09/09/2025
ππππππππππ: Habsami usocdka diiwaangalinta oo laga hadlay.
Kulan looga hadlayay Nidaabka diiwaan-galinta oo ah xaq uu mu'waadinkasta uu lee yahay in uu codkiisa wax Ku doorto ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq.
Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa ina la iska xog warsysto sida habsamida leh ee ay usocoto howl-laha diiwaan-galinta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasirro ka tirsan dowlad goboleerka Galmudug, Mas'uuliyiin katirsan maamulka Caabudwaaq,Taliyaasha Booliiska Caabudwaaq iyo Qeybta gobalka Galgaduud, Guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashooyinka Galmudug, Odoyaasha gollaha guurtida, Haween iyo dhallnyaro.
Dhammaantood ayaa sheegay in diiwaan-galintu tahay mid qofkasta oo mu'waadin ah xaq u lee yahay in uu is diiwaan galiyo ayna soo dhawaynayaan.
Cw post