Maamuus Media Inc

Maamuus Media Inc Madasha Gudbinta Iyo Tabinta Wararka Somalia Ee Arimaha Geeska Afrika iyo Caalamka

PUNTLAND: Ciidamada Booliska  ayaa gacanta ku dhigay rag lagu tuhmay inay qayb ka ahaayeen gabar sideed sano jir ah, oo ...
31/10/2025

PUNTLAND: Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay rag lagu tuhmay inay qayb ka ahaayeen gabar sideed sano jir ah, oo lagu kufsaday baadiyaha degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag

Gabadha la kufasaday oo jirkeeda uu ka muuqdo jirdil, ayaa la keenay isbitaalka Garowe, si loogula tacaalo xaalkeeda.

31/10/2025

Isimada Puntland ee Jabuuti u tagay 25 sano guuradi kaso wareegtay Shirki Carta oo safarkoodi soo gabagabeeyay.

Booliska gobolka Banaadir ayaa si cad u diiday in hub lala soo galo garoonka ciyaaraha Muqdisho.
31/10/2025

Booliska gobolka Banaadir ayaa si cad u diiday in hub lala soo galo garoonka ciyaaraha Muqdisho.

Maamulka Trump ayaa go’aamiyay in hoos loo dhigo tirada qaxootiga uu Mareykanku qaato, iyagoo doonaya kaliya 7,500 qof i...
31/10/2025

Maamulka Trump ayaa go’aamiyay in hoos loo dhigo tirada qaxootiga uu Mareykanku qaato, iyagoo doonaya kaliya 7,500 qof in lagu soo koobo, halka tirada uu maamulkii h**e ee Biden ee qaxootiga Mareykanka uu soo qaadan jirey loo dejiyay xad gaaraya 125,000 oo qof, sida ay werisey wakaaladda wararka ee AP.

Balse , tan doodda dhalisay ayaa ah in Trump uu doonayo xataa qaxootiga la soo qaadanayo inay noqonayaan cadaanka ku nool dalka Koonfur Afrika oo dib u dejin ka helaya Mareykanka, taa oo lagu sheegay inay tahay cunsuriyad iyo siyaasad doorasho oo ku dhisan jinsiyad.

 : 14 Maxbuus oo u xirnaa dambiyo kala duwan ayaa saaka ka baxsaday Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso.
31/10/2025

: 14 Maxbuus oo u xirnaa dambiyo kala duwan ayaa saaka ka baxsaday Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Masar,Cabdel Fataax Al-Sisi iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki ayaa maanta magaalada Qaahira ku yeeshay ...
30/10/2025

Madaxweynaha Masar,Cabdel Fataax Al-Sisi iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki ayaa maanta magaalada Qaahira ku yeeshay wada-hadallo la xiriira xoojinta iskaashigooda, xaaladaha ka taagan Suudaan, Soomaaliya iyo Badda Cas, iyagoo xaqiijiyay in labada dal ay leeyihiin aragti mideysan oo ku saabsan arrimaha gobolka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay xaqiijiyeen muhiimada ay leedahay taageeridda hay’adaha qaranka Suudaan, gaar ahaan ciidamada milatariga, isla markaana ay si cad u diideen isku day kasta oo lagu dhisayo hay’addo kale, taasoo dhaawici karta midnimada Suudaan.

Waxa-hadalkooda El-Sisi iyo Afwerki , waxay ku soo qaadeen arrimaha Soomaaliya , iyagoo mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta heshiiskii 2024, kaas oo ku baaqayay in la dhowro midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, laguna xoojiyo horumarinta hay’adaha dawliga ah si ay ula tacaalaan caqabadaha gudaha iyo dibadda.

Ugu dambeyntii, wada-hadalkooda waxaa lagu soo daray ammaanka Badda Cas, labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen in la adkeeyo isku-xirka iyo wada-shaqeynta dalalka Carabta iyo Afrika ee xeebaha leh, si loo ilaaliyo nabadgelyada marin-biyoodyada caalamiga ah loona xoojiyo xasilloonida gobolka iyo ganacsiga badaha.

Donald Trump ayaa sheegay in Koonfurta Kuuriya ay oggolaatay inay Mareykanka siiso $350 bilyan oo doolar, si looga dhimo...
30/10/2025

Donald Trump ayaa sheegay in Koonfurta Kuuriya ay oggolaatay inay Mareykanka siiso $350 bilyan oo doolar, si looga dhimo cashuuraha ganacsiga ee lagu soo rogay.

Wuxuu intaas ku daray in Koonfurta Kuuriya ay iibsan doonto saliidda iyo gaaska Mareykanka, halka maalgelinta shirkadaha iyo ganacsatada Koonfurta Kuuriya ee Mareykanka ay gaadhi doonto in ka badan 600 bilyan oo dolar.

Trump wuxuu sheegay inuu ansixiyay qorshe ay Koonfurta Kuuriya ku dhisanayso maraakiibta quusa oo leh ku dhaqaynaaha awooda nukliyeer-ka, halkii ay h**e uga isticmaali jireen qaar ku shaqeeya naaftada.

WAR DEG DEG AH: Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudiga Doorashooyinka Qaran ayaa Jaamacadaha ku wargeliyay in Xarumaha Jaama...
30/10/2025

WAR DEG DEG AH: Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudiga Doorashooyinka Qaran ayaa Jaamacadaha ku wargeliyay in Xarumaha Jaamacadaha loo adeegsan doono doorashada (xarumaha codbixinta), arrintaasi ayay Jaamacadaha walaac kamuujinayaan

Guddiga Doorashada ee dalka Tanzania (INEC) ayaa bilaabay shaacinta natiijooyinka doorashada madaxtinimo. Ilaa hadda, af...
30/10/2025

Guddiga Doorashada ee dalka Tanzania (INEC) ayaa bilaabay shaacinta natiijooyinka doorashada madaxtinimo. Ilaa hadda, afar gobol oo keliya ayaa ku guuleystay inay soo gudbiyaan natiijooyinkooda.

Sida laga arkay natiijooyinka la helay, musharaxa madaxweyne ee ka socda xisbiga talada haya ee CCM, Samia Suluhu Hassan, ayaa hoggaaminaysa marka la eego codadka la tiriyay.

Sidoo kale, waxaa la soo sheegay in ay ka dhaceen mudaharaado deegaanka Meriwa oo ku yaalla wadada u dhaxaysa caasimadda Dodoma iyo magaalada Dar es Salaam, halkaas oo boolisku ay kala eryeen dadka mudaharaadayay.

Booliska ayaa sidoo kale la sheegay inay xireen waddada u dhaxaysa Singida iyo Arusha iyagoo ka baqaya in mudaharaado kale ay ka dhacaan.

Sida jaamacaduhu dib ugu qeexayaan wax ku barashada Garashada SancaysanMinnesota (Wararka PP) — Isbeddel weyn ayaa ka so...
30/10/2025

Sida jaamacaduhu dib ugu qeexayaan wax ku barashada Garashada Sancaysan

Minnesota (Wararka PP) — Isbeddel weyn ayaa ka socda jaamacadaha adeegsiga Garashada Sancaysan (Artificial Intelligence) awgiis. Guddoomiyaha Jaamacadda Gobolka Arizona (ASU) Micheal Crow ayaa sheegay in Garashada Sancaysan (AI) ay noqotay wax saamayn badan ku leh tacliinta sare iyo qiimeynta ardayda.

Barnaamijyada ay Garashada Sancaysan ku salaysan tahay waxay u oggolaanayaan ardayda inay si degdeg ah wax u baran karaan, u heli karaan jawaab-celin, iyo in barashadooda lagu saleeyo baahidooda gaarka ah.

Arrintani waxay beddeli doontaa habkii h**e oo uu hal bare wax u bari jiray arday badan. “Barayaashu wax ma bari doonaan oo keliya ardayda, waxay kale oo ku hagayaan ardayda habab arday kasta uu si gaar ah wax ugu baranayo” ayuu yiri Micheal Crow.

Jaamacadaha waxaa soo foodsaaraya caqabado ay ka mid yihiin: dib-u-habeynta manhajka, tababbarka barayaasha iyo dhowrista in si anshax leh loo adeegsado Garashada Sancaysan.

Micheal Crow wuxuu Intaas ku daray in jaamacadaha si xeeladaysan u adeegsada Garashada Sancaysan ay noqon doonaan kuwa hoggaamiya mustaqbalka waxbarashada, halka kuwa diida adeegsiga Garashada Sancaysan noqon doonaan kuwo dib u dhici doona, hase ahaatee guusha laga gaaro u adeegsiga Garashada Sancaysan tacliinta sare “waxay ku xiran tahay sida habboon oo loo fuliyo loona dhowro kaalinta aadanuhu ku leeyahay waxbarashada” ayuu yiri Micheal Crow.

Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa  todobaadkan looga hadlay arimo ay ka mid yihiin.* Amniga guud , Tayeynta Booliska...
30/10/2025

Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay arimo ay ka mid yihiin.

* Amniga guud , Tayeynta Booliska, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dib-u-dejinta iyo xasilinta deegaannada Hawlgalku ka dhacay ee Calmiskaad iyo sidii adeeygyada Dowladnimo loogu dhameystiri lahaa.

* Dardargelinta Dimuqraadiyadda iyo dhameysyirka shuruucda Doorashooyinka.

* Arrimaha Shaqaalaha iyo Daryeelka Naafada Puntland.

* Boggaadin todobaadka dalxiiska Puntland, oo sanadka lagu qabtay Gobolka Bari, Kaasi oo shalayto ka bilowmay deegaan dal-xiiseedka Mareero.

Golaha ayaa warbixin ka dhegaystay, Wasaaradaha Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Xanaaannada Xoolaha , Deegaanka iyo Gargaarka iyo mareeynta masiibooyinka.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamuus Media Inc posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maamuus Media Inc:

Share