Warhaye TV

Warhaye TV Stay connected to Somalia's latest news and stories with . Welcome to Warhaye TV! Follow us for instant updates and join the conversation!

We are an online television channel that brings you the latest breaking news articles, captivating human interest stories, and insightful documentary films from all around Somalia. Stay up-to-date with the latest developments, and discover the rich cultural heritage and diverse perspectives of the Somali people through our engaging content.

25/01/2022

“Kursigayga xildhibaannimo waxaan ku waayay waxyaabo badan oo ku saabsan hagaajinta iyo sixidda miisaaniyadda dalka oo aan iska diiday” Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

24/01/2022

Daawo muuqaal muujinaya cududda milateri ee ciidanka xoogga dalkeena iyo heestii Waan aqoonsaneynaa, waa codkii AUN Maxamed Suleymaan Tubeec.

24/01/2022

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Soomaaliya mudane Mohamed Ibrahim Moalimuu oo dhowaan qof naftii h**e ah oo isku qarxiyay kadibna dalka turkiga loo qaaday si loogu soo daweeyo ayaa maanta sheegay in ay xaaladdiisu soo wanaag sanaanayso. Waxa uu sheegay dhowaan in uu geli doono qalliimo h**e leh. Macalimuu ayaa warkan ka sheegay dood dhanka taleefanka ah oo uu kala qayb qaadanayay dhalinyaro Soomaaliyeed.

24/01/2022

Abwaan Cabdi Saahid oo kamid ah odayaasha reer Wardheer oo ka badbaadey xasuuq ay tigreegu ka gaysteen degmada Qoriile sanadkii 2007 dii, ayaa kasheekeeynaya sidii uu xaalku ahaa maalintaas. 13 qof oo ahaa wax-garadkii deegaankaas ayaa hal meel lagu daldalay sida uu ka sheekaynayo Abwaanku. Wax ka ogow wixii lasoo maray.

24/01/2022

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa Degaanka Gubadleey ee Goobolka Banaadir uga Qeybgalay kulan looga hadlayay La Dagaalanka Maandooriyaha iyo Sidii ay Bulshadu ula shaqeyn lahayd Laamaha Amaanka.

24/01/2022

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa bogaadiyay go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee ay shalay sharci darrada ugu tilmaameen in Ururka ONLF uu yahay urur argagixiso iyo wiliba dhiibistii Cabdi kariin Muuse Qalbi-dhagax.

23/01/2022

“Intii suuragal ahoo, Soomaali qaban karay, Nin sameeyay baan ahay” waxaa hadalkaas yiri xildhibaan Abdi Shire Jama oo maanta ku dhawaaqay in uusan u kamid noqon doonin murashaxiinta u tartamaysa kamid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kuwaas oo ay doorashadoodu hada ka socoto maamul goboleedyada dalka.

23/01/2022

Masjidka NuuruL Taqwa oo kuyaal degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa kajirta baahi loo qabo dhameystirka dhismihiisa oo in muddo ah socday.

Guddiga gacanta ku haya dhismaha masjidkan iyo wiliba bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ayaa si wada jir ah uga codsaday dadka jecel khayrka in ay ka qayb qaataan dhamaystirka masjidka.

23/01/2022

Madaxweynaha Puntland mudane H.E Said Abdullahi Deni ayaa qaabilay xildhibaanada cusub ee loo doortay shalay in ay Puntland ku metelaan golaha shacabka JFS.

Qoraal lagu qoray barta facebooga ee Puntland State House ayaa lagu sheegay in madaxweynahu u hambalyeeyay xildhibaanada cusub wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.

21/01/2022

Guddooomiyaha cusub ee guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya mudane Maxamed Cawil Warsame ayaa balanqaaday in uu si caddaalad ah u xalin doono arrimaha laga yaabo in ay keenaan muran inta ay socoto doorashada dalku.

21/01/2022

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi iyo sanetor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku baaqay In la joojiyo jadwalka doorashada reer waqooyiga iyagoo sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu b**b cad ku hayo kuraasta goboladaas.

20/01/2022

Shil gaari oo ilaa hadda inta la xaqiijiyey ay ku dhinteen laba qof oo mid rag yahay midna dumar ayaa waxa uu saakay ka dhacay afaafka h**e ee laga soo galo magaalada Garoowe. Labada marxuum ayaa mid kamid ah la sheegay in uu ka tirsanaa xafiiska madaxwayne ku xigeenka Puntland.

Address

Mogadishu
00252

Telephone

+254725732261

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warhaye TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Warhaye TV:

Share