Curad Media

Curad Media 𝗖𝘂𝗿𝗮𝗱 𝗠𝗲𝗱𝗶𝗮: Warbaahin madaxbannaan oo ka hadasha tabinta warar iyo Barnaamiyo sugan dalka guduhiisa iyo dibaddiisa.

Cajiib!Gabadhaan sida muuqata waxaa ay kasii hordhacday qorshe loo dejiyey ama lala dejiyey kaas oo ah waa la I kufsaday...
12/04/2026

Cajiib!

Gabadhaan sida muuqata waxaa ay kasii hordhacday qorshe loo dejiyey ama lala dejiyey kaas oo ah waa la I kufsaday!

Kawaran. Iyadoo gurigeeda joogta in ay muuqaal soo duubto deedna tiraa "Soomaaliyey waa la i kufsan doonaa kaddibna muuqaal ayaa la iga duubi doonaa ee ha la ogaado" waliba sii raaciso "waxaa I kufsan doona ciidanka dowladda" waa la yaab iyo nooc ugub ku ah dhaqanka Soomaalida.

Sida saxda haddii dadkeedu tallaabo ka qaadi waayo gabadhaan waa in hay'adaha amnigu tallaabo ka qaadan, dhaqankaan foosha xunnna ku ciqaabaan, maxkamadna la geeyo si loo ogaado cidda howshan kula jirta!

Xigasho..

Dhab Miyaa Warka Xildhibaan Odowaa
21/03/2026

Dhab Miyaa Warka Xildhibaan Odowaa

Beesha Niisaan oo ka arrinsanaysa in ay door wax ku ool ah ku yeeshaan xaaladda cajiran ee taagan Bayndhabo maadaama ay ...
21/03/2026

Beesha Niisaan oo ka arrinsanaysa in ay door wax ku ool ah ku yeeshaan xaaladda cajiran ee taagan Bayndhabo maadaama ay kamid yihiin fool horaadka Beelaha deegaanka.

30/12/2025

Taliye Shub

30/12/2025

Amb. Abuukar Baale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

30/12/2025

Shirka 9aad ee Heritage oo caawo Dhuusamareeb ka furmay.

30/12/2025

𝗠𝘂𝗿𝗮𝗻𝗸𝗶𝘆𝗼 𝗶𝗻𝗱𝗵𝗮-𝗰𝗮𝗱𝗱𝗲𝘆𝗻𝘁𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗼 𝗴𝘂𝗱𝗼𝗵𝗼𝗼𝗱!

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmeda Buuhoodle ee Dowlad Goboleedka Woqooyi Bari- Soomaaliya ayaa si wayn maanta u muujiyey sida ay u diiddan yihiin dhagarta gumeystaha Isra11!l ku kala qaybinayo dalka Soomaaliyeed.

30/12/2025

Guriceel! Iyadoo dalka oo dhan ay ka soconayaan bannaanbaxyada looga soo horjeedo kala qeybinta Isra11il ee dhulka Soomaaliyeed ayaa magaalada Guriceel ee Galmudug waxaa isugu soo baxay dadweyne farabadan kuwaas oo dareenkooda ku muujiyey sida ay uga xun yihiin una aqbalayn ficillada Israaiil!

Cabdi Shakuur Axmed Xirsi (Abdishakuur Bidhood) Waxa uu baafinayaa  boorso jeeb ay ku jiraan kaar laysin darawal iyo duk...
05/05/2025

Cabdi Shakuur Axmed Xirsi (Abdishakuur Bidhood) Waxa uu baafinayaa boorso jeeb ay ku jiraan kaar laysin darawal iyo dukumiitiyo kale waxaanuu uga dhumay inta u dhexeysa Isgoyska Banaadir iyo isgoyska Dabka Magaalada Muqdisho.

Haddaba Ciddii aragta waxaa si naxariis leh looga codsanayaa in ay la xariiraan telephone numberkan 615577700.

Mahadsanidin

Haddii Axmed Madoobe uu la diriray dowlad kasta ee Villa Soomaliya timaadda laga soo billaabo Cabdullahi Yusuf, Sheikh S...
07/12/2024

Haddii Axmed Madoobe uu la diriray dowlad kasta ee Villa Soomaliya timaadda laga soo billaabo Cabdullahi Yusuf, Sheikh Shariif, Xasan Sheikh, Farmaajo iyo mar labaad Xasan Sheikh, awoodda uu markasta difaaca ka dhigtaana tahay ciidamada shisheeye (marna Kenya marna Itoobiya).

Haddii qabiilka uu ka dhashay ee Ogaadeen ama Daarood uusan aqoon tantoodaana ka shaqeyn ee kaliya uu yahay nin tiisa iyo danaha shisheeye uun fuliya,

Haddii ciidamada maanta dhiniciisa taagan ee diyaarka u ah in ay xabbad kala horyimaadaan ciidanka qaranka ay yihiin kuwii Liyuu Booliska ee Cabdi Iley dadkii Dowlad Deegaanka Soomaalida ugu xasuuqi jiray Xabsigii Jeel Ogaadiniya isla markaasna ah askari leh numberka ciidanka Itoobiya!

Intaas iyo kasii daran ninka ah ma noqon karaa nin la dagaallankiisa dhexdhexaad laga noqon karo!! Ninkiise dhexdhexaad ka noqdaa maanta haddii uu barri Villa Soomaaliya tago amaba damco inuu tartamo Axmed Madoobe taageere ma ma heli doonaa!!

Address

KM4
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Curad Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Curad Media:

Share