Maamuus Media

Maamuus Media Madasha Gudbinta Iyo Tabinta Wararka Somalia Ee Arimaha Geeska Afrika iyo Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa si kulul u weeraray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ...
01/09/2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa si kulul u weeraray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyay inuu dhiigga Falastiiniyiinta iyo Muslimiinta daadinayo, isla markaana khatar ku yahay amniga iyo nabadda caalamka. Fidan ayaa ku baaqay in beesha caalamku tallaabo ka qaaddo Netanyahu, isagoo sheegay in khatartiisu aysan ku koobnayn gobolka, balse ay saameynayso dunida oo dhan, oo ay ku jirto Israa’iil lafteeda.

Wasiir Qarjab oo soo saaray go'aan adag oo lagu soo rogay dhammaan mas'uuliyiinta degmooyinka PL1.Guddoomiye kasta oo de...
01/09/2026

Wasiir Qarjab oo soo saaray go'aan adag oo lagu soo rogay dhammaan mas'uuliyiinta degmooyinka PL

1.Guddoomiye kasta oo degmo waa inuu guddoomiyaha gobolka ogeysiiyaa fasaxiisa ka hor inta aanu ka bixin degmada uu mas'uulka ka yahay.

2.Masuul kasta oo ka baxa degmada loo xil saaray isaga oo aan haysan fasax rasmi ah oo waafaqsan habraacan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabada maamul iyo sharci ee ku habboon.

3. Lama oggola in kalfadhiga golaha degaanka dib loo dhigo laba (2) jeer oo isku xigta, haddii aysan jirin sabab sharci ah oo loo aqbali karo.

4. Degmo kasta oo kalfadhiga golaha degaanka u qabsoomi waayo laba (2) jeer oo isku xigta bila sabab, waxay golahaasi luminayaan xasaanadda.

5. Tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa mas'uul kasta oo lagu helo in uu si ula kac ah carqaladeeyay qabsoomidda kalfadhiyada golaha degaanka.

 : Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ogolaaday in dalka ay ka qabsoonto doorasho, iyadoo qorshuhu yahay...
31/08/2026

: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ogolaaday in dalka ay ka qabsoonto doorasho, iyadoo qorshuhu yahay in doorashada lagu hirgeliyo muddo toddobo bilood ah.

Go’aamada uu Madaxweynaha ku aqbalay arintan ayaa loo gudbiyay Beesha Caalamka oo dhexdhexaadin ka dhex waday Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka.

Hase yeeshee go’aankan ayaa meesha ka saaraya muddo-xileedkii halka sano ahaa ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u kordhiyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

"Ninkii shalay Hablaheena Biyaha Wabiga ka iibinaayay Indhacade ayaa maanta ku nool Baydhabo, 2026 Aadan Madoobe ayaa u ...
31/08/2026

"Ninkii shalay Hablaheena Biyaha Wabiga ka iibinaayay Indhacade ayaa maanta ku nool Baydhabo, 2026 Aadan Madoobe ayaa u soo kiraystay si uu u xaraasho shabeelada Hoose." Afhayeenka Laftagareen Xasan Cabdi.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegtay in ay bur buriyeen oo gebi ahaanba ay dhulka la simeen Jasiirad...
31/08/2026

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegtay in ay bur buriyeen oo gebi ahaanba ay dhulka la simeen Jasiiradda Larak ee dalka Iran taas oo ah meel kulaalaysa gacanka muhiimka ah ee Hormus. Trump ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaanba lagu bur buray Jasiiraddan duqaymo xalay ay ciidanka cirka ee Maraykanku ka geysteen gudaha dalka Iran.

Larak oo ku taalla meel aan ka fogayn gacanka Hormus waa jasiirad kaabiga ku haysa dekedda caanka ah ee Bandar Cabbaas waana halka laga hago hawl gallada Iran ee marinka Hormus.
Jasiiraddan waxa ku yaalla saldhig ciidan oo ay lee yihiin ciidamada Kacaanka ee dalka Iran waana goobtii loogu tala galay in laga duqeeyo Maraakiibta u hoggaansami wayda amarka dawladda Iran.

Maraykanka ayaa ku doodaya in xalay duqeeeyeen Jasiiraddan si looga hor tago gantaalo ay Iran halkaas ku diyaarinaysay oo ay ku beegsan lahayd Maraakiibta ka gudbaysa Hormus

Wafti ka socda dalka Maraykanka gaar ahaan Africom ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Boosaaso, xarunta gobo...
31/08/2026

Wafti ka socda dalka Maraykanka gaar ahaan Africom ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari. halkaas oo ay kulan gaar ah kula leeyihiin madaxweynaha Puntland Said Deni.

Maraykanka iyo Puntland ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis wada-shaqayneed, shirka maanta dhacaya ayaa daaran in lasii xoojiyo dhaqanka gelinta heshiiskaas kaas oo muhiimadiisa ay tahay

1: In Puntland iyo Maraykanku ay iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisada, Burcadbadeda iyo sugidda amnigga gacanka cadmeed iyo badwaynta hindiya.

2: In Maraykanku taageero tababar iyo mid farsamo u fidiyo ciidamada difaaca dawlada Puntland.

War-cusub:-Gudoomiyaha Cusub ee golaha Shacabka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qabtay mooshin xil ka xayuubin ah o...
30/08/2026

War-cusub:-Gudoomiyaha Cusub ee golaha Shacabka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qabtay mooshin xil ka xayuubin ah oo ay in kabadan Lixdan(60) Xildhibaan ka qoreen Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Xoosh waxaana lagu wadaa in berri lagu sameeyo gole joojin kadibna la ceyriyo.

Xildhibaanada ayaa Cali Xoosh ku eedeeyay in uu bedeshay odayaashi dhaqanka Rasmiga ahaa ee beelaha Soomaliyeed kuwaas oo muddo dheer ka soo diiwaan gashanaa wasaarada Arimaha Gudaha isagoo qortay odayaal cusub si uu masiirka Beeraha soomaliyeed ugu maja xaabiyo.

Mooshinkaan waxaa hor boodaya Xildhibaano ka tirsan JSP wuxuuna Hadii uu mooshinkan hirgalo noqon doonaa talaabo weyn oo baarlamaanka ka hirgashay iyo mooshinkii ugu h**eeyay ee golaha la horkeeno muddo afar sano ah.

Gudoomiyihii h**e Shekh Aadan Madoobe ayaa Mooshinada madaxda xukuumada laga gudbiyo diidi jiray in uu qabto halka Jaamac uu jebiyay derbigaas waxaana sidookale xogta ku heleynaa
in uu jiro qorshe Mooshin looga keenayo Reysulwasaare Xamse.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda wuxuu hirgelinayaa isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iy...
30/08/2026

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda wuxuu hirgelinayaa isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Tijaabada hordhaca ah waxay bilaabanaysaa 1-da Oktoobar 2026. Shaqaalaha dowladda ee aan weli haysan Aqoonsiga Qaranka waxaa lagu boorrinayaa inay si degdeg ah isaga diiwaangeliyaan NIRA, si looga fogaado carqalad ku timaadda mushaar-bixinta.

Iran oo in Muslimiinta inay Midoobaan kudhawaaqday.Hogaamiyaha Sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa ku booriyay wadamada...
30/08/2026

Iran oo in Muslimiinta inay Midoobaan kudhawaaqday.

Hogaamiyaha Sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa ku booriyay wadamada Islaamka gaar ahaan kuwa ku yaalla Gacanka Carabta, inay midoobaan si ay uga hortagaan waxa uu ugu yeeray cadowgooda dhabta ah wuxuuna sheegay in kala qaybsanaanta ka dhex jirta Muslimiinta ay u adeegayso danaha cadawgooda.

Farriintan uu soo diray hogaamiyaha iran ayaa lagu daabacay Barta Telegram-ka ee Khamenei iyada oo lagu soo beegay munaasabadda Toddobaadka Midnimada Islaamka, taas oo lagu xuso dhalashada Nebi Maxamed kana qabsoontay Caasimada iran xalay.

Fariintan uu soo diray Mojtaba Khamenei ayaa ku baaqaysay midnimada Muslimiinta, iskaashi dhinacyo badan leh, iyo difaac wadajir ah, iyadoo sheegaysa in qof kasta oo abuura kala qaybsanaan ka dhex jirta Muslimiinta si ula kac ah ama si aan ula kac ahayn uu caawinayo cadawga Islaamka.

Fariinta Hogaamiyaha Iran ayaa waxay cadeysay in Falastiiniyiinta Aanay ku jiri lahayn xaalad go'doon iyo gargaar la'aan haddii Muslimiintu ay midoobi lahaayeen.

Hogaamiyaha Jamhuuriyada iran Mojtaba Khamenei sooma muuqan tan iyo markii aabahiis lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Isr***l lix bilood ka hor kuwaas oo horseeday dagaalka Iiraan.
Baaqiisa ku aaddan midnimada umada muslimiinta ayaa la mid ah hadal uu Jimcihii u jeediyay dadka reer Iiraan, markaas oo uu sheegay inuu mamnuucay falalka wax u dhimaya midnimada bulshada, wuxuuna ku booriyay mas'uuliyiinta inay ka fogaadaan hadallada niyad-jabka ah ee daciifinaya niyadda halganka qaranka iyo tan dadweynaha.

Mojtaba Khamenei ayaa fariintiisa kuxusay hoggaamiyeyaasha Carabta isaga oo usheegay in kooxo shar-wadayaal ah ay awoodeen inay ku dhiiradan inay damcaan dhulkooda iyo hantidooda, haddii dadka iyo dowladaha Muslimka ku midoobi lahaayeen calanka Islaamka.

Hogaamiyaha Iran ayaa xusay in wadada kaliya ee dhamaan muslimiinta ay ugu hortagi karaan gardarada cadawga ay tahay in la midooba.
Mojtaba Khamenei ayaa Hogaamiyeyaasha Carabta ku adkeeyay inaay ka hoos baxaan Reer Galbeedka iyo YHDA una soo jeestaan in muslimiinta midoobaan.

Hogaamiyeyaasha Carabta oo ay fariintaan si gaar ah ugu socota Maku dhiiran doonaan inaay Midoobaan?

Soomaaliya oo kamida muslimiinta uu la hadlay Hogaamiyaha Iran suurtogal ma tahay in Reer galbeedka ay ka hoos baxda kana maaranta Gacantooda quudisa kuna dhiiradaan madaxda dalka inay kudhawaaqaan midnimada muslimiinta ?

Nala wadaag aragtidaada.

Todobo bilood oo mushahar la’aan ah ayaa u buuxsantahay shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, taariikhda laga soo bilaabo 2...
30/08/2026

Todobo bilood oo mushahar la’aan ah ayaa u buuxsantahay shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, taariikhda laga soo bilaabo 2009 waa mudadii ugu dheerayd ee shaqaalaha PL ay xuquuq la’aan ahaadaan intaas oo bilood oo xiriir ah.

Sanadkaan 2026, shaqaalaha Puntland labo bilood oo keliya ayay helleen oo ahaa labadii ciid, 3aad iyo 6aad. xuquuqda shaqaalaha Puntland markii laysku daro waxay gaartaa 500 oo kun oo dollar, waa nus milyan dollar. Dakhligga Puntland bishii usoo xerooda waa 10Milyan oo dollar.

Madaxweynaha Said Deni ayaa taariikhda ku gallay Madaxweynihii ugu h**eeyay ee ku guuldaraysta bixinta xuquuqda shaqaalaha Puntland, waana taariikh uu kaga duwan-yahay dhamaan madaxweynayaashii soo maray PL. xuquuq la’aanta shaqaalaha Puntland waxay kasoo bilaabanaysaa Sep,2023.

Hanti-dhawrka Puntland ayaa dhawaan sheegay in shaqaalaha Puntland ay ka maqantahay 12Milyan oo dollar, iyadoo aan la garayn meel lacagtaas aaday, maadaama miisaaniyada ay ku jirto, dakhliggana aysan waxba iska dhimin.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamuus Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maamuus Media:

Shortcuts

Share