muddadii ay jirtay.Muqdisho, Khami...
16/10/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku bogaadiyey Xukuumadda DanQaran guulaha ay xaqiijisay muddadii ay jirtay.

Muqdisho, Khamiis, Oktoobar 16 2025:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ku ammaanay Xukuumadda DanQaran guulihii waaweynaa ee ay xaqiijisay muddadii ay jirtay, isaga oo ku boorriyey in ay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah dalka.

Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga,dib-u-xoreynta, dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo kororka dhakhliga oo loogu maalgeliyo adeegyada bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay golaha in ay xoogga saaraan xaqiijinta dimoqraadiyeynta dalka, si shacabka Soomaaliyeed talada loogu celiyo, una soo doortaan hoggaankooda, taas oo xoojinaysa muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee ku aaddan in afar diblumaasi loo dalacsiiyo darajada Safiir iyo qunsul.

Danjireyaasha la ansixiyey ayaa kala ah;

1. Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
2. Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
3. Mudane Xasan Xuseen Xasan (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
4. Mudane Guuleed Warsame Rooti (Waxaa loo dalacsiiyey Qunsul)

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, iyada oo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.

15/10/2025

Xildhibaan Aadan Dhaay Oo Kulan muhiim ah magaalada Elwak kula qaatay beesha Barre Sabdhawa oo kamid ah beelweynta Garre oo Ku sugan magaalada elwak ee ismaamulka Mandera

15/10/2025

Dowlada Koonfur Galbeed oo uu Hogaamiyo Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen in mudo ah Waxey Dadaalo ugu jirtay Sidiii Nabad Iyo Xasilooni Loogu dhalin lahaa Deegaanada iyo Degmooyinka Ay Colaadaha Saameeyeen.

Hambalyo: Ambassador Abuukar Mardaadi oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Bulshada Bariga AfrikaWaxaa hamba...
15/10/2025

Hambalyo: Ambassador Abuukar Mardaadi oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Waxaa hambalyo leenahay Ambassador Abuukar Mardaadi, oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, taasoo ah guul weyn oo uu ku muteystay aqoontiisa, kartidiisa iyo dadaalka uu u galay horumarinta bulshada Soomaaliyeed iyo tan Bariga Afrika guud ahaan.

Ambassador Mardaadi waa aqoonyahan iyo siyaasi khibrad leh, oo muddo dheer ka soo shaqeynayay arrimaha diblomaasiyadda, bulshada iyo siyaasadda, isagoo caan ku ah hoggaan daacad ah iyo adeeg bulsho oo miro dhal ah.

Doorashada Ambassador Mardaadi waxay muujineysaa kalsoonida lagu qabo matalaaddiisa, isla markaana waa astaan sharaf iyo dhiirigelin u ah dhallinyarada iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed ee doonaya in ay door muuqda ka ciyaaraan horumarka gobolka.

15/10/2025

Ambassador abuukar mardaadi oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay baarlamaanka somaliya

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo ku soo laabtay Muqdisho kaddib khilaaf ka dhashay safar uu ku t...
13/10/2025

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo ku soo laabtay Muqdisho kaddib khilaaf ka dhashay safar uu ku tagi lahaa Awdheegle

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Nuur Siidow Baba, ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu muddo labo maalmood ku sugnaa deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka ayaa horey ugu qorsheysnaa in uu booqdo degmada Awdheegle, balse safarkiisa ayaa la sheegay in uu hakad galay kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose uu diiday in uu wasiirku tago degmadaas, taas oo dhalisay khilaaf maamul oo soo jiitamayay tan iyo shalay.

Ilo ku dhow labada masuul ayaa xaqiijiyay in weli xal k**a dambeys ah aan laga gaarin arrinta, inkastoo ay socdaan dadaallo nabadeed iyo is-afgarad siyaasadeed oo ay wadaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Kgs

13/10/2025

WAR DEG-DEG AH

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed Mudane Nuur Siidow Baba oo maalintii labaad ku xayiran deegaanka Bariire

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijinaya in Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Nuur Siidow Baba, uu maalintii labaad ku suganyahay deegaanka Bariire, halkaas oo ay u muuqato in uu ku xayiran yahay sababo la xiriira khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida xogaha ay sheegayaan, wasiirka ayaa shalay lagu hor istaagay safar uu ku tagi lahaa degmada Awdheegle, kadib markii guddoomiyaha gobolka uu diiday in uu halkaas booqasho ku tago.

Ilo ku dhow labada masuul ayaa sheegaya in weli xal rasmi ah laga gaarin khilaafkaas, inkastoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu dhameeyo si nabdoon.

Wararka qaar ayaa intaas ku daraya in ay suuragal tahay in Wasiir Nuur Siidow Baba uu iskaga soo tago Bariire, maadaama uu halkaas ku sugnaa muddo saddex maalmood ah, iyadoo xaaladdu wali cakiran tahay.

La soco wixii kusoo kordha xaaladdan.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Qoryooley posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category