Halan TV

Halan TV 777777

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre  oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa booqday Ma...
14/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa booqday Matxafka Cusub ee Sayniska dalkaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa kulan dhiirigelin iyo taageer...
13/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa kulan dhiirigelin iyo taageerid ah la qaatay Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, kuwaasi oo guullo taariikh ah ka soo hooyay tartanka CECAFA Zone.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay cayaartooyda kooxda, macallinkooda iyo masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta guusha ay u soo hooyeen magaca Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay tahay mid dhaxalgal ah.

Mudane Xamse wuxuu dhallinyarada u sheegay in Soomaali oo dhan ay dhinacooda soo eegayaan cayaarta k**a dambeysta ah – isagoo u ballanqaaday abaalmarin weyn oo ay ku farxaan haddii ay ku soo guuleystaan iyo haddii aysan koobka soo qaadinba.

Kooxda kubadda cagta Da'yarta Soomaaliya ayaa cayaarta finalka waxa ay isaga hor iman doonaan kooxda South Sudan maalinta Sabtida - waxaana labada koox ay u soo baxeen tartanka AFCON ee 2023 ka dhici doona Aljeeriya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY  CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNE WILLIAM RUTO Nayroobi, Sibteembar 13, 2022; Madaxwey...
13/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNE WILLIAM RUTO

Nayroobi, Sibteembar 13, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nayroobi kaga qeyb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta Gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah wafuud heer Caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa'uud Aways Jaamac iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA Muqdisho, Sipteembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriy...
11/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA

Muqdisho, Sipteembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

DHAMMAAD

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo labada cish...
25/08/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo labada cisho ee soo socota uu ku sugnaa doono.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe waxaa ku soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha hoggaanka sare ee Puntland iyo boqolaal shacab ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo x...
25/08/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu tahay u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub...
13/08/2022

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirkii h**e Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Mudane Xamse ayaa u mahadceliyey Wasiirkii h**e ee xilka wareejiyey, isagoo tilmaamay in wasaaraddani ay tahay mid leh ahmiyad weyn, shaqo culusna laga sugayo in wasiirka cusub uu ka qabto horumarinta waxbarashada dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDAMuqdisho, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha J...
08/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDA

Muqdisho, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka, si loo sii horumariyo, loona xalliyo wixii caqabado ah oo ku xeeran.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggooda dalka Uganda la yeelan doona kulammo ku saabsan adkaynta xiriirka labada dal iyo xasilloonida Gobolka, iyagoo soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u xoojinta xiriirka dalkeenna iyo dalalka Gobolka.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA QATAR DHAMBAAL UU UGA SIDAY AMIIRKA DALKIISAMuqdisho, Ogoosto 07, 2022;...
07/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA QATAR DHAMBAAL UU UGA SIDAY AMIIRKA DALKIISA

Muqdisho, Ogoosto 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Xasan binu Xamsa Haashim, ayaa ka guddoomay Martiqaad uu uga siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Safiir Xasan binu Xamsa farriin iyo salaan uu u diray Amiirka Dowladda Qatar, waxa uuna uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan binu Xamsa Haashim ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka Qatar, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa nuxurkiisu yahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo xoojiinta xiriirka labo-geesoodka ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax-wada-qabsi.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAGOOTIN AH LA QAATAY DANJIRAHA KENYA EE SOOMAALIYAMuqdisho, Ogoosto, 07, 2022: Madaxwe...
07/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAGOOTIN AH LA QAATAY DANJIRAHA KENYA EE SOOMAALIYA

Muqdisho, Ogoosto, 07, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii Dowladda Kenya u joogay dalkeenna Mudane Lucas K. Tumbo oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howlgalayey gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen, waxa uuna tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SOO DHAWEYN AH LA QAATAY XUBNAHA MAGACAABAN EE GOLAHA XUKUUMADDAMuqdisho, Ogoosto 02, 2...
02/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SOO DHAWEYN AH LA QAATAY XUBNAHA MAGACAABAN EE GOLAHA XUKUUMADDA

Muqdisho, Ogoosto 02, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Address

Mogadishu

Telephone

+252616006236

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share