Sulub media

Sulub media Sulub Media waa warbaahin Madax banaan oo ka hadasha wararka iyo dhacdooyinka caalamka iyo Madadaala balanteenu waa dhexdhexaadnimo iyo siinaan

23/02/2023

Asc ummada somaliyed

Wuxuu u waashay Jaceyl dartiis.Maxamed Cabdinuur oo jira 65 sano ayaa wali la dhibaatoonaya waali uu ka qaaday Gabadhii ...
13/08/2022

Wuxuu u waashay Jaceyl dartiis.

Maxamed Cabdinuur oo jira 65 sano ayaa wali la dhibaatoonaya waali uu ka qaaday Gabadhii ay is jeclaayeen oo balanta uga baxday kadibna nin kale guursatay.

Balantaas ay gabadhaas uga baxday darteed oo maanta ay kasoo wareegatay 30 sano, wali waa qof waalan Maxamed Cabdinur

Xoolihii dadka inta lacunay baa maalinba wadan tuugsi toos ah loo hoosfadhiyaa magaceenii iyo sumcadeenii waa kuciyaaree...
13/08/2022

Xoolihii dadka inta lacunay baa maalinba wadan tuugsi toos ah loo hoosfadhiyaa magaceenii iyo sumcadeenii waa kuciyaareen kuwaan😡😡😡😡

“Somaliya waaka caawin karnaa Hub, raashin, iyo dareeska ciidanka lakin k**a bixin karno mushaarka billaha. Waa in laga raadiyaa Imaaraadka, Qadar iyo Turkiga”

Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Yuweri Museveni. Xiliga uu hadalkaan jeedinayay waxaa goobta fadhiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Xigasho: Idiris Alterso

“Anigoo yar ayay hooyadey iyo aabbahey kala tageen, kaddibna eeddo ayuu aabbe ii geeyay, ariga ayaana u raaci jiray. Ani...
21/10/2021

“Anigoo yar ayay hooyadey iyo aabbahey kala tageen, kaddibna eeddo ayuu aabbe ii geeyay, ariga ayaana u raaci jiray. Aniga oo 9 jir ah ayaan subax ari raacay. Duhurkii ayaa oon i qabtay, kaddibna geed hoostiis ayaan seexday. Intii aan hurdayay ayaa arigii iga tegay, goor dambe ayaana hurdadii ka kacay.

Arigii ayaan raadiyay, badankiis waan helay, waxaana iga maqnaatay 12 neef, maqribkii ayaana guriga keenay. Habeenkii ayay timid eeddo oo magaalada jirtay. Markii ay 12kii neef tebtay ayay i garaacay anigoo hurdaya. Waan ka cararay, duurka ayaana habeenkaas seexday.

Eeddo waxay wiilkeeda fartay in uu i xiro markii aan imaado. Eeddo oo maqan ayaan subixii guriga imid, wiilkii ayaana geed igu xiray. 6 saac ka badan ayaan geedkui ka xirnaa. Xariggii ayaa gacmaha iga naafeeyay, mana helin daryeel caafimaad. 4 bil kaddib ayaa isbitaal la i geeyay, waxba waa ka qaban waayeen, sidaas ayaana labadeydii gacmood la iiga jaray.

Hadda eeddo iyo wiilkeedii dar Alle ayaan u cafiyay, maanta ayaana iigu dambeysay oo aan wiilkii i naafeeyay taleefan kula hadlay. Alle mahaddiis gacmaheyga waan ku adeegtaa. Waxna waan bartaa, oo waxaana semester 7 ka ahay Jaamacadda SIU.”

Waa sheekada Abdirizaaq Warsame Abtidoon.

Wiil hadu afar jiroo abiihi uu wayaa Eedo kuma gargaarte ulbay kugu garaacda

W/Q:Hussein Sabrie.

Shan qof Ayaa ku geeriyooday shil Gaadhi Oo hada ka Dhacay duleedka galbeed ee magaalada hargaysa.Rabí ha u naxariisto
16/10/2021

Shan qof Ayaa ku geeriyooday shil Gaadhi Oo hada ka Dhacay duleedka galbeed ee magaalada hargaysa.

Rabí ha u naxariisto

06/10/2021
Madaxweyne Farmaajo ayaa Saakay u safray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Caleemo saarka Abiy Ahmed...
04/10/2021

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saakay u safray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Caleemo saarka Abiy Ahmed oo dib loo doortay.

Farmaajo ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu booqasho ku tago caasimadda Eritrea ee Asmara.

Sawirkaan waaa saakay xilli uu ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde Airport.

"Reerka yar ee Puntland samaystay waxaa ka tiro badan ardaydeena Jaamacadaha ku jirta” Sidaas waxaa yiri Feysal Cali War...
03/10/2021

"Reerka yar ee Puntland samaystay waxaa ka tiro badan ardaydeena Jaamacadaha ku jirta” Sidaas waxaa yiri Feysal Cali Waraabe

Wariye Maxamed Cabdiwali Tooxow oo xalay Booliiska Dhuusamareeb kala dageen gaari uu la socday ayaa Xabsiga kasoo muuqda...
29/09/2021

Wariye Maxamed Cabdiwali Tooxow oo xalay Booliiska Dhuusamareeb kala dageen gaari uu la socday ayaa Xabsiga kasoo muuqday 14-saacadood kadib isaga oo lugaha looga xiray Katiinad adag.

Waxaan kuu rajeynayaa in aad cadaalad heshid oo sharciga lawada tago insha allaah.

Ilaalada madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay ugu shakiyeen i...
28/09/2021

Ilaalada madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay ugu shakiyeen inuu soo dhex gali rabay kolonyada gawaarida uu la socday Saciid Deni.

Rasaastaas ay fureen waxaa ku geeriyootay Allah ha u naxariisto Maryan Axmed Caato oo sawirka ka muuqata.

Markale Koox la shaqeeysa xisbiga UPD ee Xasan Sheekh Maxamud ayaa weerar dhanka Social Media kusoo qaaday Hogaamiyaha r...
24/09/2021

Markale Koox la shaqeeysa xisbiga UPD ee Xasan Sheekh Maxamud ayaa weerar dhanka Social Media kusoo qaaday Hogaamiyaha ruuxiga ee Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif.

Team UPD markasto waxey isku dayeen inay iska horkeenaan labada oday Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Lakin waxaa la fahmi weysan yahay sababta uu wali Xasan Sheekh u joojin weysan yahay dagaalka teamkiisa kusoo qaadayaan Madaxweynihii h**e

Sheekh Shariif ayaa hada Somalida oo dhan intooda badan aaminsan yihiin inuu yahay Musharaxa ugu cadcad kursiga ee ka socda dhanka Midowga Musharaxiinta.

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252619057438

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sulub media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sulub media:

Share